Milicsiga saldhigyada milatari ee caalamka iyo casharrada ay Somaliland ka baran karto WQ: Sacad Muuse Cumar “Sacad-Makaawi”

Milicsiga saldhigyada milatari ee caalamka iyo casharrada ay Somaliland ka baran karto

 WQ: Sacad Muuse Cumar “Sacad-Makaawi”

 

Marka hore haddii aynu si kooban u qeexno saldhig militari (military base) waxa weeyi “in uu waddan waddan kale ka samaysto goob ciidan taas oo u adeegaysa danihiisa istiraatijiyadeed.” Saldhigyada militari ee adduunka kuwa ugu badan waxa iska leh Maraykanka iyo dawladaha waaweyn waxana waddamada marti-galiyeyaasha ahi (host nations) u badan yihiin kuwa soo koroya.

Noocyada ay saldhigyadu u kala baxaan waxay ku xidhan tahay danta kolba laga leeyahay, waxaanay isugu jiraan saldhig fulineed (command center), mid tobobar (training camp), mid tijaabo (proving ground), mid xaga saadka ah (logistics base). Marmarka qaar waxay ka kooban yihiin hal ama dhowr isku lammaan. Dhan kale haddii aynu ka eegno waxay ka kooban yihiin saldhigyo ciidan cireed (Air base), kuwo dhuleed, ku ciidan badeed (Naval base) iyo kuwo xabsiyo ah (detention camps).

Waa maxay faa’iidada ugu jirta waddan in uu marti galiyo waddan kale ciidankiisa? Maxayse yihiin cawaaqibyada ka dhalan kara ee looga soo joogay saldhigyada militari? Bal aan dul istaago laba saldhig militari oo Maraykanku ku leeyahay laba waddan iyo mid kasta wixii laga dhaxlay.

  1. Saldhigga Guantanamo Bay (1903 ilaa hadda)

Sannaddii 1898-kii ayuu Maraykanku duulaan ku qaaday waddanka Cuba oo ay gumeysanayeen Boqortooyadii Spanish-ku. Dagaalkii waa lagaga adkaaday Boqortooyadii, Cuba-na waxay heshay xorriyaddeedii, in kastoo xoriyaddaasi ahayd mid dadban oo Maraykanku si dahsoon uga fushanayey dano gaar ah. 1902-dii ayaa Cuba xorriyad buuxda heshay ka dib heshiis ay la gashay Maraykanka oo ay ku oggolaatay in ay gacanka Guantanamo ku wareejiso Maraykanka si ciidankiisa baddu saldhig uga samaystaan isla markaana uga dhuxuleysan karaan dhuxul-dhagaxda. Heshiiskaas waxa la saxeexay 2-dii February 1903-dii. Heshiisku wuxu dhigayey in Maraykankuna dhiciisa uu difaaco Cuba haddii dagaal dibadeed ku yimaad.

Hase ahaatee 1959-kii ayuu Fidel Castro oo aaminsanaa shuuciyadda “Marxism–Leninism” uu afgembi kula wareegay taladii dalka Cuba, kadibna waxa xumaaday xidhiidhkii u dhaxeeyey Cuba iyo Maraykanka iyadoo uu sannadihii 1963/1963 dagaal ka dhex qarxi gaadhay labadan dal kadib markii uu Ruushku Cuba soo dhigtay gantaallada riddada dheer, kuwaas oo Maraykanku ka saseen.

Fidel Castro dedaallo badan ayuu sameeyey sidii uu cadowgiisa oo Maraykan ah uga rari lahaa Guantanamo Bay, wuxuuna isku dayey in uu ka dacweeyo Maxkamadda Caalamiga ah, hase ahaatee kuma uu guulaysan. Ilaa maantadaa aan joogno Maraykanku saldhiggii miltari wuu ku leeyahay Cuba.  Casharka aynu halkan kala bixi karnaa waa in bixinta saldhig militari aanay ahayn arrin dhayal ah, xataa haddii labada dal ee saldhigga isa siiyey ay isku xumaadaan, saldhiggaas lagama noqon karo, heshiis baa ka yaalla.

  1. Saldhigga Okinawa ee Maraykanku ku leeyahay Japan (1979 ilaa hadda)

Saldhigga Okinawa wuxu ku yaal jasiirad ka mid ah dalka Japan waxaana deggan ciidan Maraykan ah.  Goobtani waxa ay ka mid ahayd meelihii Maraykanku ka qabsaday dalka Japan dagaalkii 2aad ee dunida kadib markii uu waddankaas ku tuuray qumubliyadihii nukliyeerka ee baabiiyey magaalooyinka Nagasaki iyo Hiroshima. Dagaalkii labaad kadib Japan iyo Maraykanku waxay yeesheen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi dhinacyo badan ah oo difaacu ka mid yahay, heshiiskaas oo hor seeday in Maraykanku Japan ka samaysto saldhigyo dhawr ah, si uu waddanka Japan uga difaaci karo waddamada ku dhaw ee shuuciyadda aaminsan, isaguna uu danihiisa gaarka ah uga difaacan karo.  Bal aynu eegno dhacdooyin tacadiyo ah oo ka dhacay saldhigga Okinawa.

Jasiirradda Okinawa ee uu ku yaallo saldhigga Maraykanku waxa ka dhacay dilal iyo faroxumayn ay ciidanka meeshaa degani kula kaceen dadweynaha deegaanka. Haddii aynu soo qaadano dhacdooyinkii ugu dambeeyey waxa ka mid ahaa hablo ay da’doodu ahayd 12jir iyo 14jir oo sannadkii 2011-kii ay ciidamada Maraykanku faroxumeeyeen kadibna ay dileen. Taasi waxay keentay in bulshada deegaanku aad uga cadhoodaan banaan-baxyo hor lihina ka dhashaan kuwaas oo joogitaanka maraykanka lagaga soo hor jeedo. Dhacdadaasi waxay sababtay in Okinawa la fududeeyo ka-ganacsiga jidhka si faroxumaynta habluhu u yaraato. Guud ahaan saldhigyada Maraykanku ku leeyahay Japan waxa ka taagan dood sharci oo la xidhiidha cidda xukumaysa iyo halka lagu xukumayo askariga Maraykanka ah ee fal-dambiyeed ka gaysta meel ka baxsan saldhigga milatariga.  Daraasad la sameeyey 2014-kii waxay muujisay in boqolkiiba sagaashan (90% ) dadka Okinawa ay ka soo horjeedaa saldhigga, khaatina ay ka joogaan guuxa diyaaradaha, laakiin ma laha awood ay isaga rari karaan. Casharka halkan ku jiraa waa dhibaatooyinka suurtogalka ah ee bulshada Berbera uga iman kara ciidamada Imaaraadku marka ay soo degaan.

Saldhigyada milatarigu khasaare kali ah maaha. Way jiraan faa’iidooyin waddanada marti-galiyeyaasha ahi ka dheefaan. Waxaa ka mid ah kharash ka soo gala kirada saldhigga, mashaariic caawimo ah iyo mararka qaar taageero dhinaca diblomaasiyadda ah. Laakiin waxa barbar socda khataro amni oo faa’iidooyinkaas inta badan ka culays weyn. Waddamada martigaliyeyaasha ahi waxa ay cadow la noqdaan waddanka la martigaliyey cidda uu cadowga la yahay. Tusaale, Maraykanka maadaama aanay isku fiicnayn China iyo Waqooyiga Kuuriya, khatar dhinaca amniga ah ayaa soo gaadhi karta Japan haddiiba ay Maraykanka iyo waddamadaasi colaad gacan-ka-hadal ahi dhex marto. Waqooyiga Kuuriya oo nukliyeer haysataa waxay Japan ku colaadisaa martigelinta ay siisay Maraykanka. Waxa iyaguna jira dhibaatooyin dhinaca deegaanka ah iyo sida aan kor ku soo sheegay kuwo dhinaca dhaqanka ah.

Gabagabadii, mar haddii ay saldhigyada milatariga la socdaan khataraha intaas leeg, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay qarankeena curdinka ah maxaa ugu jira saldhigga Imaaraadku ka samaysanayo Berbera? Heshiiska saldhiggan ma Imaaraadka ayaa ku gacan sarreeya mise Somaliland marka la is barbar dhigo faa’iidooyinka iyo waxyeellooyinka la filan karo?  Waa maxay liiska mashaariicda la innoo ballan-qaaday iyo kharashaadka ay ku kacayaan? Maxaa innooga yaal haddii waddankan aynu saldhigga siinay ay isku dhacaan waddamada aynu dariska nahay?

Jawaabaha su’aalahan waxa la heli karaa marka ay meesha ka baxaan madmadowga ku jira heshiiskan isla markaana xogta heeshiiska oo dhammaysitran la helo. Markaas ayaa si dhab ah loo fahmi karaa heshiiskani in uu dan inoo yahay iyo in kale. Xukuumaddeena ayaynu uga fadhinaa in ay xog rasmi ah ka keento sababta ay u aaminsan tahay in heshiiskan danteenu ku jirto si aynu uga bogsano shakiyada aynu qabno.

Wa billaahi tawfiiq

WQ: Sacad Muuse Cumar (Sacad-Makaawi) 

Email: sacadmakaawi9@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso