Falanqeynta Buugga Af-Dhaab Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

Falanqeynta Buugga Af-Dhaab
Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
Mahadinta Eebbe ereyo halkan aan ku xardhaa igaga ma fillee qushiye aan xuso in ammaan iyo mahad idilkeed Rabbi xaq u yeeshay, anna aan ahay adoonkiisii dhacdhaca iyo dheeli-dheeliga badnaa ee wahsilowga ahaa. Intaa kaddib, waxa aan qoraalkan idin kula wadaagi doonaa, haddii xagga Rabbi laga helo, falanqeyn aan ku sameeyay buugga Af-dhaab.
Muuqaalka oogada buugga ee soo jiidasha badan ee farsamo-yaqaanka xeel-dheeraha ihi nakhshadeeyay raadadka ishii milicsata uu ku reebayo waxa ka mid ah; Qorrax buur gadaasheed innaga soo qoolaaliyaysa oo gantaalaha fallaadhaheeda ee casuusta ah ku dhalan-rogtay muuqaalkii buurta oo aan intaas uun ku ekaane dhulkiina oogadiisii sare ka dhigtay lakab dahab ah oo dhallaal badan.
Af-dhaab waxa qoray abwaan, qoraa, cilmi-baadhe iyo suxufi Cismaan Cabdinuur Xaashi. Waxa April.2018 lagu daabacay madbacadda Asal Hargeysa-Somaliland. Wuxuu ka kooban yahay 274 bog.
Ka hor inta aynaan u gondo-degan nuxurka buugga wixii aan ka odhan lahaa yaan illaawin in aan Cismaan Cabdinuur Xaashi uga mahadceliyo hannaanka qoraalkiisa hodantooyada afeed biyo dhigtey iyo habka uu u soohay ee uu sur-ma-seegtada uga dhowray, isla markaa hal abaarkiisa ugu sugay meeris kasta. Dadka sidan Cismaan oo kale wax u qoraa akhriska dhigaalladoodu waxa ay kugu beerayaan akhris jaceyl iyo af jaceyl is-xambaarsan.

Magaca buugga ayaa sharrax koobasanaya nuxurka gudaha innuugu filan oo waa Af-dhaab, buuggu waa kii afka dhaabayay. Dhiganahan la magac-baxay “Af-dhaab” wuxu ka mid yahay xidhmooyinka “Hodannimada afkeenna” wuxuu soo baxay gu’gan(2018) waxa ay ururintiisu qaatay muddo saddex iyo labaatan sanno ah. Buuggu wuxu xoogga saarayaa dhismaha naxwaha Soomaaliga. Qodobbadda aan ka soo qaadan karno culuumta xagga naxwaha Soomaaliga ee buugga ku keydsan waxa ka mid ah;
1. Xarfaha isa qaata iyo sida ay isku qaadan karaan. Tusaale; (B-M)(B-W)(B-F)(B-Sh)(B-N)(X-Kh)
2. Lammaanayaasha isku qob-tolma(Lisqo) Tub kale oo daraasadaha Cismaan helay ka mid ah Iyana waxa daaha ka rogaysaa in magacyo iyo falal xarafka ay ku dhammaadaan isla xarafkaa uu ka bilaabmayo magac ama fal kale oo kan la mid ah. Tusaale; – Rabbi Ilaah. -Awr Rati. -Hunug Gorgor. -Oddoros Saadaal -Ilmo Oohin. -Xag Gees. -Af Fuq. -Hoos Sal
3. Laba-afleyn: Waa daahfur kale oo Cismaan helay ereyda qaar haddii xagga hore lagaga tago iyo haddii dembe lagag tago ba isku mid ah oo aan macnahooda iyo dhowaaqooda midna is-beddelayn. Waxa ka mid ah; -Dad. -Ded. -Fuf. -Baab. -Xoox. -Duud. -Roor.
4. Rakaadda waxa ay Iyana ka mid tahay daah-furrada Cismaan waxa aanay inna baraysaa in ay jiraan isku noqnoqodka afka. Cismaan wuxuu ku bilaabay hogotuska rakaadda, laba Alan iyo shaqal gaaban oo isku rakiban. –Abab. – Arar. – Urur. – Olol.
isaga oo Cismaan daraasaad 38 hannaan gaadhaya ku soo bandhigay buuggan. Aqoonta kale ee afeed ee buugga laga dheehan karo waxa mid ah qodobbadan;
I. JAADDADKA ROOBABKA;Dun-xidh, Doonnaan, Dadab-gal, Heerin, Xigsiisan, Dumaal, Godob-reeb.
II. JAADDADKA GUURKA;
III. ILAHA BIYAHA;
IV. MAGACYADA IYO DHEEFTA DHIRTA QAARKEED;
V. DHAQANKA MAGAC BIXINTA SOOMAALIDA; Magacyada loo bixiyo wiil cad, magacyada loo bixiyo wiilka madaw, magacyada loo bixiyo wiilasha iyo gabdhaha.
VI. MAGACYADA CAQLIGA; Maag, Maan, Waan, Baraad, Xis, Osano.
VII. MAGACYADA XUBNAHA JIDKA;
VIII. MAGACYADA HADALKA; af, or, cod, lad, naq, hal, war, dooy, weedh, hadal, lahaan, tiraab, hawraar.
IX. HAB TIRSIGA HAYBTA SOOMAALIDA; Dhowr nooc oo loo tirsado haybta ayaa buugga Af-dhaab ku qoran waxa aan tusaale u soo qaadan doonnaa kuwa; B. HEBEL; Ab-gaal, Tunni, Ogaadeen, Dheg-cas, Barkhad, Yaxye, Digoodi, Arab, Gelledi, Ajuuraan, T. HEBEL HEBEL; Ismaaciil Saleebaan, Waceys Cabdulle, Muuse Tuurwaa, Cumar Maxamuud, Naaleeye Axmed, Harti Abgaal, Sama-kaab Axmed, Sacad Muuse. J. REER HEBEL: Reer Gadiid, Reer Caafi, Reer Warfaa, Reer Diini, Reer Xareed, Reer Dalal, Muuse Carre, Ciise Muuse, Waceys Aadan, Aadan Madoobe. X. BA’ HEBEL;
X. LAMMAANAYAAL HIR-GALEY. – Ab iyo Isir. – Ab iyo ood. – Ul iyo diir. – Af iyo addin. –Adhi iyo ishin. -Asal iyo farac. -Oday iyo awoow. – Abaar iyo aaran. –Ab iyo abqan. – Af iyo uur. – Axan iyo agas. – Adhi iyo geel. –Ashqaraar iyo amakaag. – Juuq iyo jaaq. – Tagto iyo timaaddo. – Jiraha iyo joogaha. – Deyn iyo deeq. Xilo iyo xaas. Dirir iyo duulaan.

Daanyeer Gacmihiisa ayuu biyo kaga dhergaaya idinka iyo buugga ayaan isku kiin dhaafi doontaa intaa waxii ka dambeeya, waxa aan se jeclaystay intiinna aan hore u aqoon macaan badnaanta qalinka Cismaan Cabdinuur Xaashi waxa aan jecleystay in aan halkan isku kiin baro aniga oo ka qurub qoraalkiisa hordhaca ka mid ah ka soo garoocay bartanna idin kula wadaagay. Wuxu yidhi Cismaan oo qalinka ku hadlayaa;

“Gensi iyo saluug ba waxa leh madax iyo aqoonyahanno, culimo iyo codkar, murtimeerayaal iyo maalqabeen, abwaanno iyo wariyayaal iyo dhammaan inta la addeeco ee indhaha u ah ummadda ee ah Soomaalida maanta oo iyagu badi dagaal taxane ah oo mug weyn isla markaana dhinacyo badan in ay kula jiraan af Soomaaliga, iyaga oo u hura hanti hawl ba agoomeynta, hagaasinta, yasidda, habaarka iyo iimaynta afkooda, tii oo ay hubaashii tiro yar oo qarsooni ay shirqoollo malleegan kula shaqeeyaan shisheeye kala ayniyo ah. Waxa ay ku doorsadaan afaf qalaad kuwaas oo aan doc na ka gudi Karin, kana haweysan karin afkooda hodanka ah.
Gedgeddoonka waayaha iyo hayaanka loogu tallaabay qurbaha kala qaaradaha ah iyo caynaanka sancada dunida oo waayahan badankeeda shisheeye shukaanta u gashay kuwaas ayaa sababay wax bidista iyo ku tiirsanaanta dhalanteedka ah ee afafka qalaad, taladii oo aynu gabnay kolkaynu iska duminay higilkii iyo hu’gii qarannimada bilayay, ayaa waxa ay taasi daleel iyo hungo badday kasmooleey badan oo iyagu dhaawacyada iyo dhalliilaha aan lug ku lahayn, ka na uur-ku-taalaysan cindigana caqiibo ummadnimo kaga ciilan, bal se aan codkooda loo dhago nugleyn. Arrimo taban oo isku wada beegmay ayaa wiiqitaan aan cidna gaar ugu hawl galin oo foon-dhaafay, ayaa gidi iskaga baxday geesaha geyiga, taasina waxa ay walaac iyo niyad-jab ku saamaysay oo weydaysay dadweynaha siiba maxasta iyo maatadida.
…Aniga oo kalsooni weyn oo xaqiiqda deris la ah ku qaba, in af Soomaaligu uu yahay midka ugu hodansan luuqadaha gibilka dhulka guud saaran oo idil.”

Waa hubaal in aad ku raaxaysanayseen qalinkii waayo-aragnimada, aqoonta iyo kasmada heerkeedu sarreeyaa jaan-goynayeen kala xulashada erey ba ereyga uu ka habboon yahay ee uu Cismaan innagu habayay, walaw, aanan jecleyn in aan idinku badh jaro, haddana waxa aan uga gollahaa in aan wax idinka baro aqoonta iyo xirfadda af qoraalleed ee Cismaan Cabdinuur Xaashi.

LA SOCO…

Advertisement

Ku Xayeysiiso