(Qaybta 4aad) Mawqifka iyo Martabadda Xukuumadda Somaalinad Kaga Jirto Sharciyadda Caalamka.

Somaaliya Oo Ku Dhacday Godkii Ay U Qodda y Somaaliland

 

(Qaybta 4aad) Mawqifka iyo Martabadda Xukuumadda Somaalinad Kag a Jirto Sharciyadda Caalamka.” Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

 

Ogow. ha ogaadeen labada kuray ee Farmajo iyo Khayre, ha ogaadeen Jawaari iyo Ba rlamaanka Xamar. Sidoo kale, ha ogaado shacabka S omaaliya ee la marin habaabiyay, “Somaaliland in ay ka madax-bannaan tahay Somaaliya”. Si daa darteed, Somaaliland waxaa ay xaq u le edahay heshiiskii xukuumaddoodu la gashay DP World, Itoobiya iyo Imaaraatka. Waxaana u jidaynaya qoddobadan:-

 

Qarannimada Somaliland waxaa a y ku siman tahay tan iyo 1884 markaas oo la hin isay Maxmiyadda Britain ee Somaaliland. Haddaba, i ntii uu socday gulufka dagaalkii 2aad ee Adduunka, 1940-1941, waxaa Somaaliland gacanta ku dhigay T alyaaniga. Hase yeeshee, mar kale, taladii waxaa dib u mulkiday Boqortooyada Britain. Ugu danbe yn, dalku waxaa uu calanka qaatay 26kii June 19 60. Isla markaana, waxaa aqoonsaday Qaramada Midoobay iyo 35 dal oo uu ka mid ahaa Maraykan. Balse, iyadoo tiigsanaysay riyadii mideynta Som aaliyeed oo ay horseed ka ahayd, toddobaad gu dahiis, Somaliland waxaa ay ku biirtay Somaaliya oo i yadana uu ka kacay gumaysigii Talyaanigu 1dii July 1960.

 

Ayaan xumo, Somaaliland waxaa ay ku hungooday hankeedii, waxaana ay gunta u fadhiisatay duudsi, dulmi iyo nac. Ergadii u ambabaxd ay Xamar, waxaa ay Hargeysa kala sii boqooleen xeer ka soo baxay xukuumaddii Somaaliland, (Xeer Lambar 1, 27/June 1960 ee Mideynta Somaaliland iyo Somaaliya). Hase yeeshee, midnimadii kuma a y rumoobin sifo sharci ah. Waxaana ka marag ah:- 1 – In aan la tixgelin xeerkii Somaaliland. 2- Si loo oggolaado, in aan la soo bandhigin xeerkii laga diyaariya y Xamar. 3- Si loo mideeyo, in aan dood laga furin l abadii xeer. 4- In aan si wadajir ah loo wada saxiixin labada xeer midkoodna, sidaana waxaa ku bura y labadiiba. 5- In midnimada lagu fuliyay Xeerkii Xamar iyadoo aan laga la tashan ergadii Somaaliland, balse, laga ansaxiyay barlamaanka oo 2/3 ka soo jeedeen Somaaliya.

 

Sidaa darteed, Gobolada Waqooyi waxaa laga diiday aftidii lagu ansaxinayay midni mada. Isla markaa, 1961 xoogagga miletari ee ku sugnaa Somaaliland waxaa ay isku dayeen inqilaab fashilmay kasoo ay ku haybinayeen in ay kula soo noqdaa n madax-bannaanidii. Saraakiishii hollisay afgembig a, waxaa oodda ka qaaday Maxkamadda Xamar marki i ay ku wayday wax denbi ah iyadoo maxkamaddu ku durtay in aanay dhammays ahayn midnimadii. Sid aa awgeedna, maxkamaddu waxaa ay caddaysay in aanay awood sharciyeed u lahayn ka garnaqa falalka ka dhaca soohdimaha Somaaliland.

 

Haddaba, mddo 27 sannadood ah, S omaaliland waxaa ay ka madax-bannaanayd Somaa liya, ka dib markii ay la soo noqotay madax-bannaani dii marin habowday 1dii July 1960. Shacab iyo xukuumadba, geed sare iyo geed gaaban, waxaa ay u koreen, sidii loo xaqiijin lahaa hiigsiga ummadda ee ku s untan aftidii qaran taasoo shacabku 97% uu ugu codeeeyay goonni isu taagga dalka. Haddaba, anigoo aan ka raadin meel dheer, waxaa aan is kor taagayaa d howr arrimood oo aan qayb ka ahaa, kuwaasoo jideynaya sharciyadda goonni isu taagga.

 

July 2002, aniga iyo Drs. Adna Aa dan Dhkhtar, waxaanu Koonfur Afrika kaga qayb galnay shirkii lagu daahfurayay Midowga Afrika (AU ) ka dib markii irridaha loo soo xidhay Ururkii Midnimada Afrika (OAU) oo soo dhisnaa tan iyo 196 3. Annagoo shirka ku metelaynay Somaaliland, wax aa isugu yimid 53 madaxweyne. Run ahaantii, shirka waxaa aanu ka la kulannay garowshiiyo. Hal-ku-d hegga Somaaliland waxaa ahaa, “duudsiga iyo dulmig a Afrika waxaa ka marag kacaya, Somaaliland o o xornimo buuxda qaadatay 1960 in ay 42 sannado od ka dib, aqoonsigeedii marti uga tahay K. A frika oo calanka qaadatay 1994″.


 

Sidaa awgeed, Madaxweyne Thabo Mbeki, waxaa uu go’aansaday in uu si hoose u dhugto Qadiyadda Somaaliland. Isla markaa, shirkii waxaa aan ka la soo hoyannay lib iyo annagoo ku raran Xeerka Distuuriga ee Midowga Afrika (Constitutive Act of the African Union) kaasoo laga ansaxiyay 53ka madaxda Afrika. Somaaliyana waxaa qalinka ugu duugay Madaxweyne Abdiqaasim Salaad Xassan.

 

Haddaba. goonni-isu-taagga Somaaliland waxaa si cad u jideynaya Qoddobka 4aad, Xarafka B ee xeerka Midowga Afrika kaasoo dhigaya in la xurmeeyo laguna wada xaajoodo xuduudahii gumaystahu uga tegay Afrika. Halkaa waxaa ka muuqata madax-bannaanida Somaaliland in ay ku qotonto sidii dalku ugaga xoroobay Britain 1960kii. Isla markaa, xukuumadda K. Afrika waxaa ay si baahsan u sii baadhay Qadiyadda Somaaliland. Waxaa Hargeysa soo gaadhay wafdi xaqiiqo raadin ah oo uu hoggaaminayay Mudana Aziz Pahad, Wasiir ku xigeenkii Arrimaha Dibedda ee K. Afrika. Wafdigu waxaa uu isugu jiray siyaasiyiin, qareenno iyo taariikhyahanno. Sidaa awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee K. Afrika waxaa ka soo baxay bayaan sharci oo si buuxda u taageeray aqoonsiga Somaaliland. Bayaanka sharci ee lagu taageeray la noqoshada gobbonimada Somaalilland waxaa uu 2003 ka soo baxday Xafiiska Shuruucda Caalami (International Law Office) ee Arrimaha Dibedda K. Afrika.

 

Dhanka kale, Madaxweyne Rayaale waxaa uu si rasmi ah u weydiistay Midowga Afrika (AU) in dib loo eego

 

Qadiyadda Somaaliland. Sidaa awgeed, sannadkii 2005tii komishanka (AU) waxaa uu Somaaliland u soo diray guddi farsamo iyo xaqiiqo raadin oo uu hoggaaminayay Md. Patrick Mazimhaka, Guddoomiye

 

ku xigeenkii (AU). Guddigu oo ku sugnaa dalka 30kii April ilaa 4tii May 2005 waxaa ay soo saareen warbixin ay ku qireen Somaaliland in ay mutaystay in la ictiraafo ka dib markii ay buuxisay dhammaan shuruudahii looga baahnaa iyo weliba in ay muujisay nabdooni iyo dhaqan xukuumad dimuqraadi ah.

 

Sidoo kale, Somaaliland waxaa ay fulisay Mabaa’diida Montevido (The Montevideo criterion). Heshiiska Xuquuqda iyo Xil-qeexidda Dawlad ee lagu saxiixay Montevideo, caasimadda dalka Uruguay, 1933, waxaa uu halbeeg u yahay sharciyadda caalami ee dawladnimo. Heshiisku waxaa uu qeexayaa afarta qoddob ee looga baahan yahay dal kastoo madax-bannaan in ay kala yahiin: 1- Tiro dad ah. 2- Soohdin loo yaqaanno. 3- Xukuumad ka talisa iyo 4- Awood heshiis lagu la geli karo dawlad kale.

 

Haddaba, Somaaliland waxaa ay buuxisay dhammaan shurrudaha aan soo sheegnay iyadoo qoddobka ugu culus lagu asteeyay in uu dalku yeesho soohdin sugan, waxaa ka warcelinaya xuduuddeenna oo bedkeedu dhan yahay 137,600 Km2 . Xuduudaha Somaaliland oo lagu aqoonsaday heshiisyo ay wada galeen Britain iyo France (1888), Italy (1894) iyo Ethiopia (1897), waxaa ka talisa xukuummadda Somaaliland.

 

Hase ahaatee, sida xeerka ka muuqata, Xukuumadda Federaalka ee Somaaliya ayaan gabtay shuruudahii dawladnimo iy madax-bannaan. Waxaana ay hoos ka maraysa aqoonsiga caalimaga marka aan ka warqabno xukuumadda federaalku in ay ka taliso xaafado ka mid ah magaalada Xamar. Waxaa xusid mudan xasardda maalmahan ka ooggan magaalada Beled Xaawo ee ku taalla soohdinta Somaaliya iyo Kenya. Kow, magaalada oo ah hoyga uu ka soo jeedo Madaxweyne Farmaajo, wax talo ah kuma laha xukuumadiisu oo waxaa ku metela maamulka Jubbaland kaasoo markii uu rabo irridaha ka xidhanaya.

 

 

Labo, Sidaa aan soo sheegnay Soohdimaha sharciyeysan ee Somaaliland waxaa ay ku astaysan yahiin heshiisyo ay wada galeen Britain iyo France (1888), Italy (1894) iyo Ethiopia (1897). Hase yeeshee, Somaaliya, habayaraatee, ma ay jiraan xuduudo caalami ah oo ay la wadaagaan Kenya iyo Itoobiya, balse waxaa jira xuduudo beenbeen ah oo kolba dalkii awood leh uu ku boobi karo kan itaalka-daran. Sidii Kenya hore ugu boobtay badweyntii Somaaliya iyadoo ka ansaxisay masuuliyiintii Somaaliya.

 

Haddaba, Farmaajo, Khayre iyo Jawaari intii ay ku foognaan lahaayeen wax aan suurtagal ahayn iyo in ay ka arrimiyaan Bebera oo ka madax-bannaan, miyaanay uga habboonayn xilligooda iyo xooggooga in ay u huraan waxii loo igmaday sida Beled Xaawo iyo dhaymada kunka nabar ee korkooda ku mililay? Weliba waxaa aan hubaa Somaaliland in ay gacan ka geysan lahayd xal u helidda DHIBTOODA markii ay Xamar aqoonsato maqaamka iyo waxtarka ay ka heli karto Hargeysa.

 

Hargeysa miyaa u baahan Xamar mise Xamar ayaa u baahan Hargeysa? Hargeysa maxaa ay u tari kartaa Xamar? Waa maxay maqaamka Hargeysa ee heer caalami? Weydiimahaa iyo warcelintooda ka la soco

 

gunaanadka taxanaha “Somaaliya oo ku Dhacday Gudkii ay u Qoday Somaaliland”, Qaybta 5aad, “Maqaamka Hargeysa ee Heer Caalam iyo Waxtarka Uu u Leeyahay Xamar”.

 

Xassan Cumar Hoorri (Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa -HID), Waa Suxufi ka faallooda umuuraha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku raadraac Twitterka #horrimania.

Advertisement

Ku Xayeysiiso