Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah Furay Qorshaha Istiraatijiyada Iyo Horumarka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka

“Waxaan runtii Higsanaysaa inaan Dhammaanba ku guulaysano Ahdaafta Wasaaraddu masuulka uga tahay qaranka” Wasiir Maxamed Xaaji Adam Cilmi 

Hargeysa (ToggaHerer)  Munaasibad lagu  daah furay Qorshaha iyo Istiraatijiyada Wasaaradda Xidhiidka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) qaar kamida Madaxweyne ku xigeenadii Dalka soo maray  Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin, qaar kamida Hay’addaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah, Aqoonyahano, Jaamacadaha Dalka, Xildhibaanado ka tirsan laba aqal ee  Wakiilada iyo Guurtida, Gudoomiyaha Dallada SONFAF.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Adan Oo Ugu horaynba munaasibada furay ayaa ku nuux nuuxsaday isla mar ahaantaana sharaxaad ka bixiyey ujeedada munaasibadan iyo daahfurka wuxuuna yidhi Wasiirku ” Mudane Madaxweyne ku xigeen muhiimada shirkan maanta iyo isgu yeedhidani wuxuu ku saabsan yahay waa wada tashiga diyaarinta Istiraatiijiyada qorshaha Afarta sanno ee soo socota 2018-2021 oo ah qorshaha horumarinta qaranka, Wasaaraddani maadaama ay tahay wasaaradd cusub oo aynu aasaasnay, Mudane Madaxweyne ku xigeen adiga iyo Madaxweynahaagu aad garateen inay noqoto Arrimaha Dastuurka iyo xidhiidhka Goleyaasha oo Istiraajityadeedu aanay hore uga mid ahayn qorshihii qaranka ee (ND2), sidaa daraadeedna aynu doonayno inay imika la jaan qaado, meesha ay wasaaraddu hada taagan tahay waxaynu odhan karnaa inkasto ay intaa soo martay kala bedelka iyo waxyaabaha lagu soo kordhiyey waxay u dhigantaa wasaaradd cusub waxqabadkeeda, Waxaan runtii higsanaysaa inaan dhamaanba ku guulaysano Ahdaafta Wasaaraddu masuulka uga tahay qaranka”

Qaar kamida Madaxweyne ku xigeenadii hore ee Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa Wasaaradda ku amaanay doorka ay ku leedahay qaranka islamarkaana waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan dardarta cusub ee Wasaaraddu lasoo kacday   , Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa waxa uu yidhi ” Wasaaradda waxaan ku hambalyeynayaa bilowga wanaaagsan  iyo waxa muuqata inay garteen hawsha u taalla”

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin  oo Madaxweyne ku xigeen kasoo noqday Xukuumadii Daahir Riyaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ” Wasaaraddani waxay xoog yeelatay markii Distoorkii qaranka la hoos keenay ayaad moodaa inay dawladani is hoos gashay”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ” Wasiirka cusub Maxamed Xaaji Adan horta waanu soo wada shaqaynoo, laba sannaanu hada shaqaynaynay oo arrintii khaatumo ayaanu ku jirnay oo waa nin qiimo weyn leh, Ilaahay kheyr ha siiyee hawlkarna ah oo wakhtiga ilaaliya nin sharaf leh weeye, markaa anigu markii wasaaraddan loo magacaabay waxaan lahaa tolow maxay qaban doontaa, saaxiibkaa Gidaar baa loo dhiibaan islahaa, Istiraajiyad iyo inuu Boolasi samaysatay waan ku boorinayaa”

Mustafe Sacad Dhinbiil Gudoomiyaha Dalladda Ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF  oo iyagu gacan weyn ka geystay qabsoomida Munaasibadaasi ayaa waxaa uu sheegay ” Dallada SONSAF runtii waxay marwalba ka shaqaysaa arrimaha masiiriga ah, haddaan tusaale usoo qaato Doorashooyinkeena arrimaha Dibuqraadiyada gacan weyn bay ku leedahay, arrimihii Kheyraadka dalka iyo shiidaal baadhistii gacan weyn bay ka siisay Wasaaradda Tamarta, maantana waxaanu diyaar u nahay inaanu gacan ka siino Wasaaradda Horumarinta Dastuurka Xidhiidhka Goleyaasha  arrimaha baaxada leh ee u yaalla”

Gebagebadii waxaa Xafladaasi soo gunaaday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ” mar hadii laysu yimi oo kharash la geliyo in Ummaddu maskaxda tuujiso oo ay wax wanaagsan soo saarto oo nin walba wakhtiga iyo saacadaha Ixtiraamo si wax wanaagsan oo midho dhal ahi uga soo baxo aqoon is waydaarsiga”

Halkan Ka Daawo Warkaasi oo Muuqaal ah: 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso