Wada-hadalada WEYN iyo LAND talooyin iyo tusaalayaal

Wada-hadalada WEYN iyo LAND talooyin iyo tusaalayaal

Marka aynu isku dayno in aan wax ka nidhaahno macnaha ( wada-hadal ) waxaa laga yidhi hadalo badan hasa yeeshee waxaan ku soo koobi karnaa in wada hadalo siyaasadeed ay yihiin   “ kuwa  ka dhexeeya laba jiho amaba ka badan oo isku haya wax jihooyinkaa is haya u dana ,hasa yeeshee midba si u arko ,aanu doonayo inuu wada hadaladaa ku helo faa iidada ugu badan ee siduu isagu u arko waxa laysku hayo uu kaheli karo”

Hadab ahadaynu isku dayno inaynu wax ka nidhaahno waxa u danta ah wada hadalada Somaliland iyo soomaaliya ee dhawaan jabuuti ka furmi doona waxaa haboon in aan ogaano waxyaabaha lagama maarmaanka u ah wadahadalada siyaasadeed  ee loo baahan yahay intaan golaha laysugu iman in labada dhinac mid waliba xagiisa ka hir geliyo  kuwaasoo aynu ka tilmaami karno dhawrkan qodob:

  • Shuruud la,aan

Waxaan uga jeedaa shuruud la,aanta in aan soomaaliya iyo soomaaliland midna dhigin shuruud ka horraysa wada hadalada taasoo burinaysa wada hadalada laf ahaantooda ,shuruudaha aad uga fog xal raadinta labada dhinac waxaa kamida in shardi laga dhigo in midnimadu muqadas tahay oo hadii aanay taasi aqbalayn somaaliland aanay miiska wadahadalada laysugu imankarin ,iyo taa lidkeeda oo ah in gooni isu taagu muqadas yahay oo hadii taa aanay ogolayn soomaaliya  aan golahaba laysugu imankarin , waa laba shardi oo khalada sababtu waxay tahay hadii aanu rajayneyn ninka midnimada soomaaliyeed u doodayaa in taa laysla garan karo muxuu kasoo doonayaa kulanka iyo wada hadalada labada dhinac ,sidaasoo kale soomaaliland hadii aanay filanaynin in gooni isu taag laysla garan karo maxay ka hor fadhiisanaysaa soomaaliya.

Waxaa hubaala in aanay wax macna ah samaynayn wada hadalada ah halkayga halaygu yimaado aan taagahay markaasuunbaan wadahadli karnaa ,taasi waa burburin la burburinayo rajadii labada dhinac ee walaalaha ah waa kaweji dadab masuuliyada taariikhiga ah ee manta hortaala labada hogaamiye ,hadaanay labada hogaamiye awood u lahayn in ay go,aan sidaasa gaadhaana horta dib hawgu laabtaan golayaashooda hana lasoo tashadaan oo hakasoo dhaadhiciyaan in ay golayaashaasi rabaan maaweelada caruurta iyo in ay dad go,aan leh oo qaadankara waxay doonayeen haday suura geliweydo wixii laga badinn waayo ee danta labada umadood loo arko.

  • Qorshe (B) waa inuu diyaar yahay

Wada hadalada siyaasadeed had iyo jeer waxay ka dhashaan daraaso dhinacwalba taabanaysa oo waxa qofkan aad wada hadlaysaan aad ku qancinkarto ee aad ka iibin karto hadii aad ka weydo wixii aad kadoonaysay , tusaale ahaan soomaliland  maxay kuqancin kartaa soomaaliya ee baqaha kala go,a ka khafiifinaya ee suuro gelinaya in ay u aragto fikrad macquula oo soomaali land madaxbanaani gaara ku heli karto ,waxaasi waxay noqon karaan heshiisyo dhaqaale ,kuwo milateri oo waxyaabaha qaarlaga midaysnaanayo iyadoo laba dawladood lakala yahay ; sidoo kale soomaaliya waxay soo bandhigi kartaa qorshe soomaali land gooni isu taaga ka hakin kara oo awoodo dheeraada iyo  hab awood qaybsi oo caddaalad iyo in aanay dib u soo laaban karayn wixii hore u dhacay oo kale u dammaanad qaadaya  .tusaale ahaan waxaa la soo bandhigi karaa hab federaalkan aduunku yaqaano kaduwan oo fadaraalsoomaali aan odhan karno kaasoo ah in dawlad waliba sideedaa maanta ay u dhisantahay u dhisnaato isuna doorato baarlamaanka federaalkana ay dawlad waliba iyadu usoo doorato cida u meteleysa ,iyo in madax weynaha federaalka ay doortaan xubnahaa labada dawladood sooxusheen ,iyadoo teeramba ay khasabtahay in laga soo doorto labada dhinac mid ahaan oo aan laba teeram oo isku xiga dhinac wada hayn Karin .’ waa tusaale muujinaya uun waxa qofsoomaaliya oo dhibaatadan inna haysa aanka baxno uu ku fekeri karo oo uu xal ku raadin karo.

