W/Q: Noradin Abdullahi Col-ujoog.
Xaaladdii abaartu, xadkii noole adkaysan lahaa ayay dhaaftay. Wararka saacad walba ka soo dhacay baadiyaha sideedda gobol ee abaartu saamaysay , waa kuwo welwel daban ku abuuraya qofkasta oo damiirkiisu shaqaynayo.
Aniga sigaara ayaay ii taabanaysaa xaaladdu oo ugu yaraan saddex jeer ayaan gaadhay inta badan deegaanada abaartu ka jirto, wakhti aan ka socday talafeeshinka dawladda. Waxaan ka soo waramay deegaanno ciidda, dhirta iyo xooluhuba dhinteen , dadkanu geeri qarka u saaranyahay.
Xilliga aan ka hadlayaa, waa 20kii November ee sanadkii hore oo hadda laga joogo laba bilood oo maalmo dhiman. Bal qiyaas halka uu xaal marayo maanta. Waa hubaal in xoolihii reer guuraaga aanu ka hadhin baaqi laysku hallaynkaro, waxaase werwerka ugu wayn abuuraya dhimashadii dadka oo toos u bilaabantay isla markaana tirdu ay kordhayso.
Safarkii madaxwaynaha Somaliland, guddoomiyaha Kulmiye iyo inta badan golaha wasiiradu ay ugu baxeen gobolada bari , marka la eego durufta culus ee haystay dadka iyo duunyadaba, hadalladii madaxwaynaha iyo masuuliyiinta ee ahaa ‘’ Waannu gurmanaynaa, oo dadkayaga waxba kala hadhi mayno’’, bulshada Somaliland iyo cidkasta oo isha ku haysay safarkaas ,waxa ay niyadda geliyeen in dalku wajahayo xaalad deg-deg ah xukuumadduna ay gurmad xooggan u fidinayso bulshada u dhimanaysa baadka iyo biyo la’aanta. Hase ahaate, taa bedelkeeda maxay tahay xaajadan ugubka ah ee xisbul xaakimka kasoo yeedhaysa ee uu weliba ku adkaysanaya?
Anigu, waxaan qayb ka ahaa warbaahin raacday waftigii madaxwaynaha . Ilaa hadda ma rumaysan karo madaxwayne Siilaanyo, ayaa doorasho gelinaya dadkii taabalaysnaa ee deegaanadooda ka hayaamay abaarta culus ee caydhaysay darteed.
Shacabka uu madaxwaynuhu u tagay oo aan markaa wax buuran lagaadhsiin, waxay sugayaan balantii ahayd ‘’ Xaaladdiina ayaanu doonaynaa in aanu ogaano, kadibna iidiin soo gurmanno oo waxba idin kala hadhimayno’’ oo madaxda wadanka uga saraysaa ay ku nuux-nuuxsanaysay.
Taariikhda mahadhada ahi maantookale ayay qorantaa. waajibka ugu wayn ee ummad ahaan ina saarani , waa gurmad loo dhanyahay iyo qaylo-dhaan la gaadhsiiyo, dadlalka jaarka ah iyo Dunida inta dhaqaale ku taageeri karta dadkeenna dhimanaya.
Waxba yaan qalinku ila taraarin, damiirkeennu ha ina kala dooransiiyo laba mid; in ummadda loo damqado iyo in la taageero talada siyaasiga ee u dhigan ‘’dadku isga oo dhimanaya madaxwayne ha ii doorto’’.