Trump Xaalada Suuriya : Ruush-kow u Diyaar Garaw Sawaariikhdayda caqliga leh ee soo socda!!!


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Arbaca ah ku hanjabay in uu weerar sawaariikh ka fulin doono Syria. “Ruushkow u diyaar garaw gantaallada soo socda” ayuu ku yidhi bartiisa Twitter-ka.

“Ruushku wuxuu ballan ku galay inuu soo ridi doono gantaal kasta oo Maraykanku ku bartilmaameedsado Suuriya, sidaa darteed Ruushkow u diyaar garaw maxaa yeelay way soo socdaan Sawaariikhdayadu, waxay noqon doonaan kuwo cusub oo qurux badan oo caqli leh “, ayuu yidhi.

Isaga oo Sii Wata Hadalkiisa waxa uu yidhi “Waajib ma ah inaad Xulufo la noqotaan xayawaan Shacbigiisa ku dila gaasta sunta”.

Hadalka Trump ayaa Imanaya Ka dib markii Safiirkii Ruushka ee Lubnaan uu ku hanjabay inay soo ridi dooaan gantaalaha Mareykanka ee laga tuuri doono Syria, isaga oo sheegay in ay amar ka bixiyeen madaxweynaha Ruushka. “Gantaal kasta oo Mareykan ah oo lagu soo tuuro Syria waa la soo ridi doona waana la beegsan doona goobaha laga soo rido” ayaa lagu yidhi hadlka safiirka Ruushka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso