Soomaaliya Ayaa Si rasmi Ah Ula Wareegtay Maamulka Hawada Dalkeeda.

Hargeysa(Toggaherer)-Soomaaliya Ayaa Si rasmi Ah Ula Wareegtay Maamulka Hawada Dalkeeda.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka oo tan iy burburkii ay gacanta ku hayeen hay’ado ajaaniib ah.

Munaasabadda waxay ka socotaa Muqdisho

Munaasabad lagu qabtay Muqdisho ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay in sharaf wayn u tahay Soomaaliya in ay dib ula wareegto maamulka iyo gacan ku haynta hawada.

Dowladda Soomaaliya oo in muddo ah ku howlaneyd sidii ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada ayaa sheegtay in ay dib u dhis ku sameysay qalabkii lagu hagi lahaa hawadda dalka oo in muddo ah ka maqnaa gacanta dowladda.

Soomaaliya ayaa fileyso in tallaabadan ay faa’ido u noqoto dalka, “maadaama uu dhaqaale ka soo xaroodo hawada dalka”.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ayaa laga soo xigtay in “dhaqaalihii ka soo xaroon jiray uu ku bixi jiray dalal kale”.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in hay’addo kale ay ka caawin doonaan maamulka hawada illaa laga tababarayo shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda dalka.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Khayre ayaa ahmiyadda weyn u aragto in Soomaaliya ay markale gacanta ku dhigto maamulka hawada.

Mowduuc

Advertisement

Ku Xayeysiiso