Wasaarada Gaadiidka Somaliland Ayaa Daahfurtay Wajigii Labaad Ee Barnaamij Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Oo Ay Wasarada Rabto In Dalka Guud Ahaantii Gaadhsiiso.

(Toggaherer)-Wasaarada gaadiidka Somaliland Ayaa Daahfurtay Wajigii Labaad Ee Barnaamij Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Oo Ay Wasarada Rabto In Dalka Guud Ahaantii Gaadhsiiso.

Dhammaan isuduwayaasha wasaaradaasi gaadiidka ay ku leedahay gobolada dalka ayaa caasimada somaliland waxaa uga furmay kulan aqoon iswaydaarsi ahaa oo lag baraayey nidaamkaasi casriga ahaa ee kaadhka dhaqdhaqaaqa gaadiidka sidii ay ugu shaqayn lahaayeen.

Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta gaadiidka jidadka C/laahi abokor cismaan oo kulankaasi furitaankiisii ka hadlaayey ayaa ka waramay ahmiyada uu qaranka Somaliland uu u leeyahay cashuur bixinta iyo sugida amnigaba,wasiirka oo arrintaasi ka hadlaayey ayaa hadalkiisa ku bilaabay Sidan:

(Ujeedada koowaad waa in la idin tabobaro oo la idinku tabobaro hanaankan casriga ah ee ay wasaaradu qaadatay ,qodobka labaadna waa is barasho maadaama aad ku cusub tihin wasaarada marka aad tabobarkaasi qaadataan ,ka dib wasaaradan gaadiidku waxay joojinaysaa buugaagtii hore axaanu isticmaalaynaa waa kaadhkaa oo inoo sahlaaya in aynu markiiba xogta ogaano oo meel kasta laga heli karo min laascaanood ilaa saylac in laga heli karo waxaanan u mahadnaqayaa shirkadan GTS oo aan odhan karo waxay inoo keentay hal abuur cusub).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso