Qoys dhan ayaa ka danbeeyay qaraxyadii kaniisadaha ee Surabaya, Indonesia, sidaana waxa sheegay bilayska maanta.
Tito Carnevian, oo ah madaxa bilayska magaalada, ayaa sheegay in Hooyo iyo labadeeda caruur ay isku qarxiyeen kaniisad iyada oo aabaha iyo saddex carruur ahina ay beegsadeen kaniisado kale.
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qaraxyada waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale.
Weerarkan ayaa ah kii ugu xumaa ee Indonesia ka dhaca tan iyo 2005.
Muslimiintu qiyaastii waa 90% dadka Indonesia, laakiin sidoo kale waxaa jira tiro badan oo Kiristan ah, Hunduus iyo Buddhist.
Wawan Purwanto, oo ka tirsan wakaaladda sirdoonka Indonesia, ayaa sheegay maanta goor hore in uu ka shakisan yahay kooxda Ansar al-Tawhid oo ah urur Islaami ah oo ka danbeeyay weerarrada ka dhaca Indonesia.
Warqabadka ToggHerer