Waxaanan hubaa in dadbadani markay maqaalkan akhriyaan ay odhanayaan waa nin waalan oo xagee aduunka ka jirtaa sheekadani?

Waa runoo sheekadani aduunka kama jirto hasayeeshee adigu soomaalibaad tahay waxaanad u fakaraysaa in caqliga soomaaliga aad xal uraadiso caqligaasoo waxa aduunka kajira waxaan ahayni kabuuxo ,markaa innagu hadaynu hab cusub bilawno oo dadka sideena dhagaha xidhan een garina gelin garna kabixini ay arimahooda ku furdaamiyaan ,taa lafteeda haw daymo la,aan aduunkana haka fekerin waxa kajira eek a feker waxa adiga umadaada ka jira.

Waxaana haboon in qofkasta oo soomaliyi amaba LAND ha ahaado amaba WEYN ha ahaadee

Uu ogaado in qoomiyada soomaalida aan larabin in ay noqdaan dad jira oo aduunkan wax kanoqda ,waxaana hubaala in labada dhinacba dhabarka laga soo dhirbaaxo oo WEYNtana layidhaahdo federaalka iyo midnimad soomaaliya ayaanu aaminsanahay ,oo hadaanu soomaaliland ictiraafno annagaaba kaladaadanayna oo u nugul qaybsan iyo burbur, LANDtana  lagu yidhaahdo waanu idin ictiraafaynaa oo idinkaa wax qabsaday oo dimuquraadiyad sameeyey iyo nabad gelyo ,hasa yeeshee labadaa midna waxba kama jiraan . waxana sidaa loo leeyahay waxa lala sugayaa inta dadkii dalkan gacanta loogelin lahaa ee soomaalidaa wareertay dhaxli lahaa ay diyaar u noqonayaan dhinaca dhaqaalaha iyo milateriga iyo rayal caamka caalamkaba loogu diyaarin lahaa arintaa.

Waxaan ku soo geba gebeynayaa maqaalkan   soomaalidu WEYN ha ahaato ama LAND ha ahaatee inay ogaato in aany waxay tahay  jirin waxna soo kordhinayn  haday kala go,do iyo haday is raacdoba inta ay qabyaalada mabda,ka dhiganayaan waxaanay lamidyihiin bulaacad webi rogmaya ah oo hadii bulaacadaa lakala gooyana oo lakala xidhona qudhun ayuunbay lakala maqanyihiin haday israacaana qudhun iyo ur  is biirsatay uun weyyan  ,waana sidii ilaahay quraanaka kulahaa (famathaluhu kamathalilkalbi in taxmil calayhi yalhath aw tatrukhu yalhath)

Ninkitaab xooray ayuu Alla subxaanah ka waramayey oo wuxuu yidhi:

“ tusaalihiisu waa sida ayga oo kale oo eey hadii la baacsado oo la eryado iyo hadii uu si raaxale iskaga fadhiyaba waa haraan haryoonayaa oo hiinraagayaa”

Markaa soomaaliduna waa sidaa inta ay qabyaalad ay ku dhaadanayaan ee u dhiidhiyayaan hadii lamideeyana waaqabiilyar oo daciifa hadii lakal gooyana waa qabiilyar oo daciifa .

Maxamed xasan

Maxas.abdil@gmail.com

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso