Waqtiga iyo waayahuba waa casharo aadanahu dunida ka korarsada khibrad iyo aragtiyo cusub. Xikmad ku odhanayso ayaa jirta “taariikhdu waxay kaaga warantaa wixii dhacay, si ay kuu tusto mustaqbalkaaga” oo uu nuxurkeedu yahay qaladaadkii horay kuugu dhacay in dib danbe kuugu dhicin.
Waxaa xusid mudan in aynu dib u eegno loolanadii siyaasadeed iyo dagaaladii qabaaileed ee aynu soo marnay iyo is maan dhaafkoodii ku saleysnaa damaaci xukun, mid kastana la dayeysanaa, ka kalena dibindaabyo uu la rabo walaalkiis, taasoo aakhirkii keentay in ay kuligood isku noqdaan cadow, beeshoodii u durbaan tumeysayna dawakhisaa oo gelisaa dakano qabiil iyo mid dowladeedba. Ragaas inta uu loolanka u dhaxeeyo waa laga waayaa in ay isu tanaasulaan si ay u meel marto dantooda iyo tan umadda ay mas’uulka ka ahaayeenba.
Haddaba, raggii ku dhaqmi jirey caadooyinka aragtidooduna aynu soo sheegnay oo iyagoo walaalo ah ay colaadda foosha xun dhex mari jirtey, ayaa waxuu xaalkoodu ku danbeeyay in aakhirkii markii ay talo farahooda ka wada baxday oo ay jabeen ay isu soo direen gabayo digasho iyo dardaar werin isugu jiray oo nuxurkoodu uu kusoo ururayay “Ruux haduu kuu darnaan jiray waalagu digtaa”, iyo “maxaad igaga diganeysaa waxaad iga danbeysaaba waa deyrta maanta ahe!”, iyadoo intii kasoo hadhayna dufaanadii colaadeed ay raaceen ileyn iyagaa isdabar gooyay oo garbahoodii dunshay oo dushana laga wada qabsaday.
Waxaana nasiib daro labaad iyo sadexaadba ah, Qarnigan aynu joogno kuwa raba in shacab iyo dadyow badan aay meel ugu xidhnaadaan, oo jid iyo jahoba u diidaan, walibana magacyo iyo maamuus ku dhex leh dadkii, masuuliyadna kuu xambaarsan yihiin oo waliba codkaaga iyo ficilkaaga kugu dulaystaan, kugu dulmaan, dhiigaagana ku xalaalaystaan , adiguna aad garan ladahay.
Waxaan Shacabka reer Somaliland leeyahay, wixii maanta ka bilowda in ay isweydiiyaan jawaab cadna ka bixiyaan, Sumad na u yeelaan Salaadiinta iyo Siyaasiga, cir cadaaga noqdey ee qaranimadeenii iyo walaaltinimadii shacabka Somaliland qabiil dib ugu celiyey. Qormada labaad la soco, mee horumarkii dalku.
Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (Jaafaa)
Kristiansand, Norwey