Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “5 Arrimood oo aynu adayga iyo dhibaatooyinka nolosha ka baran karno”
Qofkasta oo adduunkan ku nool waxa soo gaadha dhibaatooyin fara badan . Dhibaatooyinkaas oo caqabad ku noqda hiigsigiisa , saamayn ku yeesha go’aamadiisa , kuna keeni kara niyad-jab iyo werwer joogto ah.
Dhibaatooyinkaas qofku marka uu aaminsan yahay inaanay marnaba nolosha ka maqnayn, una arkana inay yihiin qaar uu casharo ka baran karo. Walibana bulshada inteeda kalena ku dhiirigaliyo inay dhibaatooyinka La soo darsa u arkaan cashar iyo inay yihiin qaar ka mid ah sunnaha nolosha adduunyo, waxa uu noqonayaa mid ka badbaadiyay naftiisa iyo bulshadaba arrimaha kor ku xusan ee ka dhasha imtaxaanada adduunka.
Casharada laga baran karo dhibaatooyinka nolosha inaga hor-yimaada waxa ka mid ah:
1- Dhibtan kugu dhacday lagama yaabo inay dib kuugu dhacdo. Waayo dhibtani inta aanay kugu dhicin ka hor maad filaynin inay kugu dhacayso , ama maad garanayn sidaa ugu wanaagsan ee loo xalin karo ama looga hortagi karo. Tusaale ahaan waxa kaaga dhacay ama lagaa xaday mobilekaagii adiga oo bas saaran. In mobile-kaagu baska dhexdiisa kaaga dhici doono ama adiga oo aan dareemayn lagaa saari doono maad filayn. Waxaad garawsatay muddo kadib in dhacdadaasi sabab u ahayd surwaalkaaga oo ahaa mid jeebkiisu balaadhnaa oo mobileku ka dhici karayay adiga oo aan dareemayn markaad fadhiisato!
Sidaa darteed inaad isku daydo inaad ogaato sababta kugu keentay dhibtan iyo sidii mustaqbalka looga hortagi lahaa ayaa ka wanaagsan, inaad murugo iyo niyad-jab kaga jawaabto.
2- Wakhtiga ka soo wareega markay dhib kugu dhacdo waa mid kaa caawinaya inaad ilawdo dhibtii kugu dhacday ama xal u heshid. Waqtigaas ka soo wareegay waa mid aynu ku baran karno sabirka iyo u adkaysiga dhibaatooyinka. Waqtigaasi waa mid inaga caawin karaa inaynu u helno xalal kala duwan dhibtan inala soo dersatay.
Waxa jira dhibaatooyin fara badan oo inala soo dersa oo aynu isla markiiba xal u heli kari wayno , dhibaatooyinkaas oo aynu muddo ka dib u aragno qaar iska caadiya , ama muddo ka dib aynu xal macquul ah oo xalin kara dhibtan aynu helno. Tusaale ahaan sicir bararka ka jira SOMALILAND waa mid qoyska AXMED saameeyay , laakinse markii wax laga qaban waayay in muddo ah , AXMED waxa uu isku dayay ama uu ogaaday sidii uu isagu naftiisa iyo qoyskiisa sicir bararkan oo jira ay haddana noloshooda u maarayn lahaayeen. Taasna waxa keentay muddadii badnayd ee dhibtani jirtay . Wakhtigaas oo dawo iyo cashar u noqday sida ay qoyskaasi uga bixi lahaayeen dhibtaasi.
3- Xaaladuhu waa ay is bedelaan . Qofku waa inuu aamino inay xaaladaha noloshu is bedelaan. Murugada , farxada, werwerka iyo niyad-jabku waa qaar ay keenaan xaaladaha inaga hor imanayaa.
Dadka intooda badanina waa qaar jecel inaanay xaalduhu is bedelin. Dadku waxay jecel yihiin nolol ay ka hor imanayso kaliya waxyaabaha ay jecel yihiin ama nolol ay saadaalin karaan dhibaatooyinka ka hor iman kara. Laaakinse casharka aynu ka baran karno dhibaatooyinka iyo xaaladaha nolosha ee is gad-gadiyayaa waa:
• Inaynu aragno in isbedeladan iyo dhibaatooyinkan inaga hor imanayaa ay yihiin qaar ay la socdaan fursado iyo nolol cusub oo ka gedisan noloshii hore ee aynu ku noolayn. Tusaale ahaan waxaad waxbarasho u aaday waddan kale , waxaad aragtay dhaqan ka gedisan kaad hore u taqaanay , waxa kugu qasab noqotay inaad barato luuqad kale , IWM. Laakinse waxaad ka faa’iday dhibaaatooyinkaas inaad noloshaadii ka saartay deegaankii ay taqaanay ee ay saadaalin karaysay dhibaatooyinka ka hor imanaya , tagtayna waddan ay adag tahay saadaalinta dhibaatooyinka ka hor imanaysa. Sidoo kalena ka heshay fursado badan iyo waayo-aragnimano aad ka faa’idi karto mustaqbalka.
