Somaliland Oo Mudo 27 Sanno Ka Dib Ay Maanta U Suurto Gashay La Diwaangeliyo Shaqaalaha Dawladda Ee Reer Buuhoodle

Somaliland Oo Mudo 27 Sanno Ka Dib Ay Maanta U Suurto Gashay La Diwaangeliyo Shaqaalaha Dawladda Ee Reer Buuhoodle + Hay’adda Shaqaalaha Oo Ka Iba Furtay  Hawlgalka Madaxtaabashadda Iyo Tirinta Degmadda Buuhoodle

 

Shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa markii u horaysay 27-ka sanno ee Somaliland jirto laga hirgeliyey Deegaanka Buuhoodle, waxaana hawlgalkii madax taabashadda iyo tirinta ee hay’adda shaqaalaha dawaladdu 2-dii bilood ee u dambeeyey goboladda dalka ay ka waday uu gaadhay magaaladda Buuhoodle iyada oo diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee halka ku sugan tiraddooda lagu sugaayo halka hay’adda shaqaaluhu ay ka bilawday.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo  tafaasiil ka bixiyey hawlgalka madax taabashadda iyo tirinta ee lagu diwaangelinaayo shaqaalaha dawladda ee Somaliland inay ka bilawday hay’adda uu madaxda ka yahay deegaanka Buuhoodle, waxaanu farta ku fiiqay guddoomiye sharmarke geelle inay hawlaha shaqo ee ay gacanta ku hayaan si xawli iyo xamaasad ah u wadaan shaqaalaha loo igmaday waxaana uu u dhignaa qoraalkiisu sidan.

Buuhoodle
-Baadi-doonkii baahida iyo baylahda shaqaalaha dawladda oo Buuhoodle soo gaadhay

– Waxaa galabta soo gaadhay degmada Buuhoodle xog-doonkii xawaaraha ku socday ee u socday xaal iyo xog-ogaanshaha shaqaalaha dawladda iyaga oo kasoo kicitimay degmada Qorulugud

– Waxa ay markiiba bilaabeen diiwaangelinta shaqaalaha dawladda waxaanay u kuur gelayaan baylah iyo barkhad waxa ay ku sugan yihiin.

– Xawaare sare, xiiq la’aan iyo xuduud walba gaadh waxa ay ahayd xaalka hawl-wadeenadu mudooyinkii u dambeeyey hawsha ku wadeen, waxaana dhammaad ku dhaw hawshii soo taxnayd.

– Shaqaalaha dawladdu waxa ay nooga waramayaan war ay u haraad qabeen in laga ogaado waxa aanay isku diiwangeliyaan si hilow iyo habsan la’aan le.

– Illaahay fadligii, qalbi wanaag, soo dhawayn iyo bushaaro ayey hay’adii shaqaaluhu Buuhoodle ku dhex joogaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso