(Toggaherer)-Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta Cod Gacan Tag Ah ku Ansixiyey Bayaan Ay kaga Soo Horjeedaan farogalinta Qaawan Ee Somalia Ay Ku soo qaadeen dhulka Somaliland.
Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen bayaan ay kaga soo horjeedaan farogalinta maamulka muqdisho fadhiyaa ay ku soo qaadeen Somaliland.
Gudoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed cade oo natiijada ay ku ansixiyeen ayaa waxaa ogolaaday afar iyo fartan xildhibaan –cid diiday iyo cid ka Aamustay toona ma jirin,Gudoomiyuhuna ma codeyn.
Bayaankaasi mudanayaasha Golaha wakiiladu Ansixiyeen ee ay kaga soo hor jeesteen farogalintaasi qaawan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
Waxaa mudooyinkii dambe caado noqotay maamulka ka arrimiya muqdisho xadgudubyo iyo gefaf is dabo joog ah oo lagu bartilmaamaysanayo aaya katashiga ,madaxbanaanida iyo danaha siyaasadeed io dhaqaale ee u gaar ah jamhuuriyada Somaliland .
Xadgudubyadaasi kuwii ugu dambeyey wuxuu maamulka muqdisho ,isagoo aan awood sharci iyo mid maamul midnaba ku lahayn jamhuuriyada Somaliland,kufarogaliyey maamulka hawada jamhuuriyada Somaliland iyo heshiiska ganacsi oo xukuumada Somaliland la saxeexatay shirkada Dp-worldka eelaga leeyahay dalka imaaraadka ,sidaai darted wuxuu Golaha jamhuuriyada Somaliland soo saaray Bayaankan:
!-Tan iyo sannadkii 1991kii ,markii uu burburay dalkii loo yyaqaan Somali Republic ee u taagnaa midowgii aan sida qaanuniga ah loogu heshiin ee labada maamul ee Somaliland iyo Somalia ,jamhuuriyada Somaliland marnaba ka may mid noqon maamuladii kala dambeeyey ee loo dhisay Somalia,jamhuuriyada somaliland marnaba kamay qayb qaadan maamuladii kala dambeeyey ee Somalia.dadka iyo xukuumadihii kla dambeyey ee jamhuuriyada Somaliland kaba qaybqaadan shirarkii lagu dhisay maamuladiiiskaga dambeeyey muqdisho,sidoo kalena dadka iyo maamuladii muqdisho wax kaalin ah kumay lahayn,kumana yeelan kareyn ,dhismaha dowladnimo ee ka taaba qaaday Jamhuuiyada Somaliland,sidaasi darteed sharci ahaan ,caqli ahaan iyo ficilahanba waxba kaba jiraan dood kasta oo maamulka ku sheegto talada guud ahaan,ama qayb ka mid ah ,dhulka jamhuuriyada Somaliland.
2-jiritaanka iyo aayo ka tashiga dadka iyo dowlada jamhuuriyada somalland wuxu ku salaysan yahay tiirarka aas aasiga ee ay ka mid yihiin xuquuqda aayo ka tashiga caalamiga ah,jiritaanka qaanuuniga ahee “Somaliland British proctectorate “ , Jiritaanka xuquuqda caalimiga ah ee Somaliland ee uu tilmaamayo Axdiga midowga Africa iyo dustuurka jamhuuriyada Somaliland oo lagu ansixiyey afti.
- Jamhuuriyada Somaliland waa waddan leh dhammaan tilmaamaha dal gaar ah leeyahay sida dastuur, calan iyo lacag gaar ah , xuduudo caalami ah , xukuumad uu majaraha u hayo madaxweyne si toos loogu soo doortay doorasho shacabi ah oo hal qof iyo hal cod ah golayaal dadweynuhu toos u soo doortay iyo Ciidamo suga amnigeeda oo u gaar ah. Tiirarkaasi dowladnimo ee Somaliland waxay taabo galisay iyada oo wax kaalmo ah ke helin dawlado kale , kuna tashatay awooddeeda gudaha .
- Dhammaan qoddobada kor ku tilmaamini waxa ay marag cad u yihiin in muranka maamulka muqdisho ku sheeganayo dhulka Jamhuuriyada Somaliland uu yahay wax xaqiiqda dhulka taala iyo sharciyadaba ka fog . Sidoo kale , waxay arimahaasi xaq u siinayaan Xukuumada jamhuuriyadaa Somaliland inay gaar u yeelato go’aan ka gaadhista maamulka dhulkeeda , hawadeeda iyo biyaheeda isla markaana heshiisyo u geli karto dadkeeda iyo dalkeeda.
- Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda u maamushaa, una sugtay amniga iyo xasiloonida, dhulkeeda iyadoo leh maamul ku dhisan nidaamka dimoqraadiyeed ee axsaabta badan oo si muuqata u hanaqaaday.Arrimahani waa dhidibada dawladnimo ee xasaasiga ah ee ay Jamhuuriyada Somaliland kaga duwan tahay Somalia oo iyadu ka arradan xasiloonida , amarka iyo kala dambaynta , iyo diimoqraadiyadda.
6.Mabaadi’ida asaasiga ah ee uu ku dhisantahay Dastuurka Somaliland waxa ugu mihiimsan ilaalinta dhammaan xuquuqda aadamaha , xorriyada hadalka fekerka iyo aayo katashiga , nabadda adduunka , heshiisyada caalimiga ah , istixgalinta iyo iska dhawridda farogalinta dalalka kale iyo furfurnaanshaha ganacsiga. Nasiib darro , mabaadi’idan kor ku xusani waxay si buuxda uga maqanyihiin habdhaqanka , maamulka Muqdisho . Daandaansiga joogtada ah , diidmada ayaa ka tashiga , burinta heshiisyadii ay Somaliland la gashay , carqalaynta ganacsiga iyo ku xadgudubka dalalka kale ee dhaqanka u noqday Maamulka Muqdisho wuxuu marag cad u yahay inaanay ficil ahaan aaaminsanayn axdiyada caalamiga ah.
7.Annagoo ka wakiil ah dadka jamhuuriyda Somaliland ,waxaanu mar kale si adag ucambaaraynaynaa xadgudubyada maamulka Somalia kula kacay hawada iyo danaha dhaqaale ee jamhuuriyada somaliland
Waxaanuna ugu baaqaynaa xukuumada iyo dadweynaha in si wado jir ah loo difaaco jiritaanka ,aayaha ka tashiga iyo karaamada qrankeena .Dhanka kalena waxaanu wadamada jecel nabada ,wada noolaanshaha ,istixgalinta iyo xoriyada ganacsiga iyo fekerka ogeysiinaynaa in wixii dhibaato ah ee ka dhasha ficilada daandaansiga ah ee maamulka muqdisho ay ushau ridan doonaan maxada iyo maamulka Somalia.
Prepared-Aidarus Osman(Mr-Ayuubi).