Xafiiltankii ugu sarreeyay xagga siyaasadda ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu figta gaadhay sannadkii 2000, markaas oo uu geba-gebo ku dhawaa shirkii Carta ee lagu doortay Cabdiqaasin Salaad Xasan. Goleyaasha xeer-dejintu waxa ay ansixiyeen qaraar fasaxaya in gudaha la dhigo dadka Somaliland ee la falgala Soomaaliya.
Dadka u dhashay Somaliland ee loo xidho inay ku milmeen siyaasadda Soomaaliya waxa ugu horreeyay Eebbe ha u naxariisto’e Garaad Abshir Saalax (Garaadkii Beelaha Dhulbahante/Barkad) oo 2000 Berbera lagu xidhay. Garaadka waxa lagu xukumay sida aan filayo lix sanno oo xadhig ah, waxa se lagu sii daayay cafis madaxweyne.
Waxa ku xigay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir oo Hargeysa lagu xidhay isla sannadkaas. Waxa aan xasuustaa in 11kii Nofember 2000 uu Hargeysa ka dhacay bannaan-bax lagu diiddanaa xadhigag Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir, waxaana mudaharadkaas ku geeriyooday askari boolis ah.
Isla maalmahaas waxa Madaxweyne Cigaal Eebbe ha u naxariisto’e u tegay ergo uu ka mid yahay aabbahay Maxamuud Gahayr Warfaa, waxaanu u ballan-qaaday in uu xorriyadda u soo celin doono Suldaanka guud iyo dadka la xidhan. Qaar ka mid ah dadkii maalintaas la xidhay waxa ay Xabsiga weyn ee Hargeysa ku jireen lix bilood.
Maalmahaas waxa uu Garaad Abshir Saalax yidhi “Kama xumi in la sii daayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir, laakiin waxa aan ka xumahay in aniga la iila dhaqmay si foolxun”. General Jaamac Maxamed Qaalib oo socdaal ku yimi Hargeysa 2004ta waxa loo dhaadhiciyay xabsiga, falkaasna iyo hadallo uu yidhi Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ismaaciil Wasarada maaliyada Cismaan (Ismaaciil-Yare) oo laga xanaaqay ayaa sababay in la weeraro madaarka Hargeysa. Halkaasna waxa ku dhintay askar ka tirsan ciidanka Somaliland iyo Mujaahidiintii duullaanka fuliyay.
Arrimahan waxa laba jeer gudaha loo dhigay Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi, waxaana lagu riday xukunno kala geddisan oo aanu dhammaysan. Sannadihii 2008da iyo 2013ka ayay ahayd.
Dadka kale ee arrimaha Soomaaliya loogu xidhay Hargeysa waxa ka mid ahaa Abwaan Cabdirisaaq Axmed Geeddi (Aakhiro) hilaad ku siman 2015kii ayay ahayd. Iyada oo aan la xukumin ayaa la sii daayay. Fannaanka caanka ah ee Farxaan Xiddig ayaa isna Hargeysa lagu xidhay, waana la sii daayay.
Waxa aynu xasuusannahay in gudaha la dhigay Suxufi/Samafale Cabdimaalig Muuse Coldoon sannadkii hore, waxaana lagu riday xukun maxkamadeed. Afar ka tirsan annaaniinta Xiddigaha Geeska ayaa iyagana gudaha loo dhigay. Dadka qaarkood waxa ay soo qaataan oggolaansho dawli ah, waxaana saamaxaad u fidiya masuulka ugu sarreeya qaranka. Sidaas ayay kaga samata-baxaan xabsiga.
Sax iyo qalad ka uu doono ha lagu macneeyo’e, waxa aan ogahay in haddii Siciid Maxamuud Gahayr uu tago Muqdisho isla markaana uu ku kaco falal iyo weedho ku lid ah madax-bannaanida Somaliland in la xidhayo. Waa haddii aanu soo marin waddo diblomaasiyadeed.
Niciima Axmed Colaad (Niciima Qorane) waxa ay muddo laba bilood ku dhaw ku xidhan tahay magaalada Hargeysa. Aniga oo eegaya in ay tahay haween iyo gabadh, aniga oo ogsoon in aanay ahayn qof hubsayn oo weerar ku ah Somaliland, aniga oo og inaanay ahayn qof siyaasi ah oo ku lug leh loollanka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho..
Mar haddii ay hore u dhacday la-jiifiyaana bannaan oo lagu sii daayay ragga aan xusay ee Farxaan Xiddig, Jaamac-yare iyo Cabdirisaaq-Aakhiro ka mid yihiin.. Waxa aan ku baaqayaa in Niciima Abwaan Qorane loo celiyo xorriyaddeeda, in la laalo dacwadda ku furan, in loo fasaxo inay ku laabato magaalada Muqdsisho oo ay ku noolayd.
Waxa ay magaalada Hargeysa u timi xaalad aan khusaynnin siyaasadda oo qoys. Xilliyada guurka, geerida iyo xaaladaha gaarka ahi jiraan waa la isu gudbaa. Niciima Abwaan Qorane waxa ay imaatinka Somaliland uga baaqatay ka soo qayb-galka geerida walaalkeed oo xijaabtay dhammaadkii 2016ka, markaas oo aan qudhaydu xidhnaa.
Yuusuf-garaad Cumar Axmed oo Sebtember 2012ka u beretamay Madaxweynaha Soomaaliya ayaanu 8dii Oktoobar 2012ka ka wada qayb-galnay aaskii Marxuun Abwaan Gaarriye oo Hargeysa ka dhacay. War-fidiyeenka waxa uu ku yidhi “Keliya waxa aan u imi aaska nin aanu saaxiib ahayn. Diyaar uma ihi in aan wax kale ka hadlo” sidaas ayuu hadalkiisa ku gaabsaday.
Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com