Warbaahinta Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay warbixino ka qoraysay heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, DP world iyo dawladda Itoobiya ku dhex maray magaalada Dubai ee dalka UAE ee ku saabsan dekedda Berbera, kaas oo duufaano diblomaasiyadeed ka abuuray gobalka Geeska Afrika iyo meelo kaleba.
Wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa toddobaadkan qoray warbixin dheer oo uu ku falanqeeyay heshiiska, ismari-waaga diblomaasiyadeed ee ka dhashay iyo duruufaha kale ee muuqda. Wargeysku oo warbixintiisa ciwaan uga dhigay “Laba daran mid dooro.”, wuxuu aad ugu falanqeeyay heshiiskan.
Wargeyskani wuxuu sheegay in heshiiskan iyo doorka Itoobiya uu af kala qaad ku noqday labada wadan ee jaarka la ah Itoobiya ee Soomaaliya iyo Djibouti, kuwaas oo muujiyay sidaanay ugu faraxsanayn waxyaabaha socda. Waxaanay taasi keentay inay Diblomaasiyiinta sarsare ee Itoobiya safaro ku tagaan Djibouti. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya iyo wefti uu hoggaaminayo ayuu wargeysku sheegay in la filayay inay tagaan dalka Djibouti, kuwaas oo safarkooda hadda la bedelay. “Ka hor intii aan markii u dambaysay la bedelin wefti sare oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa tagayay Djibouti Sabtida, iyagoo la filayay inay u soo damaanad qaadaan masuuliyiinta Djibouti inaanu heshiiska Somaliland ee dekedda Berbera wax saamayn ah ku yeelan doonin xidhiidhka adag ee u dhexeeya labada wadan.” ayuu yidhi wargeyskani.
Wargeyska Addis Fortune wuxuu sheegay in masuuliyiinta dawladda Djibouti la soo weriyay inay ka cadhoodeen wakhtiga lagu beegay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland iyo DP world. Sababta ay Djibouti u cadhootay ayuu wargesku ku sheegay in heshiiska ay Itoobiya qayb ka tahay lagu beegay laba maalmood ka dib markii ay Djibouti baabiisay heshiis ay kula jirtay DP world.
Heshiiska ayuu wargeysku sheegay in wada xaajoodkiisa ay qayb ka ahaayeen khubaro uu horkacaayay agaasimaha hay’adaha badaha Itoobiya Mekonnen Abera. Wuxuu wargeysku sheegay in heshiiskani Itoobiya gayaysiinayo laba daran mid dooro. “Is afgarad guud ayaa la saxeexay sannadka ka hor kaas oo Itoobiya lagula heshiiyay inay dekedda cusub ee la horumarinayo ka hesho saami dhan 19%, halka ay Somaliland leedahay 33, DP world iyaduna ay heshay saamiga ugu badan. 2016 Baarlamaanka Somaliland wuxuu ansixiyay heshiiskaas saddex geesoodka ah kaas oo u ogolaanaya DP world inay dekedda Berbera ku maalgashato 440 milyan dollar.” ayay tidhi warbixintu.
Wuxuu wargeysku sheegay in Qaramada Midoobay dekedda Berbera u isticmaali jirtay ilaa sannadkii 2000 inay ka soo dejiso cunada gargaarka ah ee Itoobiya iyo dalalka kale ee gobalka u socota, wuxuuna xusay inaanay Berbera awood u lahayn in lagala soo dego shixnado ganacsi oo waaweyn. “Maamlka Itoobiya, oo aad u danaynaya inay helaan meelo kale oo badda ku xidha ayaa gebi ahaanba ku xidhnaa Djibouti. Horumarinta dekedda Berbera qiime istaraatajiyadeed ayay leedahay, ayuu wargeysku yidhi sida uu u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, wuxuuse wargeysku tilmaamay in Djibouti arrintan walaac ka qabto. Sababta koowaad ayaa ah shirkadda DP world oo ay dhawaan Djibouti si xun isugu dhaceen. “Heshiiska saddexda dhinac ah waxa la saxeexay laba maalmood oo keliya ka dib markii ay dawladda Djibouti gacanta ku dhigtay dekedaha Dooraale oo ay DP world gacanta ku haysay ilaa sannadkii 2006.” ayuu yidhi wargeysku, isagoo aad uga waramay maraaxilka uu soo maray is-mari-waaga Djibouti iyo DP world iyo halka uu hadda marayo oo ah in maxkamad caalami ah ay labada dhinac isla galaan.
Wargeysku, wuxuu telefoon ku waraystay Abu-Bakar Cumar Xadi oo ah Guddoomiyaha Iyo Madaxa Guddida Maamulka Dekeddaha Djibouti, oo sheegay in heshiiska ay kula jireen DP world uu ahaa mid aad u xun islamarkaana uu ahaa khalad in dawlada Djibouti ay saxeexdo, waxaanu xusay in Djibouti dedaal ugu jirto sidii ay DP world ugaga guulaysan lahayd maxkamadda ay DP world dacwadda u gudbisay. Maxkamaddan ayaa hore dacwad ay DP iyo Djibouti isla galeen waxay u xukuntay DP world, wuxuuse sarkaalkani qaraarka maxkamadda oo ku taala Ingiriiska u arkaa “Cadaaladda ninka cad” waxaanu yidhi, “waa xukun dhinac ka raran.”
Dagaalo kala duwan ayaa dhex maray Djibouti iyo ganacsadaha caanka ah ee Ina Boore iyo DP world oo isku dhinac ah, waxaanay ilaa hadda iskula jiraan maxkamadaha Ingiriiska. Wargeysku wuxuu sheegay in Mr. Boore uu Imaaraadka ku dhiirigeliyay inay u wareegaan dhinaca Berbera, taas ah dhirbaaxo wejiga lagaga dhuftay Djibouti. “Heshiiska ay Itoobiya ku gashay in ay ku lug yeelato horumarinta dekedda Berbera oo ay weliba saamiile ka yihiin, waxa ay jabuuti ku noqotay laf dhuun gashay” ayuu yidhi Wargeyska Addis Fortune, waxaanu wargeysku soo xigtay hadal tilmaamaya in DP world iyo Imaaraadku ay dhabarka ka toogteen Djibouti markii ay heshiiskan saddex geesoodka ah ee Berbera hirgeliyeen. Isagoo wargeysku soo xiganaya qof aanu magacaabin balse muddo badan ku soo dhex jiray xidhiidhka Itoobiya iyo Djibouti oo yidhi “Waxay noo sheegeen inay dhabarka ka tooriyeeyeen.”
Mr. Abubabark, wuxuu wargeyska u sheegay in mar walba Itoobiya u rajaynayo wanaag islamarkaana aanu dhibaato u arag inay Itoobiya raadsato suuq kale oo uu ganacsigeedu soo maro, “Wanaag ayaan u rajaynayaa Itoobiya” ayuu yidhi.
Socdaalka la filayay inuu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ku tago Djibouti ayaa wuxuu ku gaadhsiin lahaa farriin niyad wanaag ah oo uu nuxurkeedu yahay inuu u damaanad qaado Djibouti inay weli Itoobiya u yihiin xudun ku xidhaysa badda.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa wargeyskan u sheegay in; in Itoobiya ka qayb ka noqoto maalgashiga dekedda Berbera uu ka dhashay codsi ay Somaliland u gudbisay Itoobiya kaas oo sannad in ka badan laga wada hadlayay. Wuxuuna wargeysku soo qaatay hadal uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dhawaan ku sheegay inaanu heshiiskan saddex geesoodka ah wax cusubi ku jirin, laakiin la balaadhiyay uun heshiis ay wada galeen Somaliland iyo DP world oo uu baarlamaanka Somaliland ansixiyay.
Masuuliyiinta dawladda Itoobiya ayaa aaminsan sida ay warbixintu sheegtay inaanu heshiiskan saddex geesoodka ah ee Berbera lug ku lahayn arrimaha ictiraafka Somaliland laakiin uu yahay mid lagu xoojinayo ganacsiga, maadaama oo ay Itoobiya tahay dal dhaqaalihiisu aad u kobcayo. Laakiin dawladda Muqdisho ayaa heshiiskan ka qabto shaki badan.
Source GeeskA