Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ayaa gaadhay guud ahaan 315 Dugsi oo isugu jira kuwa sare iyo hoose/ dhexe oo u kala baxa 78 dugsiyo oo sare iyo 237 dugsi oo isugu jira Hoose / Dhexe iyo 39ah kuwa boodhinka ah ee la seexdo.Tirada guud ee ardayda dhigata ayaa lagu qiyaasay ilaa 120 kun oo arday.Tirada maclimiinta dugsiyaas ayaa gaadhaya 3468 macalin oo ka tayo iyo tacliin fiican macalimiinta dugsiyada dawalada wax ka dhiga.
Dugsiyadan tirada badan ee gaarka loo leeyahay waxaa lagu dhigaa ilaa iyo 6 manhaj oo kala duwan sida manhajka, Sudaan, Kenya, masar, Yama iyo Turkiga . badanka Dugsiyadan ayaan manhajkoodu ku mudeysneyn sida manhajka qaranka JSL oo ah 4-4-4 taas oo macnaheedu yahay 4 sano oo dugsi hoose ah, 4 dugsi dhexe ah iyo 4 dugsi sare ah. Qaar ka mid ah dugsiyadaa waxaa maamula dad ajaanib ah oo looga baqanaayo in ay ilmaha la yeeshaan waalidka oo ay maskaxdooda wax kale ku shubtaan. sida dhaqano qalaad iyo diin xag-jirnimo ah oo aan diinta islamka aheyn. ka dib markii loo kuur galay ee ( risk assessment lagu sameeyey qaar ka mid ah dugsiyadaa ) waxaa laga dhawaajiyey in qaar ka mid ah dugsiyadaa ardeyda qaarkood la ciqaabo gaar ahaan dugsiyada boodhinka ah ee magaalooyinka ka baxsan oo tiradoodu gaadhay 39 dugsi.
In kasta oo Wasaarada Waxbarashada Somaliland ay Waax gaar ah iyo Agaasime Waaxeed u sameysay dugsiyadaas kuna dadaashay sidii dugsiyadaa loo xakameyn lahaa ee manhajka dawliga ah loogu soo dabaali lahaa hadana ilaa iyo hada ” Faanoole fari kama qodna ” Maadaama maamulka Dugsiyadaasi ka madax banana yihiin Wasaarada Waxbarashada waxaana Maareeyaha dugsiyada gaarka loo leeyahay ku adkaatay in uu qaar dugsiyadaa ka mid ah uu gudaha u galo oo uu kala xaajoodo arimaha manhajka dowliga ah.
Hadaba waa maxay khataraha dahsoon ee ku gedaaman Dugsiyadaas gaarka loo leeyahay ee JSL ?
1- iyada oo laga cabsi qabo in ardeyda dhigata dugsiyadaas madaxa laga bedelo oo ay gacanta u galaan macalimiin xag jir ah ama qaar dhaqan qalaad,dhal-dhalaal been ah iyo diimo qalaad ku jiita ardeyda.
2- Qaar ka mid dugsiyadaa ardaydu waxay dhigtaan waxbara sho kala dhiman maadaama qaar mudeynta manhajkoodu ku saleysan yahay 3-3-3 sanadood oo keliya.
3- Ka dib markii la sameeyey u kuur gal dahsoon, lana waraystay arday kala duwan oo ay ku jireen ardey dhaqan celin loogu daray dugsiyadaa gaarka loo leeyahay, ayaa waxay ardaydaasi hayadaha ku shaqada leh Badbaadada caruurta uxaqiijiyeen in ay kala kulmeen Dugsiyadaas oo boodhin ahaa- jidh dil, nadaafad xumo, nafaqo daro cunto, hanjabaad joogto ah iyo hagardaamooyin kale oo aanay qeexin.
4- Nasiib daro dugsiyada gaarka loo leeyahay gaar ahaan Shanta albaadada xidhay ee ajaanibku maamulo may soo marin markii horeba Wasaaradda Arimaha Debeda ee JSL, mana laha qawaaniin iyo xeerar adag oo lagu dhaqo, Albaabkana kamaba furaan Wakiilada wasaaradda waxbarashada ee howshaa loo igmaday.
5- Maadaama Wasaaradda waxbarashadu hawsheedii ka soo bixi wayday dugsiyadaana ay ka buuxaan ardey sita dhalashada wadamada reer galbeedka,Waxaa ku soo maqan dugsiyadaa qaarkood Hayado caalami ah oo nabadgelyada caruurta daryeela, sidaa daraadeed waa in ay dugsiyadaasi taxadar badan sameeyaan oo samaystaan qawaaniin iyo shuruuc cadaynaaya in ardaydoodu gacan nabadgelyo ku sugan yahiin inta ay dugsiyadooda joogaan.
6-Waxay wasaaradda waxbarashadu ka gaabisay in ay dhamaystirto shuruucdii iyo qawaaniintii waxbarashada gaar ka loo leeyahay iyo ta dawliga ahba lagu hagi lahaa laguna dhaqi lahaa.
7-Dugsiyadani haba yaraatee may soo dhaweyn ku dhaqanka meel marinta manhajka dowliga ah ee JSL
Wasaarada Waxbarashaduna kumay dhiiran in ay yeelato awood ay rusqadaha kala noqonto.
8- Dugsiyadani waxay indhaha ka rideen waajibaadkii iyo shaqadii wasaaradda waxbarashada qaranka iyo shuruudihii dawliga ahaa ee ku wajahnaa meel marinta iyo fulinta manhajka qaranka JSL.
9- Qaar ka mid ah dugsiyani waxay ilaa iyo hada ka biyo diideen in lagu dhigo afka hooyo iyo manhajka dalka.
11-Badanka dugsiyadaasi ma laha nimaad isku dheeli tiran oo lagu kantaroolo waxbarashadooda ( quality insurance ) si loogu kal soo naado manhajyadooda ay ka soo waarideen dalalka debeda.
12- In kasta oo ay lacag badan ka qaadaan ardeyda dugsiyadaasi hadana qaar ka mid dugsiyadaasi ayaa tayada waxbarashadoodu aad iyo aad u liidataa.
13- Hadii aanay wasaaradu dar dar gelin in ay wadashaqeyn buuxda la yeelato dugsiyadaas waxaa dhici doonta in ardeyda dugsiyadaasi ay helaan fursado loogu ogolaado in ay ku qishaan imtixaanka shahaadiga ah sida horeba loogu tuhmay.
Gunaanad: Waxaa Xukuumada cusub looga fadhiyaa in ay ka shaqeysiiyo Qorshaha Shanta sanadood ee waxbarashada JSL ( 2017 – 2021 -ESSP ) kuna falkiso sifeyaashii loo kantarooli lahaa dugsiyada gaarka loo leeyahay Waxaana laga sugayaa in ay soo nooleyso xukuumadu xidhiidhkii wada shaqeyneed ee dugsiyadaa iyo wasaaradda waxbarashada. Waana in ay dar dar geliso barnaamijka isku xidhka dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay isula jaan qaadaan isuna caawiyaan dhinac kastaba.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London