Warbaahinta iyo Akhristayaashuba way salaaman yihiin
Sida aad la wada socotaan, mar kasta oo shil diyaaradeed dhaco warbaahinta waaweyn ee caalamku si toos ah ayey uga soo waramaan goobta shilku ka dhacay. Waxay la kulmaan qoysaska iyo qaraabada dadka ku geeriyooday shilalkaas, waxaanay waraystaan khubaro aqoon u leh diyaaradaha, kuwaas oo male-awaala waxa shilka diyaaradeed ee kolkaa laga hadlayo keenay, sida loo baajin kari lahaa in shilkaasi dhaco iyo sida mustaqbalka looga gaashaaman karo inaan shilkaas oo kale dib u dhicin. Waxa culays weyni fuulaa shirkadaha diyaaradaha ee shilku ku yimid, haday tahay la macaamilka dadka ehelkoodu ku naf waayeen shilkaa, warsiinta saxaafada kala duwan, la shaqynta hay`adaha dawlada iyo kuwa caalamiga ah ee baadha shilalka iyo bixinta magdhawga lacageed ee la siinayo qoysaska dhibanayaasha.
Marka aynu dib u eegno taariikhda, sannadihii ugu dambeeyey waxa dhacay dhawr shil-diyaaradeed uu ka mid ahaa shilkii 08 March 2014 ku dhacay diyaaradii Malaysian Airlines ee nooceedu ahaa Boeing 777- 200ER, registerationkeeduna ahaa 9M-MRO, flight numberkeeduna ahaa MH370. Diyaaradan oo ka duushay Kulalanbur Airport (KUL) saacadu markay ahayd 00:41 wakhtiga Malaysia, kuna sii jeeday magaalada Beijing (PEK) oo qorshuhu ahaa inay ka degto 06:20 am wakhtiga Shiinaha ma gaadhin halkii ay ku socotay. Shilkan diyaaradeed oo ay ku naf waayeen 239 qof oo isugu jira Rakaabkii iyo Shaqaalihii diyaaradu, waxa uu ahaa shil dhab ahaantii aad u naxdin badan, iyada oo aan ilaa iyo maantana la haynin raq iyo ruux meel diyaaradaasi ku dambeysey. Shilkani wuxuu si weyn u soo jiitay indhaha caalamka, wuxuuna abuuray tartan xaga warbaahinta ah oo ka dhex aloosma warbaahinta waaweyn iyada oo mid waliba ku dedaalaysey inay iyadu noqoto cida xogta ugu badan hesha, soona gudbisa, haday tahay sababta shilka keentay iyo meesha diyaaradu ku dambeysey intaba. ,
Dabcan, inkasta oo ay jireen diyaarado yaryar oo la waayey meel ay ku dambeeyeen sida diyaaradii ay wadey Duuliso Amelia Earhart oo u dhalatay dalka Maraykanka sanadkii 1937, ka quusashadii laga quustay 5 diyaaradood (flight 19) oo lagu waayey iyaga oo dulmaraya saddex xagalka Bermuda sanadkii 1945kii, iyo kuwo kaleba, hadana shilkan ku dhacay Malaysian Airlines hore ugama dhicin aduunka, waana markii ugu horeysey oo la waayo diyaarad weyn oo rakaab oo casri ah, taas oo Radar iyo Sattelite midna si sax ah u sheegi waayey meel ay ku dambeysey taas oo abuurtay doodo badan oo laga yeeshay waxtarka ama waxtar la`aanta qalabka lagu ogaanayo hadba halka diyaaradu marayso (Transponder). Intaas kuma joogsane, waxa soo baxay aragtiyo sheegaya in mu`aamarad (conspiracy) ay ka dambeysey waayitaanka diyaaradan, taas oo abuurtay baqdin la soo gudboonaata dhoofayaasha aduunka (Passengers).
Iyaba waa nasiib daree, saddex bilood ka dib shirkada Malaysian Airlines waxa la soo gudboonaaday shil kale ka dib markii 17 July 2014 diyaarad ay shirkadu leedahay oo nooceedu yahay Boeing 777-200ER, registerationkeeduna ahaa 9M-MRD, kuna duulaysey flight number MH17, oo ka duushay Amesterdam (AMS) kuna sii jeeday Kulalanbur (KUL) lagu toogtay hawada dalka Ukrain oo dagaalo ka socdeen. Shilkaa waxa ku dhintay 298 oo isugu jira Shaqaalihii iyo Rakaabkii diyaarada. Sida caadiga noqotay, shilkaasi wuxuu mar kale jaanis u noqday warbaahinta caalamiga ah oo u kala baratamay ka soo waramida goobta shilku ka dhacay, wax-weydiinta khubarada dhinaca Aviationka iyo falanqeynta duruufaha ku xeeranaa shilkaas.
Si la mid ah shilalkaas hore, waxa ay warbaahinta caalamku si weyn tooshka ugu iftiimiyeen, shilkii diyaaradeed ee 28 December 2014kii ku dhacay shirkada Air Asia, kaas oo galaaftay nolosha 162 qof. Diyaaradan shilku ku dhacay oo nooceedu ahaa Airbus A320-200, registrationkeeduna ahaa PK-AXC, flight numberka ay ku duulaysayna ahaa QZ8501, waxay ka duushay Juanda Airport (SUB), Surabaya, Indonesia, waxaanay ku sii jeeday Changi Airport (SIN), Singapore.
Sanadkii 2015 ma dhicin shilal diyaaradeed oo waaweyni, sidaa daraadeed waxa lagu tiriyaa inuu ka mid ahaa sanadihii ugu nabadgelyada badnaa xaga shilalka diyaaradaha. Nasiin daro, sanadkii xigay (2016) waxa dhacay laba shil diyaaradeed oo waaweyn. Shilka hore wuxuu ku dhacay shirkada diyaaradaha ee dalka Masar laga leeyahay (Egyp Air, MS) ka dib markii mid ka mid ah diyaradaheeda oo nooceedu ahaaAirbus A320-232, sumadeeduna ahayd SU-GCC,duulimaad numbarkeeduna ahaa MS 804 oo ka soo kacday garoonka Charles de Gaulle Airport, Paris, France, kuna socotay Cairo International Airport, Qaahira, Masar ay ku dhacday badda Mediterraneanka ee u dhaxaysa Afrika iyo Yurub. Shilkaas waxa ku naf waayey dhamaanba rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa oo tiradoodu dhamayd 66 qof. Shilka kale ee wayn ee sanadkii 2016 dhacay waxa uu ku dhacay shirkada Flydubai ee laga leeyahay dalka Dubai, Midowga Imaaraadka Carabta, ka dib markii mid ka mid ah diyaaradaheeda oo neeceedu ahaa Boeing 737-800, sumadeeduna ahayd A6-FDN, duulimaad nambarkeeduna ahaa FZ 981 taas oo ka duushay Dubai Airport kuna sii jeeday Rostov-on-Don Airport, Russia, ay ku burburtay meel u dhow isla garoonkaa. Halkaa waxa ku naf waayey dhamaanba dadkii saarnaa (shaqaale iyo rakaaba) oo tiradoodu ahayd 62 una badnaa muwaadiniin u dhashay dalka Ruushka.
Ilaahay mahadii, sanadkii xigay ee 2017 ma jirin wax shil diyaaradeed ah oo ku yimid diyaaradaha waaweyn ee ganacsi (commercial passenger jet), sidaa darteed sanadkaasi waxa loo aqoonsaday inuu yahay sanadkii ugu badbaadada badnaa xaga shilalka diyaaradaha (safest year for aviation ever) tan iyo bilowga qarnigii tagay!
Hadaba, in kasta oo aanay badnayn shilalka waaweyn ee ku yimaada diyaaraduhu, hadana toosh ku iftiimintaa xad-dhaafka ah iyo faaleyntaa u gaarka ah shilalka diyaaradaha ee warbaahinta caalamku sameysaa, waxay dadka qaar ku keentaa cabsi ay ka qaadaan raacitaanka diyaaradaha (fear of flying) ama Aviophobia, halka dadka qaarna ay shaki ama kalsooni darro ka qaadeen heerka nabagelyada diyaaradaha. Hase yeeshee, sida ay qabaan hay`ada reer Europe u qaabilsan nabadgelyada diyaarahaha ee loo yaqaan European Aviation Safety Agency (EASA), hay`ada duulimaadyada aduunka ee loo yaqaan International Civil Aviation Organisation (ICAO), hay`ada ay xubnaha ka yihiin badiba shirkadaha diyaaradaha ee aduunka ee loo yaqaano International Air Transport Association (IATA), hay`da dalka Maraykanka u qaabilsan duulimaadyada rayidka ee la yidhaahdo Federal Aviation Adminstration (FAA), iyo kuwo kaleba, gaadiidka cirka ama diyaaraduhu waa kuwa ugu nabadgelyo badan nooc kasta oo gaadiid ah oo la raaco, taasoo macnaheedu yahay in diyaaraduhu ka nabadgelyo badan yihiin gaadiidka dhulka iyo badda labadaba.
Si aynu arinkaa u faaleyno bal aan tirakoob kooban kula wadaago. Sida ay sheegeen kooxda la yidhaahdo Air Transport Action Group (ATAG), waxa aduunka ka jira 1,397 shirkadood oo isticmaala tiro gaadhaysa 25,332 oo diyaaradood, kuwaas oo ka duula 3,864 airport oo aduunka ku yaala, marana 49,871 khad diyaaradeed (routes). Maalin kasta diyaaradahaasi waxay sameeyaan 99,700 oo duulimaad, iyaga oo qaada in ka badan 8.6 million oo rakaab ah iyo alaab (Cargo) qiimaheedu u dhigmo $17.5 billion. Hadaba marka aad isbarbar dhigto tiro badnida duulimaadyada ay maalin kastaba sameeeyaan shirkadaha diyaaraduhu iyo shilalka ay la kulmaan, waxa kuu soo baxaya sida uu naadirka ama dhif u yahay shilalka diyaaraduhu, iyo sida nabadgelyada diyaaradahuhu ay uga horayso kuwa gaadiidka dhulka iyo badaba.
Halkaa haddii aan sii jilciyo, sida aan ka soo xigtay Aviation safety network, sanadkii 2010ka waxa addunka oo dhan ka dhacay 32 shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen 943 qof. Tiradani waxay aad iyo aad uga yar tahay tirada shil gaadhi ku dhimatay isla sannadkaa oo gaadhaysa 1.24 million oo qof. Isla sanadkaa waxa dalka India oo keliya shil gaadhi ku dhintay 130,000 qof, halka dalka China ay shil gaadhi ku dhinteen sanadkii 2007ka dad gaadhaya 220,783 qof. Celcelis ahaan, hay`ada caafimaadka aduunka ee loo yaqaan (WHO) waxay ku qiyaastay in maalin kastaba dad lagu qiyaasay 3,500 qof ay shil gaadhi ugu dhintaan aduunka. Si kale haddii aynu u dhigno, dadka ku naf waayey dhowrkaa shil diyaaradeed ee dhacay sanadihii ugu dambeeyey aduunku, waxay ka yar yihiin inta maalin keliya ku dhimata shil gaadhi oo ka dhaca gobol ku yaala dalka India, amaba magaalo ku taalla dalka China. Dhinaca badda haddii aynu eegno, sida ay sheegeen European Maritime Safety Agency (EMSA), sanadkii 2013ka oo keliya in ka badan 2550 shil ayaa ka dhacay badaha dunida, kuwaas oo ay ku degeen 54 Markab, ku dhinteen dad badani, kuna baaba`day hanti badan oo Malaayiin dollars ahi.
Sidaa daraadeed, waxa halkaa ka cad sida khubarada gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badduba ay isku raaceen, in gaadiidka Cirku uu ka nabadgelyo badan yahay dhamaanba gaadiidka kale ee Dhulka iyo Badda. Hadana iyada oo ay sidaa tahay, ka Muslimiin ahaan waxaynu aaminsanahay in naf waliba maalinta wedkeedu galo ay dhimanayso, Baaskiil, Qabaal, Bajaaj, Huudhi, Doon, Diyaarad iyo gaadiidka ay doonto hala socotee.
Rabbi ha ina nabadgeliyo.
Cabdikariim Cali Baarjeex
MSc, MA, BSc, Dip
Air Transport Planning and Management
abdikarimwais@gmail.com
www.eastafricaaviationconsultants.com
Ma ogtahay akhriste.docx