Gabaygan oo la yidhaahdo Higsi Nabadeed, waxa uu soo baxay 12kii Mey 2018ka, waxa uu ka hadlayaa colaadda soo noqnoqtay ee deegaanka Ceel-af-weyn. Waxa curiyay Siciid Maxamuud Gahayr.
Ugu Horreyn, Sidee Shaqaaqada Ceel-af-weyn Loo Af-jari Karaa?
Weydiintan, waxa aa la wadaagay bulshada. Waxa aan soo gudbin doonaa taladii dadka iyo wixii tilmaan ah ee aan qof ahaan ku biirin lahaa.
Waxaana guud ahaan noo muuqdan qodobbadan:
1. In loo saaro guddi ka kooban Culimada waaweyn ee Somaliland sida Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-Siiro) iyo wadaaddada kale.
2. In loo saaro beelo iyo bulsho Somaliland ah, kuwaas oo aan ku talin lahaa in ay noqdaan reer Badhan, Sool, Awdal iyo Selel
3. In xukuumaddu dhaqan geliso goaanno adag oo dabar u noqda kuwa xadgudbaya sida xabsi dheer, hubka oo laga qaado, xoolaha oo lagala wareego, qisaas lagu fuliyo iyo taako kasta oo qas-wadeyaasha hakin karta. Dawladda lagama rabo baryo iyo sabaalo, waa in ay tallaabo cad ka qaaddo cidda nabadgelyada duminaysa. Islaan baa tidhi “Ninkaas xoogga weyni inantayda yar kama ilmo-dhali kari waayine, wuu hagrnayaa”. Xukuumaddu ha iska riixdo tuhunka habrashada ah ee loo tirinayo.
4. Intii ay xukuumadihii hore xilka hayeen waxa meesha ka baxay doorkii Golaha Guurtida, Dhaqaalaha loo qoondeeyo maaraynta shaqaaqooyinka sida habeen-dhaxyada waxa isku koobay wasiirrada arrimaha gudaha. Waa in la nooleeyo doorkii Golaha Guurtida.
5. In xabsiga laga sii daayo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw, si uu hormood ugu noqdo xalka.
6. Madax-dhaqameedka labada dhinac ee la maqli waayaa ha ku gooddiyo in uu dhigayo cumaamadda lagu sharfay xil kasta oo uu hayo sida Suldaan, Boqor, Caaqil IWM. Ninka aanay wiilashiisu maqlaynni muxuu micne samaynayaa?
7. Bal ummaddan dirirta joojin weydayna ha la weydiiyo waxa ay rabaan.
Taladu waa wax isu-geyngeyn, waxa aan ummadda u soo gudbin doonaa tixdii ergada ahayd ee aan kaga odayaynayay shaqaaqada soo noqnoqotay ee Ceelafweyn, ma aha mid aynu hore riiqdeeda, wacad-furkeeda iyo waxyeelladeeda u aragnay.
Waa kan gabaygi:
Hurdo aniga oo seexday buu, Haatuf ii yimiye
Hambalyiyo ladnaan iyo ma wadin, hoodo loo kaco’e
Hanaq-gooyaduu sheegayaan, “haw” la oogsadaye
Arligoo halaag lagu shaqlaan, soo hambaabiraye
Wuxuu yidhi “halkii Ceel-afweyn, hoobiyaa dhacaye”
Wuxu yidhi “naxligi huursanaa, ways hirdiyayaane”
Waa laga hafeeftaa hadday, gacalku hoobtaanne
Hiimsaha rasaastaa la furay, waan halcanaynnaaye
Haliiladu waxay saafaysaa, hilibyadaydiiye
Intoo haanka lays jaro marbaad, kala hagaagtaanne
“Hayaaydiyo ka soo kaca” miyaan, maandhe laga haagin
Markaan holaca joojaba dabkay, qaar holcinayaane
Hanqadhkaa Sanaag oo kalaan, haabku filahaynne
Sidee haarta loo biinayaa, waa huq ii ugube?
