Madaxbanaani (da) , AQoonsi raadis (ka), Maalgashi (ga) Somaliland Q3aad


Madaxbanaani(da) , AQoonsi raadis(ka),Maalgashi(ga)Somaliland

MAALGALIN SHISHEEYE,(FOREIGN INVESTMENT).

——————————————————-

Waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta badan.

Waxaynu ka soo hadalnay asbuucan laba mowduuc oo isku xidhnaa, midbana midka kale ku xidhnaa oo ahaa, Madaxbanaanida iyo aqoonsi helida ama aqoonsi raadinta, waxaynu ka bixinay sharaxaad intii ilaahay Ina waafajiyey.

Maantana waxaan kusii xidhaynaa mowduucan kale oo ah qaybta ugu danbeysay oo ah

“Maalgalin S

hisheeye”.(Foriegn Investment).

Sababta aan mowduucan u soo qaatay:

—————————————————————-

Waxaynu baryahan danbe maqalnaa , dalkeena somaliland waa la maal gashanayaa , oo wadamo ayaa inoo imanaaya , waxaynu aragnaa rag ajaaniba ,gaar ahaan Chinese , Malaysian, carab ,Indonesian ,Indians iwm, oo shakhsiyaad ah, oo inta rag soo kaxaystaan ,wadanka la keeno ,casho loogu sameeyo huteelada waawayn ee dalka ,TVyadana loo yeedho ,bulshada la baraayo, looguna sheegaayo inay yihiin maalgashadayaal, (Foreign Investors), Lagana yaabo inayba yihiin dad tuug ah ama mafia ku shaqaysata magaca ,lana shaqaysta had iyo jeer meelaha aan dowladnimada adagi ka jirin ee mafiayadu ka taliso ,Africa howba bataane.

Waxa is waydiin leh , ashkhaas ajanabiya , oo aan wax alaale waxay yihiin la garanahayn , shirkadahooda aan la aqoon, dhaqaalahooda aan umada loo sheegin , taariikhdooda maal galineed aan la ogayn ( their investment history) , xafiisyadooda aan la aqoon , takhasusaadkooda aan umada loo sheegin , kaliya qof soconaaya oo shandad sita , sidee buu u noqon karaa , maalgaliye ?.

Dhamaan buuraha wadanka waxa ka buuxa indhayar ama dad noocaasa oo macdanta gurta , qaar kaluunka gurta, sida buuraha simoodi iyo gacanlibaax iwm dalkana waxa lagu soo galiyey iyaga oo huwan magacaas maalgaliye shisheeye , Marka laga reebo shirkada DP world oo iyada layaqaano profilekeeda , oo lafteedu duulimaad ku ah khayraadka dalka,howsheeduna ay ka fogtahay maalgalin , food saarana ka soo dhigatay maalgalin.

Hadaba akhriste waxaan jecelahay BaL inaan kula wadaago, sharaxaadna aan ka bixiyo guud ahaan waxa loo yaqaano maal galin shisheeye (foreign investment), si aynu u fahano waxa dalkeena ka socdaa ,ma maalgalinbaa mise waa boob.

Maalgalin Shisheeye (Foreign Investment):

———————————————————————-

Aragtida guud ee maalgashi shisheeye/dabadeed, waxay ku dhisantahay, lacag soconaysa, ka gooshaysa dal, una gooshaysa dal kale, si faa’iido looga soo saaro.

(Foreign investment involves capital flows from one country to another for profit).

Maalgalin shisheeye waxa weeye, marka shirkad dalkeeda ka jirta oo ganacsi/ama tujaar waawayn, ay maalgashi ku sameeyaan shirkad ganacsi oo kale oo dal kale leeyahay amaba uu qayb ku yesho,maalgashado. Marka laga reebo dowladaha wax maalgashada.

(Foreign investment is when a company or individual from one nation invests in assets or ownership stakes of a company based in another nation. As increased globalization in business has occurred, it’s become very common for big companies to branch out and invest money in companies located in other countries. (Normally by companies rather than governments)).

Mabaad’iida guud ee lagu saleeyo maalgalimaha dabadeed (international foreign investment conventions) ee wadan kasta ka jira waa sidan:

___________________________________________

a.   Maalgalinta waa inay sifo sharciya dalka ku timid , soo martay wado sharciya ,(Controlling and approving investment Applications ,by applying the National Investment Regulations),

b.   Waa in waxa shisheeyuhu helaayo , iyo waxa muwaadinku helayaa isu dheelitiranyihiin .(waxa laga helayo iyo waxa uu isagu helayaa isku dheeli tiran yihiin ).( Appropriate and proportionate Benefit based on Win Win Strategy).

*Hanaan kasta oo maalgalin shisheeye ,oo aan ku dhisnayn ,labadaas tiir waxa uu noqonayaa dhulmi (deception). 

Maalgalin Shisheeye ,hadaanay soo marin wado qaanuuni ah ,macnaheeduu waa maalgalin baxsiya(Escaping from the Law) (macnaha sharcigay ka baxsanaysaa , sharcigaa lagala cararayaa) ; markaas qofkaa/kooxdaas la cararaya ee la baxsanaaya ayuunbaa wax ku og , dani ugu jirtaa .

*Hanaan kasta oo maalgalin shisheeye oo aanay isu dheeli tirnayn ,waxa shisheeyuhu helaayo , iyo waxa sokeeyuhu helaayo(muwaadinka ), iyaduna waa Dulmi ama khiyaano,

(If the benefit generated from the foreign Investment Operations is not appropriate and proportionate to the foreign investors and the citizens of the county, we can refer as a “deception” which means hiding the truth from the citizens, looting their properties and Utilizing their Resources illegally).

Maalgalinta shisheeye waxay dalkasta ku timaadaa waa laba nooc sida badan:

↗️  Maalgalin Toos ah ; (DFI=Direct Foreign Investment):

Waa nooca ugu wacan uguna muhiimsan ee ah in Qof /Shirkad/Dowlad shisheeye wadankaaga ku yeeshaan Hanti maguurto ah, sida dhismayaal , xarumo waawayn oo ganacsi , warshado , beero ama dhul , iyagoo maalgashanaaya , qaybna ka qaadanaaya korodhka dhaqaalaha wadankaaga , sida shaqo abuur oo kale , kor u qaadida dakhliga dowlada sida cashuuraha iwm.

(Direct Foreign investments are when foreign individuals/companies/Governments make physical investments and purchases in buildings, factories, machines, and other equipment outside of their home country).

↗️Maalgalin Aan Toos Ahayn ; (IDFI= Indirect Foreign Investent):

Habkani waa hanaan maalgalineed waana marka Qof/Shirkad Ganacsi/Dowlad shisheeye maalgashto hantida guur guuri karta ,ama waqtogoodu gaabanyahay , ee sida yar loo kala badalan karo , sida maalinta lagu samayn karo suuqa saamiyada , ( Trading of shares market),ee shisheeyuhu inta uu caawa iibsado /maalgashado , barina iibin karo.

(Indirect Foreign investments are when companies or financial institutions purchase positions or stakes in companies on a foreignstock exchange. This type of investment isn’t as favorable as direct investment because the home country can sell their investment very easily, on the next day if they choose. Direct investments are usually a longer-term investment in the economy of a foreign country. It’s not nearly as easy to sell factories, machines, and buildings as it is to sell shares of stock).

Halkaas waxaynu ka fahmaynaa , maagalin dabadeed waxaa sameeya ;

1.   Ashkhaas ( individulas ),

2.   Shirkado (Companies)

3.   Dowlado( Governments).

Sadexdaas markay samaynayaan maalgalin, labada hore isku hanaan ayay raacaan ,markay maalgalin samaynayaan ha ahaato ta tooska ah ama ta aan tooska ahayn. (Waxay raacaan hanaan ay ku hubinayaan maalgalintooda waxay eegaan sidan :

⚠️Arimaha siyaasada wadanka ay maalgashanayaan ,

⚠️ Hanaanka lacagbixinta ee wadanka ay maalgashanayaan,

⚠️Caymisyada wadankaa ka jira ,

⚠️  Dhaqaalaha wadanka,

⚠️ Degenaanshaha wadanka

⚠️  Shuruucda ganacsiga ee wadankaas iyo qaabka lookala bixi karo haduu muran ganacsi yimaado am aka dhex dhasho iyaga iyomuwaadiniinta dalka leh,

⚠️Haday shirkado aaddaniya maal gashanayaan waxay eegaan ,darsaan sawirka guud ee shirkadaas , hanaankeeda faaliyadeed , xoogeeda dhaqaale, dhismaheeda maamul, cida leh iwm.

Meelahaasay xooga saaraan iyo qiimaynta waxa kazoo galaaya maalgalintooda.

Dowladuhu markay maalgalin shisheeye samaynayaan ,iyagu waxay had iyo jeer xooga saaraan arimaha siyaasada iyo dalkaas ay maalgashanayaan faaiidada ugu jirta ,iyo istaraatijiyada uu u leeyahay , haday waliba ka fahmaan dagnaansho , dhoohanaan siyaasadeed ama aanay fahamsanayn cidaasi qiimaaha ilaahay siiyey , way khiyaameeyaan waanay boobaan dowladuhu, iyagoo ka fiidaysanaaya daantooda.

Ma tixgaliyaan inay lacagtaas ka lunto , waayo waa lacag aanay cid gaari lahayn oo dowladeed si yar oo fududna lookabi karo ,hadayba dhacdo, maalgalimaha dowladuhuna had iyo jeer way siyaasaaysanyihiin , ka lamaal gashanaayo aduu sadar walba fahmo way yaraanaysaa in laga guulaysto ama waxiisa la dhaco.

Waxaas oo dhan aan ka soo sheekeeyey ee guud marka ah , dawlad waliba waxa ay leedahay siyaasad maalgalineed oo u dajisan maalgalinta gudaha iyo tashisheeyahaba.

(National Investment Policy), leh shuruucdeedii oo dhamaystiran , oo xakamaynaysa cid kasta oo danaynaysa maalgalin inay ku samaysayso dalkaaga.

Siyaasada maalgalinta waxa loo abuuraa oo lagu fadhiisiyaa ,shuruucdii qaadaysay ee lagu fulinaayey siyaasadaas , waayo siyaasad aan sal sharci lahayn waa tororog uun .

Siyaasad kasta oo loo dajiyey wadan ama waax dowladeed waxa sal u ah shuruuc qaada , tusaale caafimaadka , waxbarashada, amniga , cadaalada , qaanuunbaa sal u ah laysla ogyahay.

Halkaas waan ku dhaafo faaladaas guud eek u saabsan maalgalinta hisheeye waxa ay tahay.

Ukaalay Somaliland dalkayga /dalkeena , Somaliland ma leedahay qawaaniintii iyo siyaasadii dalkeena maalgashigiisa shisheeyaha aynu ku xakaayn lahayn?,

Shuruucdii maalgalinta oo faahfaahsan ma inoo diyaarsanyihiin.?,

Cidan lagu sheegaayo maalgaliyayaal (marka laga reebo DP world oo dalka usoo boob tagtay) , yaa inoo garanaaya ?.

Laba wiig ka hor koox Ayaan filayaa inay u dhasheen Malaysia hadaanan qaldanayn ayaa madaxtooyada Somaliland ku casuunaa yaa inaga hubiyey ? wadaday soo mareen , yaa waday?. Qaar ka horeeyey oo china laga keenay ayaa jiray oo ilaa hada meelay jaan iyo cidhib dhigeen aan la arag ?.

Kuwan macdanaha gurta ee buuraha ku raran yaa liisanada siiyey ? ,maalgalintoodu waa noocma ?.

Qof kaliya oo aan profilekiisa maaliyadeed /maalgalineed iyo taariikhdiisa aan la aqoon oo wadan iska yimaada, isagoo nin ujeedo lihi wato, ma la odhan karaa waa maalgaliye shisheeye mise waxaynu ugu yeedhaynaa tuug shishiiye oo tuug sokeeye wato?.

Shuruuc nooceeya ayay dalka ku yimaadeen ?.

Dalalkoodiii maalgaliyayaal ma uga diiwaan gashanyihiin , ama ganacsato ?, shahaadooyinkooda yaa eegay ? yaa inaga hubiyey , ma ashkhaas mise institution dawli ah oo aynu leenahay oo xeer iyo shuuruuc raaca ?.

Gabo Gabo:

—————–

Markaad Somaliland eegto, shuruuc ahaan, siyaasad ahaan,

Markaad ka dharagto waxa tvyada laga shubaayo Somaliland ee la leeyahay maalgashi,

Markaad aragto dadka ka hadlaaya iyo aragtidooda meesha ay ku jihaysantahay (waa inta barakaynaysee),

Markaad eegto qaabka lagu keeno, iyo sida loo dilaalo, ama loo jujuubo,

Waxa kuusoo baxaysa, Somaliland Kama socoto maalgalin shisheeye, ee waxaa ka socda waa boob cadaan ah iyo sharciyad daro dalka lagu soo hogaaminaayo mafia rabta inay dhaxal wareejiso dalka oo uae kow ka tahay.

Waxa kale oo kusoo baxaaya, Markaad eegto hanaanka maalgalinta ee caalamiga ah, iyo sida shirkadaha iyo dowladaha iyo ashkaastuba u maal gashadaan wadamada aan wadamadooda ahayn, inaan Somaliland mar xaladan maanta ay ku jirto , inaan qof inuun miyir qaba , ama fahamsan hanaanka ganacsiyeed ee wax tarka leh oo caqli leh inaanu Somaliland maalgashanahayn.

Somaliland waqtigan xaadirka, halka ay taagantahay, dowlad dhac doonaysa, shirkad dhac doonaysa oo fahamsan baylahda taala, oo is leh ka faa’iidayso ayuun baa u soo shaqo tagaysa, markay yimaadaana waxuunbay la kulmayaan ciidankii XAQUL QALINKA. Xaqul qalinkuna waxba ma diido, haday agooni leedahay waa iska keenaa……..

                 ……..  Dhamaad…………

Abdirashid Hussein Yusuf.

Email_Gahaydhle@live.com

Doha,Qatar.

Get Outlook for Android

Advertisement

Ku Xayeysiiso