Rw Khayrow Ha Noqonin Kaneecadi Tidhi Maroodiga Waan Kaa Dul-Duulayaye Is Adkee!

 

Somaliland macno weyn uguma fadhiyo hadalada kasoo yeedhey Ra’sal wasaaraha Federaalka Soomaliya ee ku tacaluqan heshiiska saddex geesoodkaSomaliland la gashey DPWorld iyo Ethiopia ee u saabsaneyd maalgeshiga dekedda Berbera. RW Khayre wuxuu sidii qof riyoonaya u yidhi heshiiskaas lala galey wadanka Somaliland waxay ahayd in ay soo marto dowlada federaalka Soomaliya iyo barlamankeeda wuxuu kaloo Intaas raaciyey isagoo ku beerlexawsanaya  midnimada Soomaliya ayaanu difaacaynaa.

Waxaanu leenahay Khayroow hano-qonin Shar-wade oo maankaaga mar labaad u sheeg in Somaliland halkii damqan jirety ay boogteedi bogsatey oo si-layaqaan u baaba’dey wakhtigii Iqliimka Ardsoomaal lagaga dhawaaqey magaalada  Burco gooni isu-taagii Jamhuuriyadda Somaliland. Wey jirtey mar aynu isku dad ahaan jirney hase- ahaatee maanta waxaynu noqoney  laba dowladood oo jaar ah oo mid walba iskiisa u haysto Barlamaan, Dowlad, dastuur iyo Ummad u gaara. Raggii kaa horeeyey ee mansabkaaga soo marey niyad sami badani nagamey dhaxeyn haddanu nahey Somaliland, labada geesoodna dhaliili wey jiri jirtey, waana hubaa in aysii jiri doonto, waxaase xaqiiqa ah in aanad iska indha- tiri Karin adiga iyo kuwa sacabka kuu tumaya sidii Beerta-Xayawaanka (Animal Farm) in uu inoo  dhaxeeyey wax ay carabtu ku tilmaanto Tintii Mucaawiye oo ay soomaliduna ku mahmaahdo (Kala Lulato kala go’baa dhaanta). Mucaawiye ayaa yidhi, haddii tinta la kala jiito waa uu goáyaa, hase-ahaatee haddii la isku dabciyo waa u jirayaa. Marka ay iga jiitaan waan u dabciyaa, marka ay isoo raacaana waan soo jiitaa.

 

 RW Khayroow, malaha taariikhdii iyo sooyaalkii Somaliland soo martey baabkeedi mabaad akhrisan oo baahi weyn baa kaa muuqata inaad raad raac ku sameyso intaanad maykrafoonka dublimaasiyad  afka saarin, Waase halkii Jaamac Gacalow waynu arki doona ismaroorintaada maanta, cida mahadisa waxanse ku leeyahay adiga iyo raga kula qayrka ah ee maanta ku hadaaqaya, sandulaan Somaliland wax Alliyaale wixii aanu doonayno ku yeelsinaynaa, waxaa idinku filan inaad ku cibra-qaadataan halhayskii Madaxweyne Mohamed Haji Ibrahim Cigaal( Allah ha u Naxariistee) ku yidhi: qaar idinka xoog iyo Itaal badan in xiddigaha  cirka Illaahey ku beerey ee widh-widh leh ayaa idinka dhow inaad Somaliland maanta u Talisaa.

 

Ruug-cadaagii siyaasiga, Aabihii Somali-land Mohamed I Egal baan halhayskiisi kugu khatimayaa, kuguna tilmaamaya halka aad maanta maraysid oo ahayd Hanoqonin kaneecadii maroodiga ku tidhi: Maroodiyoow waan kaa dul-duulayayee ee is-adkee!  Macnaheeda oo ah maroodigu muxuu ka ogyahey kaneeco yar oo dusheeda fuushan haddey duusho iyo haddey saarnaataba. Somaliland meelo badan baa laga colaadiyey oo waxba aan loola hadhinn laakiinse, Alla Mahad leh waanu soo taaganahey Illaahey Fadligiisa iyo Raxmadiisa sidii Abdi Ghahayr yidhi ayaa maantana ummada Reer Soomaliland qof kastaa ku leeyahey:Weligeyba meel lagu jabey ayaan jiqila weynaaye Illahey I jecela muxuu jirey arwaaxayga

 

M A Adaweh ( United Arab Emirates)

Advertisement

Ku Xayeysiiso