Gudaha ka akhri: Si Kal iyo Laab ah aynu u Taageerno Shirweynaha Dhow ee Beesha Garxajis “ Abriil 2018ka”

Si Kal iyo Laab ah aynu u Taageerno Shirweynaha Dhow ee Beesha Garxajis  “ Abriil 2018ka”                                                                                                                        04.04.2018kii

 

 

 

 

 

Taariikhayahan  Cali Dool Axmed (ex,C.Qoryoley

Suubanoow sadkaa waa jannee.Somalidu waxay ku maahmaahdaa,”Wiilkaagana Walaal ka Lohoow,Walaaalkaana Wiil ka Lohow”,murtidaasi waxay ka mid tahay,maahmaahaha dadkeena ee ku saabsan,isku dheeltirka awoodaha maamul ee bulshada ,gaar ahaana waxay khuseysaa, isku dheelitirka awoodaha maamul ee qoysaska reer Somaliland .

Hadda ogaada oo qoysku waa nud bulsheedda ugu tabaryar.ugu tirada yar, uguna daciifsan,marka la eego qaabdhismeedka guud ee bulshada.hadana dhaqankeenii xalaasha ahaa waxa uu ka maarmi waayay, in awoodaha maamul ee qoyska yar la isku dheeli tiro,si looga ilaasho,amar kutaaglayn xun oo Aabuhu kula koco qoyska, ama keli cunis xun oo curadka reerku kula koco waalidkiisiyo walaalhiis,ama si looga

ilaasho damac kharriban iyo danaysi xun oo iskaashiga iyo wada jirka qoyska xummeyn kara.maxaad u malaynaysaan u baahida ay dowladnimadu u qabto, isku dheelitirista awoodaheeda maamul?,maxaad u malaynaysaan qiimaha ay yeelan karto,ka ilaalinta awoodaha badan ee dowladnimada inuu shaqsi ku danaysto?,maxaad u malaynaysaan qiimaha ay leedahay,si caddaalad ah u qaybinta dhaqaalaha dalka iyo khayraadkiisa badan ee ay dowladdu maamusho?.maxaad u malaynaysaan qiimaha ay leedahay ilaalinta wada jirka,wadatashiga iyo iskaashiga ummadda dalka Somaliland ee ay dowladnimadu ka dhexeyso? .

Akhristayaasha sharafta mudanoow,aan gogol dhiggaygii shirweynaha beesha Garxajis ee Abriil 2018ka qabsoomaya,ee miisaanka siyaasadeed,mudnaanta dhaqan iyo maamuuska weyn leh ku laabtee!!,sida sunnaha nolosha Aadamaha laga dheehan karo,ummadkasta oo dunida ku nooli waxay leedahay,qaabdhismeed bulsho oo heerar kala duwan, dhaqamo asaasiya oo ay bulshada ilaashato iyo xeerar ay bulshadu wada ixtiraamto…

Sida aad wada ogtihiin,Qaabdhismeedka bulshada Somaliland,ee dhaqangalka ah,meelkasta oo dad reer Somaliland ah ay joogaana ka shaqeeya,waxa uu ka kooban yahay,qoyska,jifada,ardaaga,jilibka,beesha iyo dowladda,waxase jira unug cusub oo si degdeg oo fool eris ah ku dhashay,balse aan si xalaal ah ku calool galinsi Shindhalad ahna aan ku dhalanin,dhaqankeeniina aan ku afbaranin, si caddaalada iyo daacadnimo ku jirtana aan ku dhismin,muwaafaqana aan ku dhaqmin,si wadatashi buuxo oo ummadeed  ahna aan ku dhalanin, islamarkaana u shaqeeya si aanay jeclayn akhlaaqdeena iyo caqiidadeenu.

Marka si daacadnimo iyo islaanimo ah loo hadlana,xisbinimada dalka jamhuuriyadda Somaliland ka jirta waxay ku dhalatay si danaysi gaar ah,si khiyaamo ku salaysan,si damac doqoneed ku salaysan, si gacan ku rimin siyaasadeed ku salaysan,si danaysi siyaasadeed ku salaysan,tilmaamahaas oo dhan ayay xisbinimadeena cusub leedahay,sida la wada garwaaqsan yahayna xisbinimadu waa wax cusub oo aan weli dhaqangal buuxa  noqonin,meelkasta oo dad reer Somaliland ah joogaana aan ka shaqeynnin.

