HIRDANKA XAQA IYO BAADILKA- SHALAY IYO MAANTA (QAYBTA 1AAD)
Buugga: “Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka)
Dr. Cabdiqani Xuseen Maxammed (Beder)
HORDHAC
Walxaha kawnkani ka samaysan yahay oo ka kooban kuwo la taaban karo iyo kuwo aan la taaban karinba, waxa uu Alle u dejiyey sunne kawni ah oo ay ku shaqeeyaan, walxahaasi qaarkood way is dhammaystiraan oo ma kala maarmaan, halka kuwo kalena ay kala rooraan oo aanay sinaba isu qaadan karin.
Dhaqanka noocaas ah oo kale ayay nooluhuna dabci ahaan leeyihiin, dad baa jira sheedda iyo maqalka fog isku jeclaada oo isla jaan qaada, halka kuwo kalena ay sida bisadda iyo jiirka u kala firdhadaan.
Qaab dhismeedkaa noloshu u dhisan tahay ee is caabinta ah, ayay xaqa iyo baaddilkuna u qaabeysan yihiin.
Sida cufjiidka iyo kala roorku (Gravity and anti-gravity), lagama maarmaan ugu yihiin kownkan, isla markaana la’aanta falkaa, cufjiidka ama isriixiddooda uu kawnkani u burburayo oo kale, ayay xaqa iyo baaddilkuna loollan joogto ah ugu jiraan.
Xataa xaaladaha aanay sida tooska ah isu waajihin, waxa jirta xad sheed-ka-arag ah ama xuduud go’an oo aanay isu soo dhaafi karin.
Taa macnaheedu waxa weeye, sida aanay labada madax ee magnet-ka ah ee kala roorku ka dhexeeyaa isu qaban karin ee ay u kala boodayaan kolka la isu soo dhoweeyo, ayaan xaqa iyo baaddilka la isu oggolaysiin karin, isla jeerkaasna aan la isku toli karin, loona walaalayn karin.
Sidaas oo kale ayaanay maangal u ahayn in xaqa iyo baaddilka ujeeddooyinkooda iyo qorshayaashooda la mideeyaa, isla markaana labadooda hoggaamiye iskudan is garabsada laga dhigaa.
Haa, khayrka iyo samo taliska waxa ku isman oo ku suntan mu’minka Alle yaqaanka ah, sharkana waxa ku calaamadsan oo u heellan hirgelintiisa iyo hagidkiis Ibliis iyo awliyadiisa Aadmiga iyo Jinkaba leh.
Asalka xidhiidhka gaalka iyo Muslimku, waa xidhiidhka sharka iyo khayrka, xaqa iyo baaddilka.
Asalku waa muqaalaba, waa legdan iyo is muquunin.
Way dhacdaa in uu mid guuleysto oo ka kale magantiisa ku macaasho, kuna hoos jiro, in ay se si siman isu garabsadaan oo isu barbar socdaan, waa mid aan qaab dhismeedka nololeed ee dunidan ka suuraggal ahayn.
Sida walxaha magnadka ah ee kala duwani u kala rooraan abuur ahaan, ayay xaqa iyo baaddilkuna is riixriix joogto ah ugu jiraan.
Is caabintaa ka dhexeysa runta iyo beenta, xaqa iyo baaddilku waxa ay soo martay heerar kala geddisan, waxa la isu adeegsaday habab iyo agabyo kala duwan, isla markaana waxa laga dhaxlay natiijooyin go’an, kuwaasoo ay ku suntan yihiin gayllamayaasha labada dhinac kala metelayaa.
Waxa la arkaa dad marka hore u muuqda in ay safka xaqa ku wada jiraan, in ay u kala baxaan kuwo xaqaas ku adkaysta oo Allah fadligiisa ku sugnaada dariiqa saxda ah iyo fahamkiisa toosan iyo kuwo shubuhaadku saamayn ku yeeshaan oo xaqa ka simbiriirixda, safka cadowgana ku ciira, caqiido iyo camalna la wadaaga.
Halka dhinaca kalena la arko kuwo safka gurracan ka soo goosta oo jidka hanuunka soo haleela.
Faqradaha soo socda ee cutubkan ayaynnu ku soo bandhigi doonaa xogo la yaab leh iyo dhacdooyin taariikheed oo ka tarjumaya iscaabinta aan joogsiga lahayn iyo waayaheeda hore iyo weliba muuqaallada joogtaysan ama timaaddadeeda danbe.
La soco –
Buugga: “Halbeeg, Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka”
Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed (Beder)