Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham.
Sababta rasmiga ah ee ka dambaysa in guud ahaan dadka reer Somaliland Danjireyaal (Ambassadors) noqdaan Alle ayaa og.
Hasa yeeshee, male-gorfeyntayda sababaysan ayaan jecelaystay in aan bartan idin ku la wadaago. Had iyo jeer waxa jirta in shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin dedaal siyaasi ah ay kaga jiraan, maal,muruq iyo maskax ba way la garab taagan yihiin waddankooda, si ka duwan cid kasta oo kale.
Ardayda jaamacadaha dunida wax ka barta ee reer Somaliland waxa ay iyaga oo xaalado adag ku jira ay halkooda ku xusaan maalmaha xusaska Qaran. Sidoo kale, waxa ay Iyana dedaal aan yarayn oo waddiniyaddeed muujiya qurba-joogta reer Somaliland ee dunida dacalladeeda ku filiqsan.
Warbaahinta muwaadiniinta reer Somaliland gacmahooda ku jirta iyo kuwa ay sida dadban saamaynta ugu leeyihiin ba waxa ay ugu adeegaan waddankooda iyaga oo shaqada ugu yar ee ay waddanka ugu qabtaan tahay in ay gol-daloolooyinka ciddii Somaliland neceb raadiyaan oo baahiyaan. Intaas oo dhan xuskooda waxa aan uga socday haddii dad shacab ah oo aan siyaasiyiin ahayni damcaan in ka shaqeeyay arrimo siyaasi ah oo ay filayaan in ay sumcadda waddanka sare u qaadi karto. Waxa dhacda in xilliyada qaar dadkaasi turaan-turooyin diblamaasiyaddeed ay waddanka u keenaan, inta badanna ficilladoodu maaha kuwo aqoon ku dhisan ee waa kuwo qalbi wanaag ku dhisan.
Siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland na inta badan waxa ay ku tamarisaa awoodda faraha badan ee dadkaa ku jirta iyo qalbi wanaaggooda. Walow aan filayo in aan xooggaasi sidii ay ahayd aan looga faa’iidaysan.
Suuxsanaanta siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland ayaa jaan-goysay jaho-wareer Qaran oo ummadda wada gaadhay, halkaana waxa ka dhashay in xataa, aqoon yahanka reer Somaliland ay cuqdad ka qaadaan hab-maamuuseedka Somaliland dunidu ula dhaqanto ama ba dawladaha jaarku ula dhaqmaan.
Waxa qoraalkaygani marag gashanayaa in maalmahan dad badan oo reer Somaliland ahi warbaahinta gaar ahaanna baraha bulshada shakhsiyaad kale oo aan siyaasiyiin ba ahayn iskaga jawaabayeen. Fashilka siyaasadda arrimo debeddeed ee innagu dhacay wuxu keenay in aan raadkeena dib ugu soo noqonno.
Laba qodob iskuma kay qabtaan, qalbi wanaagsanaanta, daacadnimada, hawl-karnimada iyo waddan jeceylka muwaadiniinta reer Somaliland iyo gurracnaanta garashada siyaasigayga. Labadan arrimood ayaan sabab ahaan cuskanayaa. Waxa ay kala yihiin;
1.01. AQOONSIGA SOCODKA DIINKA YEESHAY;
Muddo rubuc qarni ah ayay muwaadiniinta reer Somaliland ka dhur-sugayeen in mar uun la helo aqoonsi caro-edeggeed oo maal iyo muruq ba la iskugu geeyay shacab iyo xukuumad ba. Aqoonsigaasi wuxu ahaa yoolka ugu mihiimsan ee siyaasadda arrimaha debeddu liishaamaysay, baadi-doonkiisana xukuumadihii kala dambeeyay jid iyo ceel midna u saari waayeen, ayaa shacab badan ku dirqiyay in ay siyaasadda gacmaha ula tagaan oo ka shaqeeyaan, bal si daawo loo helo,
1.02. MAQNAANSHAHA AQOONSIGA OO DHIBAATOOYINKA DHAQAN-DHAQAALE OO DHAN LOO XAMBAARIYAY.
Guud ahaan dhibaatooyinkii nololeed ee shacabka reer Somalilan soo wajahay oo eeddooda mucaarid iyo muxaafid ba dusha uga tuureen maqnaanshaha aqoonsi caalamihi ah. Xukuumaduhii hoggaanka qabtay mushkiladihii siyaasi,dhaqan-dhaqaale ee ay maareyn kari waayeen waxa ay kaga cudur-daarteen in aan waddanku aqoonsi caalami ah lahayn. Sidaa darteed, shaqo abuur badan la ma samayn karo, maal-gashiyo caalami ah lama heli karo, dunida xidhiidho lama samayn karno, socdaalka muwaadiniinteennu waa dabran yihiin, beesha caalamku arrinta aqoonsigeena waa ka dhago-adaygtay ama dawladaha jaarku waa inna hagradeen. Kuwaasi waxa ay ka mid ahaayeen hadallo sir iyo caad ba shacabka siyaasigu ugu yidhi. Waxaana ka dhashay neceyb dadka lagu beeray oo ku qaan-gaadhay.