Maalin dhawayd ayaan soo qoray maqaal nuxurkiisu ahaa, SHIRKA LA HADAL HAYO EE GACAN LIBAAX, WAA INUU DALKA IYO DADKA WAXTAR U SOO KORDHIYO, OO AANU WAXYERELO NOQONIN. Maqaalkaas waxaa igaga soo noqday jawaabo canaan iyo amaanba isugu jira. Dabeedna, waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago faalooyinkaa iyo jwaabahaygii , oo muujinaya, dareenada dadka lagu abuurayo.
Faaladdii koowaad: Axmedoow, annagaa kuu sheegaynay ujeedada shirkaas ee waxaa weeye in reerku musharax isku raaco; ka dibna isbahaysi (Democratic Clan Coalition) kale la sameeyo.
Jawaabtayda: Musharaxiinta waxaa soo saara xisbiyadda ee reeruhu ma soo saraan. Markaa ajandahja shirka miyuu ka turjumayaa xaqiiqada jirta? Dhinac kale; aniga gurigayga saddex qof oo beeshaas aad sheegtay ah ayaa is-diiwaan geliyay, oo midba xisbi taageersanaaye, siddee bay musharax keliya isgu raacayaan. Dhinac kale, beel keliya ayaa shirka lagu magacaabay, dee dhawr beelood oo shiraya lama sheegin.
Faaladdii 2aad: Maxaad u leedahay Madaxweynihii hore yo Madaxweynaha hadda jooga, midna waxtar gaara umay qaban dadkii iyaga taageersanaa; sowdigan haddana carabaabay Waddada Ceergigaabo, Wadada Berbera iyo Wajaale, iyo Madaxtooyada la rarayo.
Jawaabtayda: Waa runtaa, oo saddexda mashruuc ee lagu hadal hayn badan yahay. Laakiin waxaad xisaabtaada ku dartaa inay dawladda iyo dadkuba dhaqaale ku dareen dhismaha wadooyinka Burco iyo Ceergigaabo,Sallaxlay iyo Hargeysa, Baligubadle iyo Hargeisa, iyo Boorama iyo Kalabaydh, Waxaana laga filayaa inay labadduba bixiyaan dhaqaale lagu dhamayustiro wadooyinkaas.
Faaladdii 3aad: Dalka cadaalad darraa ka jirta, oo in wax laga qabto ayaa la doonayaa, ee ma waxaad leedahay….
Jawaabtayda: Waa run oo cadaalad darraa jirta, balse abuurista qaabka wax loo saxayo oo wada-tashi iyo xeerar buu u baahan ayaa midho dhali kara, ee shir-beeleed wax lagumna sixi karo. Caddaalad darradana dadkaa qayb ka ah
Faalladdii 4aad: Axmedoow waadigan shirka Gacan Libaax ka soo horjeeda’e ma wasiirnimaa laguugu balan qaaday.
Jawaabtayda: Horta shirka kama soo horjeedo, ee waxaan leeyahay, shir kasta oo la qabanayo; haddii aan la sii qorshayn ajendaha iyo waxa ka soo baxaya, halis buu ku jiraa.Xagga balan-qaadka wasiirnimadana, walaahi bay iga tahay, dabeecadayduna maaha noocaas, ee aan is-barano, horta.
Faalladdii 5aad: Axmedoow waadigan mucaaradka noqdaye, ma berrigii dhawyad baa wasiir lagaa dhigi waayay, mise waa shaqo la’aanta? KKK… Waan faaladda hore lidkeeda. Balse, berrigaa dhawayd (Doorashadda ka dib) mabaan hungurayn, shaqona waaban haystaa, dabeecadaana ma lihiba, ee aan is-barano, horta.
Labadda faalo ee dambe, waxay ka mid yihiin caadooyinka soo baxay, ee dadka lagaga horjoogsado fikrkooda, laakiin, balse ee aan hadda aad u shaqaynin.
Allaa maha leh
Axmed Maxamed Diiriye