Kontonkii sano ee dunidu ku jirtay dagaalka qabow (cold war 1945-1991) iyo kontonkii kale ee ka horreeyey, xasiloonida bulshada waxay aheyd mid ku xidhan quwadda militari ee uu qaran leeyahay (military security), balse wixii ka dambeeyey burburkii mabaadi’idii bariga ee Ruushku hogaaminayey xasiloonida bulshada adduunku waxay noqotay mid ku saleysan helitaanka kheyraadkii lagu noolaan lahaa (resource security) gaar ahaan kheyraadka daciiciga ah ee degaanka (environmental resources). runtii, kheyraadka dabiiciga ah ee uu Illaahay ku abbuuray dunidan korkeeda waa kuwo kaafin kara oo ku filan in ay daboolaan baahida bani’aadanka oo dhan, balse ma dabooli karaan haddii ay jirto dhuuninimo ama hunguri dheeraad ah oo ku saleysan sad-bursi dadka dhexdiisa.
Hey’addaha waxsoosaarka ee iyagu qeyb weyn ka qaata kobcinta dhaqaalaha qaranka adduunyada kale gaar ahaan dalalka horumaray waxa la siiyaa mudnaanta ugu sareysa, marka kheyraadka biyaha la qoondeynayo, ayada oo la eegaayo ahmiyadda ay u kala leeyihiin kor u qaadidda heerka dhaqaalaha iyo dhimista shaqa-la’aanta. Akhriste makula tahay in dalkeena Somaliland u baahan yahay in mudnaanta koobaad ta labaad iyo ta sedaxaadba la siiyo sidii kheyraadka biyaha loogu wajihi lahaa si ka baaxad balaadhan sida maanta xaalku yahay. Jawaabtu adiga iyo aniga iyo inta aamin san mudnaanta kheyraadka biyaha ayay hortaalaa!
Qarashka maalgelinta mashaariicda horumarinta biyaha waa kuwa ugu qaalisan dunida, waxayna arrintani carqalad ku tahay kordhinta waxsoosaarka beeraha oo biyo badan u baahan si loo gaaro isku-filaasho dhinaca cuntada (food self-sufficiency) iyo weliba ka haqabtiridda dadka biyaha la cabbo (water supply) iyo kuwa ay warshaduhu u baahan yihiin. Waddamada qaniga ah oo aan si weyn u daneyneyn in ay wax ka qabtaaan arrintan (maalgelinta mashruucyada horumarinta biyaha) ayaa waxaa marka hore looga baahnaan lahaa in ay cafiyaan daymanka ay ku leeyihiin waddamada soo koraya, si ay ilo dhaqaale ugu helaan maalgelinta mashruucyadaas.
Higsashada himillooyinka dhinaca haqabtirka cuntada ee dalalka soo korayo ayaa u muuqda kuwa aan la gaadhi karin sababo badan owgood. Sababahaasi waxaa ka mid ah biyo-yarida heysata dalalkaas ee dhinaca cimilada, mashaariicda biyaha oo aanan maalgelin loo heynin, wasqeynta kheyraadka biyaha oo sii kordheysa, biyaha oo inta badan ah kuwa ay wadaagaan waddamo dhowr ah iyo cadaadiska dhinaca dibedda.
Bangiga Adduunka (World Bank) oo ah hay’adda sida aadka ah u maalgeliso kheyraadka biyaha ayaa bedeshay siyaasadaheedii hore ee ahaa in aanan la maalgelin
mashruucyada horumarinta biyaha ay dhowr waddan wadaagaan. Maalgelinta ku baxda cilmi-baarista iyo daraasaadka lagu sameeyo kheyraadka biyaha ayaa ah kuwa ugu badan, ayadoo la ogsoon yahay in teknoolajigu uu san xal u noqon karin dhibaato kasta oo soo foodsaaarta aadanaha.
Gunaanad ahaan, kheyraadka biyaha waa in loo arkaa loonana macaamiltamaa sida
badeecad dhaqaale (economic good), ee aanan loo arkin dhibaato farsamo (technical
problem). Waayo biyuhu waa kheyraad tiro xaddidan leh ayna weliba fududahay sidii
loo waxyeeleyn lahaa (finite and vulnerable resources).
Dhamaad
Qalinkii: Macalin Eng Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
governance002@gmail.com