Raadraaca Kaalintii ay Beelnimadu kasoo Qaadatay Dhismihii Qaranimada Somaliland

Marka wadanka Somaliland la joogo,nudda beelnimadu goorkasta iyo goobkasta wey ka shaqeysaa,waxayna u shaqeysaa,si taabagal ah,si dan bulsheed ah,si wadatashi buuxa ku dhisan,si daacadnimo ku jirto ayayna

 

waajibaadyadeeda ku gudataa,waxaynu wada garwaaqasnahay inay beelnimadu si meeqaan dhaqan iyo maamuus weyn leh ay dalka Somaliland uga shaqeyso.

Beelnimadu waa ururbulsheedka ama jemciyadda ugu xoogga iyo awoodda badan dalka Somaliland, marka laga reebo,”government organization” ama Jemciyadda dowladnimada,islamarkaana si dhaqan iyo xeer ku dhisan ayay dadkeenu go,aamada beelaha u qaataan oo ugu dhaqmaan.

Hadaba Akhristoow haddaynaan isyeelyeeleynin,oo aynu wada hadlayno,si miyir qabta,,Jamhuuriyadda Somaliland beelnimada ayaa dhashay,beelnimadaa anqarisay,beelnimadaa gardaadisay,beelnimaa sharciyaysay,beelaa u magacbixiyay,beelnimadaa dharka u gelisay,beelnimadaa socod bartay,waxana tusaale inoogu filan arrimahan hoose:-

  • Sidaynu wada ognahay,nabadgelyada dalka Somaliland waxay ku asaasantahay,heshiiskii nabadeed ee beelaha Somaliland Burco ku gaadheen
  • Go,aamadii ay ka Dhalatay dowladda Jamhuuriyadda Somaliland,waxay kasoo bexeen shirweyne beelha Somaliland ee Burco ku qabsoomay
  • Sharcigii ugu horeeyay ee ay yeelatay,jamhuuriyadad Somaliland waxa uu ahaa Axdi Qarameedkii Somaliland,waxana ansixiyay shirweynihii beelaha Somaliland ee Borame ku qabsoomay .
  • Saamiyada kuraasida golayaasha Guurtida iyo wakiilada waxa ku heshiiyay shirweynihii beelaha Somaliland ee Borame ee 1993dii. .
  • Madaxweynihii 1aad ee jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa doortay shirweyne beeleed 1990kii,hadana waxa xilkii madaxweynanimo ka qaaday shirweyne beeleed
  • Madaxweynihii 2aad ee dowladda jamhuuriyadda Somaliland marxuum Cigaal,kaasoo awoodda dowladnimo hirgeliyay,kaasoo hana qaad ka dhigay dowladnimada Somaliland,isagana waxa doortay shirweyne beeleed 1993dii.
  • Ciidamada qaranka Somaliland waxa dhalay ciidamadii beelaha Somaliland ee ay 1994tii madaxdhaqameedyadii beelaha kala wareegtay xukuumaddii madaxweyne X Ibraahim Cigaal ee magaalada Borame shirkii beeluhu ku doortay.
  • Dastuurka dowladda jamhuuriyadda somalialnd, waxa dejiyay oo hadana ansixyay oo sharciyeeyay shirweynihii beelaha Somaliland ee Hargaysa ku qabsoomay 1996 ilaa Febr 1997dii..
  • Sida aad wada ogtihiin,dhammaan shirweynayaasha beelaha Somaliland gunaanadkooda,waxa kazoo baxa,go,aamo dhaxalgal ah oo dhisme qaran iyo ilaalinta nabadgelyada dalka ay ku qeexeyaan,tusaale ahaan,qodobka ugu horeeya go,aamada shirarka beelaha Somaliland,waxa weeye,beeshu waxay ilaalinaysaa oo ay adkaynaysaa jiritaanka madaxbanaan qaranka jamhuuryiaydda Somaliland,beesu waxay ilaalinaysaa

walaalnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha ummadda Somaliland…….? ,

  • Gun iyo gabagabo, dhankasta marka laga eego,sikasta marka loo xisaabiyo,jiritaanka qaranimada madaxabanaan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo nidaamkeeda dowladeedba, waxay ku abtirsadaan oo Aabo iyo hooyoba u ah beelnimada.

Saaxiibayaal marka kaalintii beelnimadu ay dhismaha qarankan kasoo qaadatay,ay sidaas muhiim u ahayd,islamarkaana ay tallaabooyinkii waa weynaa ee Yagleelkii Nidaamka Dowladeed ee Somaliland ay beelnimadu fulintooda lahayd,beelnimadu waxay koow ka ahayd, howlihii dhismaha qaranimada jamhuuriyadda Somaliland,

Markaas xillikasta iyo marxaladkastaba beelnimadu waxay noqonayso,Marjaca keliya ee awood u leh inuu khaladaadka dowladnimada soxo,waxay noqonaysaa cidda xaq u leh inay qiimeyso dowladnimada iyo cidda sharciyan ku habboon inay toosiso siyaasadaha dowladnimada.Sidaas awgeed wakhtikasta beelnimada waxa waajib ku ah,

  • Inay beelnimadu kaalinta ugu weyn yeelato,haddii qaranka wax ka xummaadaan,

 

  • Inay beelnimadu kaalinta ugu weyn yeelato,awoodaha dowladnimada ay dad gaar ah ama madaxdu ay ku danaysato,
  • Inay beelnimadu kaalinta ugu weyn yeelato haddii dowladdu dhaqaalaha kharribto oo ay musuqmaasuq ku kacdo,
  • Inay beelnimadu kaalinta ugu weyn yeelato, haddii dowladnimada wax ka qalloocsamaan,
  • Inay beelnimadu kaalinta ugu weyn yeelato, haddii ay dowladda Somaliland ay ka leexato caddaaladda ama ay shacabka caddaalada darro kula
  • Inay beelnimadu kaalinta ugu weyn yeelato,haddii Somaliland cadow soo weeraro,
  • Inay beelnimadu kaalinta ugu weyn yeelato,haddii dowladdu wadatashiga xummayso
  • Inay kaalinta ugu weyn yeelato haddii dowladnimada,haddii madaxda dowladdu kelitalisnimo iyo nafjeclaysi ku kacaan.,

Dardaaranka Qoraaga ee Ummadda Somaliland iyo Ergooyinka Shirweynaha Beesha Garxajis ku Aadan

Qoraa ahaan aniga oo tixgelinaya,arrimahaas badan ee beelnimadu hore Somaliland ugusoo qabatay,ayaan dadweynaha reer Somaliland iyo madaxda sare ee dowladoodaba ugu baaqayaa qodobad,

  • inay dhammaantood si buuxda u oo kal iyo laab ah u taageeraan,
  • inay si buuxda usoo dhoweeyaan shirweynayaasha beelaha Somaliland,
  • inay manta talo iyo tusaaleba ay gacan siiyaan shirweynaha beesha Garxajis, ee insha allaahu bishan Abriil dhexdeeda qabsoomi doono,

Midda labaad waxan usoo jeedinayaa,kulana dardaarmayaa,madaxdhaqameedyada beesha Garxajis,waxgaradka beesha Garxajis,dhalinyarada beesha Garxajis,mujaahidiintii SNM ee beesha Garxajis iyo dadweynaha beeshaas lab iyo dhedegba waxan ka codsanayaa fahmidda qodobadan hoose ,

  • inay dadweynaha beesha Garxajis yar iyo weyn u wada guntadaan habsami u qabsoomidda shirweynaha beeshooda ee ay salaadiinta iyo guddiga guud ee beeshu ku
  • Inay ku talagalaan,oo talo iyot tusaaleba wax ku kordhiyaan.geedi socodka dhismaha qaranimada Somaliland ee qabyada ah,
  • Inay ajandayaasha shirweynohooda ku darsadaan,in manta aad loogu baahan yahay,talo iyo tusaaleba,sidii looga hortagi lahaa,khatarta ay leedahay, ku tagrifalka guracan ee awoodaha dowladnimada
  • Inay ajandayaasha shirweynaha beeshoooda ku darsadaan,inay Garxajis tahay hormuudkii beelaha Somaliland,iyo curadkii beelaha reer Sh Isaxaaq,dabadeedna waxa waajib ku ah inay shirkooda kusoo ansixiyaan, xeer dhaqameedyo beelaha Somaliland lagu dhaqayo.lagu mideynayo,waxa waajib ku ah inay kusoo ansixyaan xeerdhaqameed beelaha reer Sh Isaxaaq lagudhaqayo,lagu mideynayo,marna nabadgelyada dalka lagu hagaajinayo,
  • Inay ku talagalaan sidii aanay middidda dowladnimo afkeeda loogu jari lahayn ummaddii dhisatay,halkii middida dowladnimo afkeeda wax wanaagsan ummadda loogusoo goyn lahaa ama loogusoo jari

Qore Cali Dool Axmed ……………………………………….

Advertisement

Ku Xayeysiiso