21/05/2018
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Saleebaan Cabdi (Cali Hayste) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/05/2018, magaalada Hargeysa, laguna aasi doono beri 22-05-2018-Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.
Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo uu aabihii ahaa marxuumku iyo dhammaan reer Cali hayste.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday guurti ah oo magac ku leh bulshada reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Togdheer, isagoo ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland wada degan.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL.
—