Booliska Israel ayaa baadhitaan dhowr saacadood qaatay ku Sameeyey shalay fiidkii Sara Netanyahu xaaskiisa Ra’iisal Wasaaraha Israel oo lagu tuhunsan yahay inuu ka helay Lacag rag ganacsato ah .
Raadiyaha Israel ayaa maanta Sheegay, “Waxa lagu sameeyey Saarah oo ahayd xaaska Ra’iisul Wasaaraha Netanyahu shalay fiidkii baadhitaan booliska oo qayb ka ah baadhitaanka soo galay oo ah tuhun loo aaneeyey Ra’iisul wasaarahu si ay u helaan hadiyado qiimo leh madaxda ganacsiga hodanka ah si aan waafaqsanayn sharciga.”
Waxayna ku dartay Idaacadu intaa “in Sarah Netanyahu su’aalo la weydiinaayay muddo dhowr saacadood ah.”
Booliska Israeli ayaa laba jeer baadhitaan ku sameeyey Netanyahu gurigiisa oo looga shakisan yahay in uu ka helay hanti dad ganacsato ah.