Waxaa Goordhawayd ka duulay Garoonka diyaaradaha Ee Caasimada dalka Norway ee Oslo Maamulaha madaarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa Md Maxamed Ismaciil Cabdi Oo Safar Gaaban ku yimid Dalka Norway Gaar ahaan Magaalo Madaxda Oslo.
Maasuulkan Ayaa Waxaa sii Amaba-bixiyey Qaar ka mid ah Dadweynaha Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Oslo. Maamulaha Ayaa u mahad naqay Guud ahaan Jaaliyada gaar ahaan Kooxdii Soo Dhawaysay iyo Kuwi Amba-bixiyeyba.
” Dadka hadba inta aad ka aragto ayaad ku qiimaysaa Kooxihii kala duwanaay ee isoo dhawaysay iyo kuwii i sii amaba Bixiyeyba Waxay Tusaale iyo Muunad u yihiin Jaaliyada Dalka Norway inteeda kale ee aanaanu is arag. Sababtuna xagayga ay ahayd taasoo aan la joogaayey Mudo aad u gaaban oo aanay suuto gal ahayn in aanu kulano jaaliyada inteeda kale. Intii aanu kulmi waynay waxaan rajaynayaa in aan kulmi doono inshaalah hadii ilaahay isku keen simo ” Maamulaha ayaa Hadalkaasi ka sheegay markii uu ka sii amaba baxaayey madaarka Oslo
Amaanta maamulaha ee Jaaliyada Norway ayaa ka dambaysay kadib markii Si diiran loogu soo dhaweeyey Xalay goor dambe madaarka Caasimada Oslo sidoo kale sidaa si leeg looga sii amaba bixiyey Isla madaarka isaga oo ku sugnaa magaalad Oslo 00:00 ilaa 14:00 ayna u suurta gali wayday in kulan balaadhan loo Qaato jaaliyada inteeda kale.
Warqabadka Togaherer
Oslo Norway