Illamaa Huluul iyo Garadag, waa hadh iyo geede
Haro iyo rugbay wada tagaan, goor harraad jiro’e
Kolkuu kala hayaamuu nafluhu, kala hulleelaaye
Haddii aan hir geyn-laa mid qudhi, kama hadaafeene
Waa “habar-lammaan” baa la yidhi, hooyo iyo wiile
Hilfaa looma qaadeen nimaad, hayb “abtow” tidhiye
Tolow yaa haleeliyo nirgaha, kala horjoogaaya?
Hurimaha markii aan rarnaba, Heelladay tumiye
Anigoon habaareen ducana, kuma haliileene
Haldeeqow xal iyo maaro keen, hoonki waa weliye
Afartaa tixdaan hogatusiyo, hiigsi nabadeed dheh
Hojintii colaaddiyo ammaan, loo hanweyn yahay dheh
Ka hadh aadmi nool maan garteen, geeri ka hortowe
War hacoogu saydhoo nin ragi, haanka geliyaa dheh
Haddii aan hadhuubbada murtida, weliba haaneedsho
Ka hirqada wixii aan hal-karo, lama habsaameene
Hawo dhaarta kii moodayow, way ku hodaysaaye
Lama maqal kitaabkii hufnaa, duul ka haajira’e
Hujuun iyo intii abid dagaal, heelka laga sheegay
Lama maqal hanaayahan miday, wada hab-raacaane
“Haye” iyo adoo yidhi darraad, “waan hakinaynnaaba”
Lama maqal heshiiskoo la qubo, hiifna loo bogo’e
Nimaydaan is-hurin oo tihiin, duul hal wada maala
Lama maqal habkiinno kaloo, haanka loo jaro’e
Inkastoo habeen iyo dharaar, waano lagu hoorsho
Lama maqal hallayntaad axdiga, ugu hogeyseene
Hadhka iyo saq dhexe waanadaan, heellan la ahaaye
Lama maqal wixii hadal la yidhi, “haatan laga guurye”
Hadur maaha dhiiggaad qubteen, heerka qiimaha’e
Haniyaha Islaam kii jaraa, Haawiyuu tegiye
Hubaal muumin ruuxii dilaa, heerma aakhiro’e
Haraggiisu naaraha wax guba, wuu ku hurushoonne
Lacnad loo hagoogiyo cadhaa, loo huwinayaaye
Jannadii hiraysiyo nimcada, wuu hareer-mariye
Hanfigii Jaxiimiyo sharbaan, “hooy” ka digayaaye
Maxaydaan haddeer noo aqbalin, waad hanfadaysaane?
Hootiyo warmuun bay sitaan, hoog wax ii dhala’e
Hawlbawlaha waxay kala jareen, kii la habi-laaye
Ummadyahaw habdhaqankii tognaa, laashe taan hubo’e
Hengel buu walaashii u xidhay, hoorri shiishtamaye
Nimay habaryartii ooyaysaa, guul lamuu hoyanne
Eddadaa waxaad halis dhigtay, hililiqlaysaaye
Waxa loo halgamayaa dheg-xumo, aan horraan dhicinne
Afartaa tixdaan hogatusiyo, hiigsi nabadeed dheh
Hojintii colaaddiyo ammaan, loo hanweyn yahay dheh
Ka hadh aadmi nool maan garteen, geeri ka hortowe
War hacoogu saydhoo nin ragi, haanka geliyaa dheh
Haddii aan hadhuubbada murtida, weliba haaneedsho
Ka hirqada wixii aan hal-karo, lama habsaameene
Hebladeeda maantuu cimlaaq, hoystay calafkiisa
Hablaheeda tuu guursaday, hadal ka sheegeene
Waxay tidhi “ninkaa haybadda-li, wuu hagranayaaye
Hodan wuu ka dhali-laa judhiyo, hiirti waaberiye”
Wax habkaasa maantoo naxwiyo, dhaliyay hawraarta
Hummaaggiyo markaan qaabka deyay, dawladdiyo haatan
Hoggaankii dalkayguna dhacdada, wuu habranayaaye
Xadgudbaha hadday hoojiyaan, lama hadaaqeene
Haddii ruuxa hagardaamo fala, jeelka lagu hooyo
Kol ay tahay hashiisiyo adduun, haynta iyo maalka
Hanti iyo ganaax culus haddii, haanka laga saaro
Hub wuxuu lahaa iyo haddii, hoobye laga qaado
Hilqadlaha dhammaantii haddaad, xoog ku hananayso
Hed la jaro Wasiir Kaahinow, uma hawoodeene
Hantaataca dhammaan uumiyaa, lama horjoogeene
“Hoor iyo waxaan sari xijiro”, kuma hal-taameene
Hohe guurtidii baa beryahan, gabay halkoodiiye
Wax hufnaan leh taladay bulshadu, hubanti qeexeene
Haaruunyo Dirir baa wakhtigan, ugu habboonaaye
Hagooganiyo reer Awdal iyo, Seylac baa hadhaye
Hadaaftimiyo reer Sool ergada, hali ma seegteene
Hal-doorkeenna kaashada malaa, awyadaa hadhaye
Afartaa tixdaan hogatusiyo, hiigsi nabadeed dheh
Hojintii colaaddiyo ammaan, loo hanweyn yahay dheh
Ka hadh aadmi nool maan garteen, geeri ka hortowe
War hacoogu saydhoo nin ragi, haanka geliyaa dheh
Haddii aan hadhuubbada murtida, weliba haaneedsho
Ka hirqada wixii aan hal-karo, lama habsaameene
Hobolkii Cifriid baa u tumay, heeso dhagareede
Shaydaanku hagardaamaduu, kugu hanuunshaaye
Hilinkiisa ruuxii maraa, wuu halaagsamaye
Hafeef iyo fal aad eeddid buu, kuu hadoodiliye
Markii uu Iblays xumi ku hagay, waadigaa hadhaye
Hoobaan waxaad moodaysaan, hoodhka soo ura’e
Habigiinnu tooskiyo hadduu, haadka wacan raaco
Haadaanta aad jiidhaysaan, uma hilowdeene
Sidiiyoon horjoogsaday nimcaad, hararaf leediine
Waydinkaw hawaawiyay wax aan, lagu hamuumeene
Inta aad hagaaggii nacdaad, godobna heensaynne
Haadigu jidkii uu ku faray, heedhe laga baydhe
Ka-hadaafte diintii Alliyo, lama-huraantiiye
Haddaan hedo waxaad doonaysaan, “hoo”du way xigiye
Horu-socod dalkoo maaggan baad, dib-u-hagaasteene
Higsigiyo sidaan doonaynnaad, naga habsayseene
Toddobaad haddaan kaa hakado, heegankiyo ciidan
Markay hugunka boqollaal dhintaan, “hoogeyduna” yeedho
“Hambadayda soo gaadha” baad, hiilka odhan-layde
Inta aannu kala haadinnaan, kala-hufaynnaaye
Halyeyada kuwaan moodayow, hoostay xaajaduye
Himilada wixii kuu san baan, kuu hirgelinne
Hoobaaq nin doondoonayow, kuma horboodeene
Bal halkaa ku qora taad rabtaan, way hurgumo ciile
Afartaa tixdaan hogatusiyo, hiigsi nabadeed dheh
Hojintii colaaddiyo ammaan, loo hanweyn yahay dheh
Ka hadh aadmi nool maan garteen, geeri ka hortowe
War hacoogu saydhoo nin ragi, haanka geliyaa dheh
Haddii aan hadhuubbada murtida, weliba haaneedsho
Ka hirqada wixii aan hal-karo, lama habsaameene
Hirwadiyo haddaan yoolka iyo, hadafka soo oodo
Hayinnimo kolkaan naco kolkaan, haanta kor u tuuro
Habkii layli goortaan ordeen, hibasho dhiilloodo
Hoggaan iyo sidii dabar adaa, iigu hawl-gala’e
Harraatida intaasaa ku filan, haamad lays jaro’e
Habkii dhaqan, hannaankii garaad, haybadlaad tahaye
Hanadnimo adaan Boqor Cismaan, kuu hannayn rabaye
Dhawaan baad huluulaha Xabsiga, “haw” ka soo bixiye
Higgaadaha dhammaan soo af-goo, ceebi yay hadhinne
Siciid Maxamuud Gahayr
siciidgahayr@gmail.com,saedmgahair@hotmail.com