Cida wadda colaadda deegaanka Ceel Af-weyn waxay inala joogaan hargeysa ee xukuumaddu dhaarta hanooga dayso reerahan adhigiina ka baxay ee caydhoobay.
“Mashaqada Ceel Af-weyn ka taagani maaha mid reereed ee waa dano kale”.
Sacad yoonis & Biciido-na waa taytalka mashruuca hawshaada wado ee deegaanka Ceel Af-weyn.
1. Taliye Fanax &
2. Taliye Caare-na waxay ka mid yihiin mashruuca.
Nuxurkuna waa magacii qabiilka oo lagu Shaqaysanayo loona adeegsanayo dano ka baxsan kuwii reeraha.
Laakin reerihii saxda ahaa(Sacad yoonis & Biciido) Waa reeraha adhigu ka baxay ee caydhoobay, nin caydhoobayna qori ma qaato. Waana odayaasha dhaarta yaalaa ee maaha kuwa weerarada qaada. Waayo sidaynu wada ognahay 90% odayaashu waa odayaal nabadeed.
Faraqa jiraana waxa weeye
Xukuumaddii siiraanyo waxay dhaarin jirtay ragii hawsha waday Oo badhkood xukuumadda ku jireen. Laakin xukuumadda maxaliga ahi waxay dhaarisaa odayaashii saxda ahaa ee labada reer waxan loo dhaarinayana maaha kuwo garanaya wax ay kala socdaana ma jirto.
Waayo hawsha socotaa Waa dano la baxay magacyadan Oo sita hubkoodii & saadkoodiba. Waxaana gobolka ka jira arin laysku hayo oo salka ku haysa arimo ganacsi. Sidoo kale waxa iyana jirta Sir la wada ilaalinayo oo labada dhinac-ba ka siman-yihiin.
Waana Laba urur oo isku haya dano ganacsi.
Inamaday adeegsanayaana waa inamadii deegaanka.
Nimankan gobolka ka wada mashaqada taytalkoodii uun baa meesha laga saaray waxaana lagu bedelay magacyadii reeraha(Sacad yoonis & Biciido).
Sida macruufka ah dawladi waxay dawlad ku tahay ogaanshaha wax aan shacabku ogaan karin waayo dawladi waa-tii leh mukhaabaraad u tababaran ogaansha waxa jira & waxa la qorshaynayo ee aan wali dhicin.
Sidaa darteed dawladdu ma waxay ogaan wayday sirtan la qarinayo ee laysku dilayo. Ilayn qabiil maahee.
Waxaana iyana suuragal ah inaad aragto danihii oo galay gobolo aanay oolin(degin) sacad yoonis & baciido toona. Sababtuna waxay tahay mashruuca meesha ka socotaan ahayn mid reereed kaliya waxay adeegsanayaan magaca reeraha.
Allaw yaa ogaada cida meesha mashaqada ka wadda bal waa loo wada joogiye car yaanay noqon ururo la mida sida ISIS & DAACIS. Kkkkkkkkk.
Waayo dagaalka qabiileysani mar & Laba qalad wuu u dhacaa mar saddexaadse ma dhaco.
Waxan socdaana maaha shuquladii reeraha waayo aano qabiil waxa loo dilaa uun hal shakhsi oo Waliba ah qofkay dilka sameeyay ama shakhsiga ay iskugu dhawyihiin qofkii wax dilay. Waxa kale oo aad maqli lahayd waxa maanta la qaaday geelii reer hebel afartii nin ee watayna waa lagu dilay. Waxa iyana meesha ka bixi layd is dhex marka labada beelood waayo gaadhi qudha ayaa loo wada saaraa guntimaha & rufucyada sonkarta ah-ba. Imika miyaa waxaad mar wada maqlaysaa Ceel Af-weyn ama magaalo kale ayuu gaadhi gaashaamani soo galay oo wuxuu dilay lix Sacad yoonisa. Qoladii Sacad Yoonis-na iyana waxay dileen sagaal Biciido ah.
Waxaana laga yaabaa inay gaadhi wada saaranyihiin labadan qolo ee dilka qorshaysan samaynayaa. Waana wax qorshaysan dilka & in aan iyaga wax gaadhin sidoo kale waxay leeyihiin meel ay ka soo amba-baxaan & meel ay ku noqdaan.
Wali miyaad maqasheen waxa la dilay ama la qabtay cidii fulisay dilalka qorshaysan jawaabtu waa maya. Intay falka & fal celintaba sameeyaan ayay sida shaydaanka ugaga xuub siibtaan masaakiin aan waxba ogayn oo sita magaca Labadan reer waayo magaca qudhiisa ayaa la dhagareeyay. Sidoo kalena raga fuliya dilalkan qorshaysani waa shaqaale lacag ku qaata, ciday u shaqeeyaana way joogaane dawladdu ha ogaato.
Ugu denbeyn;
Waxaad maqashaan maxay dawladdu ciidan u Kala dhex dhigi wayday reerahan is dilaya!!!!. Sirta halkaa ku duugani waxa weeye adeer waxaan jirin reero is dilaya Oo la ogyahay. Waxa dhacda in isku wakhti/xili ay falka & fal celintu ay ka wada dhacaan laba meelood oo isku jira 60-dan km isku wakhti. Diyaar garawgooduna ka dhaw ka dawladaha oo kaliya telefon ayaa mar lagaga wada fulinayaa falka & fal celintiisaba. Markaa waxa ku muuqanaysa inay jiraan shaqaale hawshan u diyaarsan oo kaliya sugaya hawl-gala. Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye. Suuragal miyay tahay in 60-dan km ciidan la kala dhex dhigo?.
Waxaan ku soo gunaanadayaa;
Haddii laga eego xaga tijaabada jaanis bixinta waxay noqon kartaa arin uu cadawga somaliland ka qiyaas qaato sidaynu u odorasayno qaran ahaan waana arintan oo noqon karta tijaabo cadawgeenu ka dhanbiil qaato isla markaana uu inagu mashquulin karo. Amaba uu ku soo dhex dhuuman karo waxa tusaale u ah bal eeg imika weerarka putland intee in leeg ayaynu odhan karnaa way gacansiisay arintani?. Hadaba waa in arinka laga eegaa dhinacyo badan bal eeg wajiyada dhexdeena ee looga faa’iidaysan karo;
1. Arinkani waa mid ku sal leh khilaafka kursi ee xisbul xaakimka.
2. Arinkani waa mid xukuumadu ka caga jiidayso oo wax bay ka ogtahay.
3. Qodobka ugu xun oo ah mid laynagu kala qaybiyay, iyadoo loo xidhay shaadh mucaarid waana mid aafo ku ah qaranka oo dhan eray buxintiisuna tahay xukuumadda jeegaanta ama dagaalka jeegaanta oo xataa ka baxsan ilaalinta qarimadeena kuna lid ah ciidamada heeganka u ah ilaalinta xaduudeena & dhawridda ku soo xad gudubka dalkeena waxaa oo dhami waa mid ka shidaal qaadanaysa arintan shaqàaqada ee aynu sahlanayno oo taageeero buuxda siinaysa cadwageena. Hadda waxaan ku talo bixin lahàa in wax laga badalo sida loo wajahayo arinkaa waana in loo arkaa xaalad uu cadawgeenu ka faa’iidaysan karo loona yeeshaa fiiro gaar ahaaneed.
NB;
Waa maqaalkii iigu denbeeyay inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, waayo waa bishii khayrka, denbi dhaafka & naarta Oo layska xoreeyo. Maqaalkanina wuxuu ku jirey jadwalkii caadiga ahaa.
Allaa Mahad Leh.
Qalinkii: Gar. Keyse Koosaar.