Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.
Madaxweynuhu:
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda |
2. | Axmed Yuusuf Dirir Maxamed | Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka |
3. | Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka |
4. | Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka |
5. | Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi | Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka |
6. | Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax | Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka |
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland