Qormada afraad waxaynu kaga hadli doonaa qodobada kala ah aqoon-korodhsi iyo xuska ALLE

Qormada afraad waxaynu kaga hadli doonaa qodobada kala ah aqoon-korodhsi iyo xuska ALLE.

4. AQOON-KORODHSI
Qodobkan oo ah qodob ay tahay inuu qeyb laxaad leh ka qaato acmaasha bisha Ramadan. Fadligiisa waxaynu ka xusi karnaa inuu yahay waxa keliya ee nabigeena SCW ALLE ku yidhi I weydiiso inaan ku siyaadiyo.
Bishan Ramadan waxa jira fursado kala duwan oo uu qofku aqoon ku korodhsan karo. Tusaale ahaan waxa laga bilaabaa kutub kala duwan masaajidada , waxa la qabtaa muxaadarooyin , waxa lagu baahiyaa baraha bulshada qoraalo ama muuqaalo kala duwan oo aynu aqoon ka faa’idaysan karno.
Dhinaca kale waxa aynu inaguna diyaarsan karnaa qorshe inoo gaar oo ka duwan kuwaas. Waxaynu akhrisan karnaa buugaag kala duwan oo ka hadlaya mawduucyo kala duwan.

Ujeedada qodobkan ayaa waxa ka mid ah :
 In aynu bishan barano aqoon inaga caawinaysa in aynu la nimaadno cibaado suuban ramadaantan . Taas oo inaga caawinaysa in soomkeena iyo acmaasha kale ee aynu la nimanayno bishani noqdaan qaar u dhow in la aqbalo.

 In aynu korodhsano aqoon inaga caawin karta in aynu nolosheena wax ka bedelno. Sidoo kalena sahay inoo noqon kara ilaa Ramaddanta dambe.

 Korodhsashada aqoonta bisha Ramadan ama wakhti kasta waxay fursad inoo siinaysaa inaynu bulshada la wadaagno waxkasta oo Ramadaantooda wanaajinaya. Sidoo kalena waxay inoo noqonaysa camal wanaagsan oo aynu ku cibaadaysan karno bisha Ramadaan.

Ujeedooyinkaas iyo qaar kale awgeed waxaynu odhan karnaa qodobkani waa mid aan laga maarmi karayn. Sidaas awgeed waxa wanaagsan in aynu qorshaysano in cibaadadan aynu wakhti u qoondeyno.
Waxaana ALLE mahadii ah in aqoontii si fudud lagu heli karo. Tusaale ahaan casharka ka socda masjid waxa aad ula socon kartaa si toos ah ama waxaad si fudud uga daawan kartaa baraha bulshada. Taas oo inoo suurtagalinaysa inaynu mawduucyo kala duwan Xilli keliya la wada socon karo.
Gunaanadka qodobkan waxaynu iskula dar-daarmaynaa in aqoonta aynu korodhsanayo aanu ka maqnaan barashada TAFSIIRKA QURAANKA. Sidoo kale waxa muhiim ah in aynu barano meelaha uu sheydaanku inaga soo geli jiray , waxyaabaaha uu inoo qurxin jiray , cibaadooyinka uu inaga hor-istaagi jiray , IWM.

7. IS-XISAABIN
Su’aalaha ka iman kara qodobkan waxa ka mid ah , balse aanay ku koobnayn:

• Ma diyaarsaday buugaag ama mawduucyo aan wax ka akhriyi/ dhagaysan / daawan doono doono bishan?
( Doorashadaadu waxa fiican inay ku xidhnaato waxaad xiiseyso ama aad u baahan tahay)
• Ma korodhsanay maanta aqoon ? Maxay ahayd?
• Ma bartay ama ma baranayaa meelaha uu sheydaanku iga soo geli jiray si uu xumaanta iigu rido , wanaagana i seejiyo ?

5. XUSKA ALLE
Qodobkan oo ah mid aad u balaadhan , ahna qodob ay soo geli karaan acmaal fara badan. Balse waxaynu ka soo qaadan doono afar ka mid ah.
Ugu horeyn acmaasha qodobkan waxaynu is xasuusinaynaa inay yihiin qaar wakhti kasta lala iman karo .( keliya marka lagu jiro suuliga ayaanay banaanayn )
Tusaale ahaan marka shaqo lagu jiro , marka meel loo socdo iyo wakhtiga afurka la diyaarinayo. Sidaas awgeed waxaynu odhan karnaa cibaadooyinka ku jira qodobkani waa ay fudud yihiin keliyana waxay u baahan yihiin in la xasuusnaado.

Quraan akhriska

Ciwaankan oo ka mid ah camalada qiimaha badan ee bishan lagaga faa’idaysan karo. Sidaas darteed waxa muhiim ah in aynu maalinkasta akhrino , oo aynu ugu yaraan hal mar khatino. Sidoo kale akhrinta suuradaha gaa-gaaban sida SURATUL AXAD ( 3 JEER ) iyo suurdaha kale ee aynu kor-ka ka hayno ee aynu la iman karnaa wakhti kasta , ee aan wakhti badan inooga baahnayn ; waa camalo qiimo badan oo u baahan in la xasuusnaado xilli kasta .

5 tan kelmadood iyo Saliga Nabiga

o TAhlil ( لا اله الا الله
o Tasbiix ( سبحان الله
o Taxmid ( الحمد لله
o Takbir ( الله اكبر
o Xawqala ( لا حول ولا قوة بالله
Fadligood waxaynu ku eegi saddexdan xadiis :

• ان الله اصطفى من الكلام أربعا: سبحان الله، والحمد لله، ولا إله إلا الله، والله أكبر، فمن قال سبحان الله، كتبت له عشرون حسنة وحطت عنه عشرون سيئة، ومن قال الله أكبر، فمثل ذلك، ومن قال لا إله إلا الله، فمثل ذلك، ومن قال الحمد لله رب العالمين من قبل نفسه كتبت له ثلاثون حسنة وحطت عنه ثلاثون سيئة.

• خذوا جنتكم، قلنا: يا رسول الله من عدو قد حضر؟ قال: لا، بل جنتكم من النار، قولوا: سبحان الله، والحمد لله، ولا إله إلا الله، والله أكبر، فإنهن يأتين يوم القيامة منجيات ومقدمات، وهن الباقيات الصالحات.

• عن قيس بن سعد بن عبادة: أن أباه دفعه إلى النبي صلى الله عليه وسلم يخدمه، قال فمر بي النبي صلى الله عليه وسلم وقد صليت فضربني برجله وقال: ألا أدلك على باب من أبواب الجنة قلت: بلى قال: لا حول ولا قوة إلا بالله

Xadiiska koowaad macnihiisa waxa ka mid ah in qofka la yimaada mid-kasta uu heli doono in loo qori doono labadan xasano lagana dhaafi doono labatan gef , marka lags reebo ALHAMDULILAH oo iyadu soddon ajar loogu qori doono , soddon dembina lagaga dhaafi doono.

Xadiiska labaad si kooban hadaynu u sheegno Rasuulku SCW wuxuu yidhi gaashaankiina qaata . Markaasay moodeen asxaabtii in cadaw soo weerarayo . Dabadeeto waxa uu ugu jawaabay ‘maye waxaan u jeedaa la yimaadaan kelmadahan wxay idinka badbaadin naar…

Xadiiska saddexxad nabigu SCW waxa uu baray saxaabigaas kelmadaas oo uu ku yidhi waa fure ka mid ah furayaasha jannada.

Ducada

Acmaasha ugu wanaagsan ee ALLE ugu jecel yahay waxa ka mid ah ducada. Sidoo kale fadliga ku soo arooray ee ah in la aqbalo ducada qofka sooman iyo fadliyada kale ee ay leedahay ducadu waxa uu ka dhigayaa camalkan mid aan la ilaabi karin. Ducooyinka aynu la iman karno waxa ka mid noqon kara inaynu ALLE weydiisano inuu soomka inaga aqbalo , naartana inaga xoreeyo.

ALLE OO DEMBI-DHAAF LA WEYDIISTO.

Waxa dhici karta in wakhtiyada aynu soomka ku jirno ay inaga dhacaan dembiyo ama khalado kala duwan. Sidoo kale marka aynu camal la nimaadno waxa dhici karta in aynaa sidii la rabay ula iman . Sidaas darteed camalkani waa mid aan laga maarmi karin bishan iyo xiili kasta.
Waxa ka dhaxeeya xidhiidh weydii-sashada dembi-dhaafka ALLE , , ciwaankii dulqaadka , iyo qodobka mahadnaqa. Ugu horeyn xidhiidkha ka dhaxeeya dembi-dhaafka iyo mahadnaqu waxa uu noqon karaa:
In ALLE uu u dhaafo adoomadiisa dembiyada markay tawbad keenaan ee ay isaga u soo noqdaan , Wuxuuna ka abaaliyaa adeecista ay adeecaan , sidoo kalena waxa uu ka dhaafaa ka gaabista ay ka gaabiyaan u mahadnaqiisa. (AL SHURAA 23)

Dhinaca kale xidhiidhka ka dhaxeeya dulqaadka iyo in ALLE dembi-dhaaf la weydiisto waxa uu noqon karaa:
ALLE waxa uu arkaa adoomihiisa oo beeninaya , amarkiisana ka leexanaya , markaasu haddana u dulqaata , isaga oo kara inuu ciqaabo ayuu haddana ka dib-dhigaa ciqaab-tiisa. Sidoo kale waxa asturaa oo aanu soo bandhigin ceebaha iyo dembiyada adoomihiisa , waana uu u dembi-dhaafa. (FAADIR 41)

Casharada aynu ka baran karno saddexdan magac ee aynu ku cibaadaysan karo waxa ka mid ah :
 In Maadama uu ALLE qofka u mahadnaqo marka uu camal wanaagsan la yimaado. Mahadnaqaas oo ay ka mid tahay inuu ka raali-noqdo, wanaagna ugu siyaadiyo. Sidaas darteed inaguna qofka wanaag inuu sameeya waa inaynu u mahadnaqna.

 ALLE qofka ka gaabiya u mahad-naqiisa waa uu ka dhaafaa gaabin-taas. Sidaas awgeed qofka qof inta aynu wanaag u samaynay haddana inoo abaal-gudi waayay , ama sidii ku haboonayd inoogu abaal-gudbi waaya . Waa inaynu iska cafino oo aynaa ku daba socon abaal-gudkaas.

 In ALLE dadka ka gaabiya adeecistiisa , gaalooba , ama dembiyada ku dhaca , waxa uu kaga jawaabaa ficila-doodas dulqad iyo in uu ka ilaaliyo , ama aanu ku soo dede-jin cadhadiisa iyo ciqaabkiisa. Sidaas darteed waa in aynu qofka inagu xad-gudba kaga jawaabno xad-gudubkiisa dulqaad , cadho qarin iyo in aynaa ka aar-goosan oo deedna banaanka soo dhigin ceebihiisa iyo khaladaadkiisa , balse aynu cafino oo aynu iska saamaxno.

Waxaynu ku soo koobaynaa qodobkan in markasta aynu xasuusnaano kuna dedaalno la imaanshaha afartan camal ee kooban. Faa’idada aynu ka helayno qodobkan ayaa ah waxa ka Mid ah inay inaga ilaalinayso waxa la yidhaahdo mooga-naanta.
الغفله)

7.IS-XISAABIN
Su’aalaha ka iman kara qodobkan ee aynu is-weydiin karno waxa ka mid ah :

Ciwaanka 1aad

 Imisa jeer ayaa ii qorsheysan inaan khatimo Quraanka Ramadan-tan?
 Maanta imisa juz ayaan akhriyay ? Ama sidii aan qorsheystay ma ku socdaa?

Ciwaanka 2aad
 Wakhtiyadan hawlahaygii aduunyo ku jiray ma xasuustay Saliga iyo shantan kelmadood?
 Xilliyada kala duwan sida marka aan meel u socdo sida masjidka wadada ma ku sii maray adkaartan ALLE ugu jecel yahay Quraanka ka dib ? IWM

Ciwaanka 3aad
 Sidee ayay ahayd ducadaydu maanta ? Ma la yimaaday ducooyin salaada dhexdeeda iyo wakhtiyada kale-ba?
 Maadama oo ducada qofka sooman la aqbalo , walaalahayga muslimka ah ma u duceeyay? Waa muhiim inuu qofku u duceeyo walaalihiisa muslimka ah meel-kasta oo ay joogaan sida ay samayn jireen AMBIYADU ( tusaale Nuux iyo Ibrahim )

Ciwaanka 4aad
 Dembiyadii iga dhacay ama gaabis-kii ku yimi camaladaan la yimi ALLE dembi- dhaaf ma ka dalbaday?
 Ummadda Muslimka-ah ALLE dembi-dhaaf ma u weydiiyay?

Xidhmada maqaalka Waxaynu ku soo koobaynaa in ALLE laga baryo in dagaalada iyo dhibta uu ka qaboojiyo dhamman Muslimka bishan barakaysan.

FG
Maqaalkani waa u dheeraa . Wakhtiga oo kooban dartii iyo macnaha qodobadan oo balaadhan awgood . Cidii dhamaysatay aad baan ugu mahadnaqaya.

La socda qeybta 5aad.
اسماء الله الحسنى جلالها و لطائفها وثمراتها.
http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=137864

https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso