Dab ka kacay Dhisme Mumbai Ku Yaalla Oo Dilay 14 ruux.

Hargeysa (Toggaherer)-Dab ka kacay Dhisme Mumbai Ku Yaalla Oo Dilay 14 ruux.

Dab wayn oo saqdii dhexe ka kacay dhisme ku yaalla magaalada Mumbai ee dakka Hindiya ayaa dilay ugu yaraan 14 ruux, sid ay saraakiishu sheegeen.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dabka oo ka holcaya dhismaha

Dabka ayaa ka kacay dhismaha caanka ah ee Kamala Mills

Dabka ayaa ka billowday dabaqa sare oo huteel iyo suuq laga dukaamaysto isugu jira, dabka ayaana dhibaato baaxad leh u gaystay dhismaha muddo 30 daqiiqadood ka yar, sida ay wararku sheegayaan.

Lix ruux ayaa isbitaal la dhigay, sida ay BBC-da u sheegtay waaxda masiibooyinka qaabilsan ee magaalada Mumbai.

Dadka ay dhintay badankood waxay ahaayeen dumar ka qaybgalayay xalfad. Gabadh 28 jir ah oo u dabaaldagaysay dhalashadeeda ayaa ku dhimatay dabka, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay awawgeed.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso