Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo Bulshada Gobolka Hawd ugu baaqay inay Wax Soo Saar la yimaadaan, Socdaalna ku Gaadhay Baligubadle


Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, Mudane Axmed Muumin Seed ayaa socdaal ku tegay Magaalada Baligubadle.

Socdaalkan ayaa waxa wasiirka ku wehelinayey Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Cilmi Aadan, Agaasime waaxeedyo ka socday Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Xaflad lagu qabtay guriga Martida ee Magaalada Baligubadle ayaa waxa khudbado ujeedadeedu ahayd sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa wax soo saarka beeraha ka soo jeediyey masuuliyiinta deegaanka iyo masuuliyiin ka socotay xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu tilmaamay in ujeedada socdaalkoodu tahay sidii bulshada loogu wacyligaln inay wax soo saar la yimaadaan.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Muhiimada socdaalkayagu waxa weeyi sidii aanu bulshada ugu wacyigalin lahayd inay wax soo saar la yimaadaan, taasi ayaanu gobolada dalka ee Somaliland u maraynaa, bulsho aan wax soo saar la iman oo aanay wixiii ay cunayeen la soo bixina bulsho horumar samaynaysa maaha, waxaanan bulshada ku dhiirigalinayaa inay wax soo saar la yimaadaan oo ugu yaraan qofku wixii uu cunayey qoyskiisu uu soo saaro”.

Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa khudbad uu isna ka jeediyey munaasibadaasi waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay In bulshadu wax soo saar la timaado

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Cillmi Aadan (Ilkacase) oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in wax qabad bulshadu u diyaar garawdo, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “aynu u diyaar garawno waxqabad oo aynu wax soo saar la nimaadno”

Badhasaabka Gobolka Hawd Yaasiin Maxamed Shide  ayaa isna khudbad uu madasha ka jeediyey waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin bulsho ahaan inay wax la soo baxaan, isla markaana wasaaradda diyaar ula yihiin wixii hawla ee ay dhankooda uga baahato.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, Suldaan Barre, Maayarada Baligubadle, Gumburaha iyo Sayla iyo masuuliyiin kale oo iyaguna dhankooda khudbad ka jeediyey munaasibada ayaa xusay sida ay diyaar ugu yihiin inay wax soo saar la yimaadaan oo ay beeraha dhankooda u jeedsadaan.

Masuulyiinta ayaa markii dambe waxa ay kormeer ku tageen beero ku yaala deegaanka oo ay muwaadiniintu maalgashatay iyo beero kale oo u diyaar ah in ay bulshadu la wax soo saar ka samayso

 https://www.youtube.com/watch?v=T4woNXQlBW8&feature=youtu.be

Advertisement

Ku Xayeysiiso