Idaa Shuufta Axmaara, Faranji Xaaji!

Odhaahdan, wa’an maqli’jirey. Arxan darridooda’na, wa’an arki’jirey. Somali naceybkooda’na, wa’an u soo joogey. Sidaas darteed, danta oo isku keen wada keenta mooyaan’e, in aynaan walaalo ahayn, iyagu wa’ay garanayaan; inagu’na wa’aynu wada ogsoon’nahay.

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen!

Waxa jiri’jirtey, kolanyo Axmaaro ah, oo Jigjiga ka bixi’jirtey, oo dadka iyo duunyada ay dariiqyada kula kulmaan, aan u nixi’jirin; oo gumaadi’jirtey. Xoolaha ummaddu, xaaraan ka’ma aanay ahayn, oo intii ay rabaan aya’ay qaadanjireen; oo ay qalanjireen. Dadku’na, geeljire ha ahaadaan, ama jees meel deggen ha ahaadaan, ama reer guuraya ha ahaadaan, ama socoto wadiiqo iska mareysa ha ahaadaan’e, uma aanay arxami’jirin; oo rasaasta aya’ay ku salaami’jireen.

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen!

Waxa aan xusuustaa, nin sarkaal ah, oo Axmaar ah, oo magaalada Jigjiga, dadka ugu khudbadeynaya, oo leh:

”Adiga oo beeraley ah, oo beertaadii ay si fiican kuugu baxdey, oo iyada oo qurux badan, oo nabad ah, aad fiidkii ka soo guri’hoyatey, ka warran, subaxnimadii markii aad ku kallahdey, haddii aad iyada oo uu doofaar habeenimadii mirtey, oo uu ku galgalimeystey, haddii aad u timaadid?”

Jawaab ma aanu suggin’e, hadalkiisii aya’u sii wadtey, oo waxa uu yidhi:

”Adiga oo cadheysan, oo xanaaqsan, haddii aad waranka qaadatid, oo aad raad gurtid, oo aad doofaar la kulantid, ma waxa aad is’odhani, hubso inuu kii beertaada cuney uu yahay, iyo in kale, mise waranka aya’ad la beegsan?”

Isaga ayaa isku jawaabey, oo yidhi:

”Dabcan, doofaar waa kuu doofaar, oo waranka aya’ad ka taagi.”

Ka bacdi, wa’u ujeeddo hadley, oo waxa uu yidhi:

”Sidaas darteed, xabbad haddii meel la nagaga soo rido, anaga Somalidu noo’ma kala sokeyso, oo noo’ma kala duwana, oo sida doofaarkaas aya’ay noo’la wada mid tahey, oo qofkii ama reerkii aanu deegaankaas la naga soo toogtey aanu ku aragno, dadka’na rasaas aya’anu la dhici, reeraha’na dab aya’anu wada qabadsiin.”

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen!

Carruurnimadii, waxa la nagu cabsiinjirey:

”Cadceeddu inta aanay dhicin, haddii aad soo hoyan weydaan, Axmaarada ayaa idin qaadan doonta, oo inta ay saqafka lugaha idiinku soo xidhaan, oo ay idin soo laadlaadiyaan, aya’ay wajiga idinka sari doonaan, oo ay dhiigga idinka miiran doonaan.”

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen!

Carruurnimadii, waxa iyadu’na ciyaarahayaga ka mid ahayd, in aanu laba kooxood isku kala qeybinno, oo aanu Somali iyo Axmaaro u la kala baxno; oo ka bacdi’na aanu dhoobada isku tuuryeyno; oo aanu gawda iskaga saarno.  Dareenku la yaab leh’e, marka uu nasiibku dhinaca Somalida kugu daro, sidii adiga oo Axmaar dhab ah la dagaallamaya, aya’anu si xammaasad leh, oo qiiro leh, oo geesinimo leh, aya’anu u dagaal gali’jirney; oo aanu dhinaca kale ku jabinjirney.

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen!

Mingiste, sababtii uu SNM u soo dhaweeyey, oo uu shicibkii ku qaxeyna uu magangalyada u siiyey’i, waxa ay ka ahayd oo kali ah: ”Cadowgaaga, cadowgiisu, waa saaxiibkaa!”

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti’na waa cadowgeen!

Meel dheerba adiga oo aan ka eegin, maantadaas aynu joogno, haddii aad Addis’ababa iyo Jibuuti aad kolba midkood isdhex taagtid, aya’adan isku dareen noqoneynin. Haddii ay ciidamada Federaalka ee Itoobiya ay kaa soo hor baxaan iyo haddii ay ciidamada Jibuuti ay kaa soo hor baxaan, aya’adan isku dareen noqoneynin. Haddii aad diyaaradda (Ethiopian Airlines) iyo diyaaradda (Djibouti airlines), haddii aad kolba midkood raacdid, aya’adan isku dareen noqoneynin.

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti’na, waa cadowgeen!

Danta iyo dadka, kala saar! Dantu maalinba waa dhinac, laakiin labadaas dadyow, Alle inoo’ma wada simin, oo wa’ay inoo kala dhowyihiin! Sidaas darteed, Reer Kililka Shanaad, waa walaalladeen, reer Jibuuti’na, waa walaalladeen. Sababta oo ah, inta muwaadiniinta Reer Somaliland aad idinku u taqaanaan, ee shicib leh, ee maamul leh, ee shaqaale dawladeed leh, ee ciidamada leh, waxa ka buuxa Reer Kililka Shanaad iyo Reer Jibuuti, oo haddii la tira’koobo, aanu caqligiinu keeni kareynin.

Dadka farahaas leh’i, dalkan wa’ay idinla leeyihiin, oo maamulkiisa iyo difaaciisa, waa idin kala mid, oo dhibaatadiisa iyo dheeftiisa’ba, wa’ay idin la qeybsadaaan, oo wa’ay idin la wadaagaan; oo dalkan ka’ma sheegan kareysaan.

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti’na, waa cadowgeen!

Inaga, Reer Xabashi iyo Reer Al-Carab Jarab, haddii ay ”dantu waa seetadu” isku keen dabreyso, taasi ma’ba xuma’e, Reer Jibuuti aya’an sokeeyaheena ahayn’ta, ayaa inagu qalad ah, oo aan inoo wanaagsaneyn.

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti’na, waa cadowgeen!

Dadka Reer Jibuuti iyo dadka Reer Somaliland, waa dad walaalo ah, oo wada dhashey. Si kale’na isku’ma diiddana’e, arrintu waa labadaas dakadood, ee Jibuuti iyo Barbara, oo iyagu’na sida Hargeysa iyo Burco, aya’ay u wada tartamayaan.

Ku’ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti’na, waa cadowgeen!

Gaba’gabadii, Reer Al-Carab Jarab inta laga tala’baxo, Reer Somaliland iyo Reer Jibuuti ha isku tashadaan, oo labadaas dakadood ha mataaneeyaan, oo sharikad labada waddaan ay wada leeyihiin, oo boqolkiiba (konton-konton) ay u kala leeyihiin ha wada sameystaan, oo labadaas dakadood midba hawsha ay ku fiicantahay, ee ay ku habboontahay, ha ka wada hirgaliyaan, oo ha ka wada hawlgaliyaan.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso