(Toggaherer)-Mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Waxay Cod Gacan Taag Ah Ku Taageereen Shirkii Jaraaid Ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md- Muuse Biixi Cabdi Uu Ku Difaacaayey Qadiyada Gooni Isku Taaga Somaliland.
Fadhigaasi oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan Ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay Cod aqlabiyad ah ku garab istaageen ,kuna taageereen shirkii jaraaid ee uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md-Muuse Biixi Cabdi uu kaga hadlay farogalinta qaawan ee xukuumada Somalia ay ku soo qaaday qaranka somliland.
Gudoomiyaha Guurtida Somaliland ayaa si buuxda ugu dhawaaqay natiijada ay ku taageereen Mudanayaasha Golahaasi ,Waxaanu yidhi:
Afar iyo afaran mudane way ogolaatay /Taageertay,hal qofna ma codeyn,Gudoomiyuhuna ma codeyn,codkaasi aqlabiyada ah ayey ku meelmaryeen.
Geesta kalena hadal kooban oo Gudoomiye saleebaan goobtaasi ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi:
{Gardaradii iyo daandaansigii Somalia ay ku haysan Somaliland wali way wadaan oo wali uu socdaa,waxaynu u arkaynaa gardaradaasi in Nolosheena iyo horumarkeena ay hortaagan yihiin waayo waxaan ahayn in aynu dalkeena u talino, oo horumarkiisa la raadinay oo aynu samaynay ma jirto,wax ludh ah oo aynu iyaga ku haynaa ma jirto,intaa waynu u ducaynaynaa oo maantana waynu u ducaynaynaa in ILAAHAY timaha u kala furfuro,iyagii ayaaba qaybsan}.