• Tusaale kale oo kooban , dhaqanka diinteenu dhiirigalisay ee ah In subaxii xilli hore la kacno ay sunno tahay. Waa mid dhib iyo xaalad cusub ku ah qofka aan xilligaas kici jirin. Waayo hurdada macaan iyo caadadan uu bartay ayaa ka hor istaagaysa. balse wakhti ka dib dhibtani waxay noqon doontaa mid ku caawisa inuu helo fursado iyo wakhti uu arrimo badan ku qabsan karo.
4- Dhibaatooyinka inaga hor imanaya nolol maalmeedkeenu waa qaar kalsoonideena kordhin kara. Kalsoonidan oo ka imanaysa ka gudbista imtaxaano ALLE markii hore uu doonayay in uu ku tijaabiyo inaad noqon karto ama aad tahay qof adkaysi leh oo isku daya markasta inuu baadho siyaabo uu tijaabadan kaga gudbo karo. Sidaa darteed kalsoonidan aad ka heshay ka gudbida imtaxaanadan kala duwan iyo sabirka aad la timid. Waa qaar kaa yaraynaya wer-werka iyo cabsida aad ka qabto inay dhibaatooyin kale kugu yimaadaan mustaqbalka.
Waxa hubaal ah in dhibkasta oo aynu la kulanaa ay yihiin qaar derajooyin leh , oo ay midkastaa ta kale ka culus tahay xalinteedu ama ka fudud tahay. Waxaana suurtagal in marka hore aynu ka shakino awooda aynu u leenahay xalinta dhibtan, laakinse waxaynu arki doonaa in dhibkasta iyo imtaxaan kasta oo aynu ka gudubno. Aynu ka heli doono kalsooni aynu ku xalino dhibta kale ee ku xigta . Tusaale ahaan qofka shan jeer shaqo laga eryay ee haddana markasta shaqo helayay, waa uu ka fursad, waayo-aragnimo iyo kalsooni badan yahay inuu shaqo helo mar lixaad haddii la eryo ama uu ka tago isagu shaqadaas. Marka la bar-bardhigo qof markii u horaysay shaqo laga eryay ama ka tagay!
5-Cabsida iyo werwerka la socda dhibaatooyinka addunku waxay ku barayaan naftaada. Sida saxda ah marka ay xaaladuhu kugu adkaadaan cida aad caawimo bidaysa marka hore waa ALLE iyo naftaada. Xilliyadan waxaad naftaada weydiinaysa waxay aqoon hayso ee ku saabsan dhibtan , cid khibrad u leh arrinkan inay garanayso iyo inaad ku dedaasho in aanay dhibtani kugu keenin wer-wer joogto ah , niyad-jab iyo cadho keeni karta inaad dembi ku dhacdo sida inaad QADARKA wax ka sheegto. Sidoo kale imtaxaanada adduunka waxaad ku qiyaasi kartaa u adkaysiga aad imtaxaanada adduunka u leedahay heerka uu gaadhsiisan yahay. Tusaale ahaan qof ayaa waxa laga yaabaa inuu lacag yaraan ku sabiri karo laakinse ay ku adag tahay inuu ku samro xanuun adag oo haleela.
Gunaanadka maqaalka waxynu ku soo koobayna in dhibkasta oo inaga hortimaada aynu marka kowaad ogsoonaano in dhibaatadu ay tahay sunnaha noloshan adduunyo. Marka labaad in dhibaatooyinka aynu casharo kala duwan ka baran karno . Casharadaas oo aynu bulshadana ku caawin karno sidii ay uga hor-tagi lahaayeen ama ku xalin lahaayeen haddii ay dhibtaas aynu hore ula kulanay ay iyagana la soo dersato. Caawintaas oo aynu inaguna ajar ALLE kaga helayno. Marka saddexaad dhibaatooyinka iyo imtaxaanada inaga hor yimi iyo sidii aynu u xalinay , waa qaar aynu kalsooni aynu dhib kasta ku xalin karno ka korodhsan karno marka aynu bulshada la wadaagno. Sida ku cad maahmaahda Soomaaliyeed:
“Ragu waxa uu ka sheekeeyaa bi’iisa dumarkuna badhaadha hooda.”
Maqaalkan waxaan ka soo qaatay:
The 12 Invaluable Lessons Learned Enduring Hardship and Stress
Sherrie Campbell
Psychologist, Author, Speaker
Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:
http://Www.Medium.com/@Kadim
Soo-jeedin
Dhibaatooyinka adduunyadan ku geedaaman ee wer-werka iyo cabsida inagu keena sidee looga bixi karaa?
Ka daawo jawaabta su’aashan muxaadaradan qiimaha badan ee uu soo jeedinayo :
SH MUSTAFE XAAJI ISMAACIIL.