Ascw. Mareegaha warbaahinta iyo Bulshowaynta S/land.
Waxaa jiray heshiis soo jeetamay oo S/land la gashay Shirkada DPW ee laga leeyahay UAE,kuna saabsan wax loogu yeedhay maalgashi Dekeda Berbera,blase hadda u muuqda mid kala gadasho dalka S/land iyo Qaranimaddiisii. Heshiiskan ayaa Xukumaddii hore la gashay Shirkadan,waxaana uu ahaa laba geesood muddo haatan sanad iyo siyaado laga joogo. Heshiiskan oo nuxurkiisa aanay Bulshada S/land waxba ka ogayn oo hab qarsoodi ah ay u gelbinayeen Xubnaha ugu tunka waaynaa Xukumaddii Siilaanyo iyo tan Museba ayaa bulshada hore loogu sheegay in uu xambaarsan yahay horumar dhiinacyo badan leh maalgelinta Dekeda ka sokow basle markan labaad oo Xukumada Muse Biixi la gashay isla Shirkadan Hashiiska ayay dhamaan noqdeen waxba kama jiraan mashaariicddii tiroda badnaa ee hore logu bushaareyey Bulshada Somaliland. Kuwaasi oo ahaa in Mashruucan Maalgashiga Dekeda ay ku lamaan yihiin.
. Waxaase bedelkoodii noqday oo soo ifbaxay in Dekedii Berbera la mulkisiiyey labada Dal ee Ehtiopia iyo UAE. Kuwaasi oo loogu qaybiyey Ethiopia 19% iyo UAE 51% halka Somalilandna la sheegay in ay yelaandoonto 30%. Taasi oo macnaheedu yahay in Dalalkan shisheeye ee loo hibeeyey Dekeda berbera,lana siiyey 70% ay yeelandoonaan awoodda hogaaminta iyo maamulka guud ee Dekeda Berbera,isla somalilandna marti uga noqon doonto Dawladahaasi shisheeyey Dekedoodii keli ahayd ee dalka ka jirta.
..
Khiyaamooyinka dahsoon ee heshiiskan ku duugan,Bulshada Somalliandna weli laga qarinaayo,waxaa ka mid ah Heshiiskan DPW Somaliland la gashay uu ku jiro Qodob Cadaynaya in aan Dalka Somaliland gebi ahaanba laga dhisi karin Deked labaad oo tan berbera keliya ahaandoonto Dekeda dalka sodonka Sanno ee cimriga heshiska DPW jiro. Dhibaatooyinka soo fooleh,waxaa ka mid ah in Dalalkan loo wareejiyey Dekedu ay keensadoonan dalka Somaliland Ciidamo u gaar ah oo u ilaaliya Dekeda iyo hantidooda. Ciidamadasi oo aan waxba laga waydiindoonin Somaliland balse toos uga amar qaadan doonan dalalkooda. Waxaa kale oo la saadaalinaya oo soo muuqda in mustaqbalka dhow dalka Ethiopia ka iibsan doono dalka UAE dhamaan sharekooda ah 51%,isla yeelan doonaan guud ahaan 70% dalka Ehiopia Dekeda Berbera. Waxaana u ogolaanaya heshiiska la wada galay oo qeexaya in dhinac waliba sii iibin karo shararkiisa. Taasi noqon karta in Somaliland dib ugu dhacday gacan Gumaysi Madaw qarniga nasiibdaradeeda. Isla Nasiibwanaag waxaa xusid mudan dalku leeyahay Xeeb dhererkeedu yahay 800 oo Milse. Waxaa ka samaysan Dekedu yar yar oo Qadiim ah. Waxaa Bulshadu filaynaysay in Xukumadoodu mar uun uGu samayndooto horumar iyo dhisme Casri ah. Nasiidarro waxaa ah in dhamaan Dekedahaasi aan la dhisdoonin inta uu jiro Heshiiska Cadawga ah ee DPW. Kaasi oo reebaaya in dalka Somaliland laga dhiso Deked kale mudada uu jiro heshiiska Dekeda Berbera ay ku hantiyeen oo dhan Sodon sanno (30Yrs).
Dhinaca Dhulka iyo Buuraha Dalka Somaliland waxaa iyana qorshaysan in lagu iib-geeyo shirkada dalka dibadiisa laga abuuray,loona baxshay Somaliland investment Companay ee ay hogaaminayaa labada Mas’uul,waa Dr. Sacad Ali Shire iyo Mudane Bashe Cawil. Taasi awgeed,sida aan ciddna ka dahsoonayn Somaliland waxaa hadhsan oo aan weli la iibinin waa Dadka ku nool,balse iyana Gumays dib loogu gacan geliyey. Waxaa jira Siyaasad dalalka Carbeed ee khaliijika iyo Sucudigu hormood ka yihiin oo odhanaysa in Somalia guud ahaan lagu daro dalka Ethiopia,aanay noqoto qayb ka mid ah mustaqbalka dhow. Hadaba, Heshiiskan DPW,ayaa noqon kara hordhac ka mid ah Siyaasadaasi Carabtu hogaaminayso,Somalilandna ahaato qaybta u horaysa ka mid ahaanshaha Ethiopia.
Eebe Godka ha u nuuro e Abwaan Farah Nuur ayaa xiligii Africa la qaybsaday ka tiriyey Gabay murug ah,waxaana ereyadiisii ka mid ahaa “Waa Duni la kal iibsaday oo nala ogaysiinin. Waa duni ninkaad aamintaa kuu Abees hayay.” Dhagarta baaxadan leh ee dalka Somaliland ka dhalatay waxaa masuul ka ah Masuuliyin ka mid ah Xukumaddii hore ee Ahmed Siilaanyo iyo tan Muse Bixii intaba. Waxaana dhegaha ummada ku soo dhici jiray in Shirada DPW,laga soo qaaday dhaqaale loo baxsahy Xaqul-Qalim. Macnaheed oo ah Laaluush ku dhacay Jeebka Xubnahasi oo hadda Bulshadu si qumman u taqaano uguna tirsan balse goor lala xisaabtami aan la aqoonin. Waxaa ay yihiin cadawga koowaad ee Somaliland mar walba ,taarikhda dalka iyo ummadana bar-madaw ayay ku yeelaan doonaan haddiiba dib loo helo Somaliland uu ka dhisan yahay Qaran midaysan oo madax banaani balse manta waa Madax la qaderiyo dildilaca Qaranimaddii Somaliland hadheeyey darted.
Bulshawaynta dalka Somnaliland waxaa halakeeyey AbaaroSixir barar iyo hab qabaailo oo loo kala qayb- qaybiyey si xoogooda midnimo mar walba u hooseeyo. Waana dhaqanada Hogaamada Africa oo ah jidka keliya ee ay ku sii joogi karaan Kursiga muddo dheer kala qaybinta bulsahdoodu. Taasi awgeed Bulshada Somaliland ma laha awood iyo midnimo ay kaga hortagto dhagaraha loo maleegaayo inta ogiba.
Asbaabahaasi awgeed, xaaladda Somaliland ayaa ah guud ahan Ceel-uma-qodna ,Ceelayona umma maqna.
H.MohamedAdam.
Toronto.