Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) | Guddoomiyaha Gobolka Sanaag |
2. | Xamse Maxamed Cabdi Axmed | Guddoomiyaha Gobolka Togdheer |
3. | Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse | Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex |
4. | Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse | Guddoomiyaha Gobolka Awdal |
5. | Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax | Guddoomiyaha Gobolka Gabiley |
6. | Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim | Guddoomiyaha Gobolka Hawd |
7. | Axmed Maxamed Xaashi Ducaale | Guddoomiyaha Gobolka Saraar |
8. | Mawliid Maxamed Nuur Warsame | Guddoomiyaha Gobolka Salal |
9. | Maxamuud Warsame Jaamac Cali | Afhayeenka Madaxweynaha |
10. | Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud | La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada |
11. | Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar | Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka |
[
Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.
Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
[
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland