Han yaraan baa hoday
Bashe Cabdi Yuusuf
RAGBAA SEDKUU XAMAR KA DEYAY, SABABI DOONAAYE
KUWAA SOORTU NAGA QAADATAA, SEEFTA LOO TUMI E
NINKAA OO SAWAABANI HADDUU, SEEGAY ERAYGIISA
UU MOORGAN GACAN SIINAYOO, CADOW SALAAMAAYO
Cabdi wali A.Cilmi(IHUN)
Mareegta Farshaxan
May 2018
Dadaalkii iyo kartidii wax lagu baray ayey dayaceen;Waxay ku gabood faleen nabbadii loo dhaliyey in iyaga wax noqdaan; dadkii u dhintay ama u naafoobey inay iyagu liibaanaan ayey ku gafeen; waa dhalinyarana la odhan kari maayo,haddana caqligoodu muu korin; sooyaalka halgameed ee dalkooda maalgashadey ayey dhinac mareen;waa ayaandaro ku habsatey dhalinyarada u dhaxeysa 25jir ilaa 35 jir. Hase yeeshee Soomaalilandmaanta waxaymareysaa hangaraarac lug uma dhuntiyo,waana Illaahay mahadii..
Gu’gii 1991kii bishii May 18dii ayaa bulshada wada degto wadanka Soomaaliland go’aan midaysan ku gaadheen in Maandeeq dib loola soo noqdo. Waxaa dib loo soo celiyey taariikhdii 1960kii. Waxaa soo baxey labadii dal ee xilligaa jiray waa Soomaaliland iyo Soomaaliya ee.
Dadaal iyo halgan muddo dheer soo socday oo ka soo bilaabmey dhawr bilood ka dib isku darsadkii ayaa suurtogaliyey in Soomaaliland dib goonigeed isku taagto. Dad faro badan ayaa naf, laxaad,hanti iyo aayaba ku seegay si ay u suurtogasho in Maandeeq la guryo keeno, oo midawgii dhiciska ahaa waliba sharci darada ahaa laga baxo.
Dhiiga waxa loo daadiyey ee hantida loo sadqeeyey si ay jiilka danbe Maandeeq ugu caano badiso. Waxay aheyd talo wanaagsan oo loo hawlgaley. Laguma khasaarin ee jiilkii danbe ee Soomaaliland u kacey waxay heleen waxbarasho aaney u baqoolin, nabadgalyo waafi ah, bulsho degan oo iyaga u wada heelan.
“Waxaan sameeyey jaamicad wax lagu barto oo dhakhtarka ku xidhan si lo helo in dalka iyo dadka loo tababaro dhalinyaro xilka caafimaadka gudata, bulshadana daryeesha” ayey tidhi Marwo Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ka hadleysay sida wax badan loogu fududaynayo dhalinyarada si ay aayaha dalka iyo dadka wax ugu qabtaan. Hase yeeshee Marwo Dr. Edna oo hadalka sii wada ayaa tidhi “Waase lagu hungoobey oo intooda badan han durugsan ma laha ee hunguri dhaw baa hagaya oo private-yada ayey u shaqo tagaan marjay ugu dhaw yihiin”.
Waa weedh aad iyo aad u xoogan oo qof in uun dareen leh dib u xasuusinaysa halgankii dheeraa ee loo soo maray dib u hanashada Dalka Soomaaliland.
Maahmaah carbeed baa tidhaahda “Weel walba waxaa ka soo daata waxa ku guda jira”. Qof kastaba waxaa ka soo ifbaxa inta u aasan ama uu dareen ahaan ku qanacsan yahay. Taasaana hagta hankiisa uu hiigsanayo. Aqoonta qofku leeyahay haddii aaney tusin wanaaga wuxuu ka dhigan yahay dameer lagu raray malab. Sidaa darteed ayaad arkeysaa dhalinyaro iyo waayeel hankoodu wiiqmo markay dareenkooda qarsoon waraabin kari waayaan. Dhawr gudoomiye Urur Siyaasadeed oo Soomaaliland u tartamey xisbinimo kuna doodayey in ay Soomaliland ku hagayaan dariiqa toosan ayaa Illaahay muujiyey dareenkooda hoose ee colaadu ka buuxdo. Waxaa ka mid ah kuwaa Maxamed Cumar Carte Qaalib ( Urur Siyaasadeedkii Damal), Foosiya Yuusuf X Aadan ( Urur Siyaasadeedkii NDB) iyo Nuur Faarax Xirsi ( Urur Siyaasadeedkii Gurmad) .
Waxay ku ololeeyeen oo ku dhaarteen inay mabda’a Soomaalilandnimada haystaan una hanweyn yihiin inay madax ka noqdaan dalka Jamhuuriyada Soomaaliland,ururkooduna ka mid noqdo saddexda xisbi ee doorashada 2012 ku soo baxaya.
Guddida Diwaangalinta Ururada ayaa waxay ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee tartamaya la wadaageen in uu Xisbinimo u gudbi doono oo kaliya Saddexda Urur/xisbi ee 6-da Gobol ee Soomaaliland midkasta ka hela Codod gaadhaya 20%, ayna sidaas ku noqon doonaan saddex Xisbi Qaran.
Si kastaba ha u dhacdee waxaa xilligaa tartarnkaa ka qayb galay ilaa 13 urur iyo saddex xisbi hore u ahaa. Waxaa soo baxey oo kaliya saddex xisbi qaran oo kala ahaa : KULMIYE, WADANI iyo UCID. Waxaana doorashadaa ku hadhey ururada siyaasadeed ee Nasiye, Dalsan, Rays, Xaqsoor , Umadda ,Damal,Horyaal,NDB,Badbaado, UDHIS,Gurmad, SSCD iyo Jamhuuriga, Hase yeeshee dhamaan ururadaa hadhey tiro kooban ayaa gudoomiyayaashooda ay u dahsoonayd dareen ka soo horjeeda hanaqaadka dalka iyo dadka Soomaaliland.
Dareenkaasi qarsooni muu raaginee isla gu’gii 2012kii ayuu soo shaac baxey, waxaanay ka dhex hilaaceen magaalada Muuqdisho oo ay xilal ka raadinayeen dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Ma jirto meel ay kaga noqdeen mabda’ii hore ee ay haysteen , hase yeeshe mabda’an u dahsoonaa ayaa muujinaya inay si toos ah uga hor yimaadeen qaranimada wadanka Jamhuuriyada Soomaliland.
Inkastoo looga horeeyey kooxdan cusub muujinta dareenkooda qarsoon. Haddana waxay horseedeen in ay dhalinyaro badan duufsadaan oo u gacan haadiyaan. Arimaha sidan oo kali ahi waa guul u soo hoyatey dalka iyo dadka reer Soomaaliland. Illaahay wuxuu ka nadiifinayaa kuwa dantooda gaarka ah u heelan ee u dhex jooga ummada, markay waayaana dalka iyo dadka baaba’iisa ka shaqeyn lahaa.
May 29, 2018 ayaa magaalada Muuqdisho lagu dhaariyey Bashe Axmed Yuusuf. Waxaana loo dhaariyey inuu noqdo gudoomiyaha Maxkamada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Wuxuu Bashe u arkey arintan guul u soo hoyatey, waxaa dusha soo marey hankiisa wixii hagayey. Bashe wuxuu ka mid yahay dhalinayarada wax ku baratey dalka Jamhuuriyada Soomaaliland. Sidoo kale wuxuu ka mid yahay dhalinayarada xilal xukuumadeed iyo xisbiyeedba ka soo qabtey dalka Soomaliland.
Xilalka qaran ee uu soo qabtey intii uu joogay dalkiisa uu ka biyo-doorsadey waxaa ka mid ahaa: inuu noqday Agaasimihii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland,Agaasimihii Hore ee Wasaarada Arimaha Bulshada Somaliland iyo Madaxa Maamulka Xafiiska Xisbiga Wadani ee Hargeysa.
Cabdiqaadir Saalax Iidle oo ah xoghayaha gaarka ah ee gudoomiyaha xisbiga Wadani ayaa mar laga wareystay dhacdan si qurux badan oo waayeelnimo ah ugu jawaabey:
“Bashe wuxuu ahaa nin aqoonyahan oo reer Soomaaliland ah oo xisbiyada qaranka iyo Soomaalilandba ka soo shaqeeyey, labadii sanno ee ugu danbeeyey Xisbiga Wadani ayuu ka tirsanaa. Laakiin laba bilood ka hor ayuu iscasilay, waxaana iscasilaadisa laga aqbalay bishii April (2018). Intaa ka horna xisbiga Kulmiye ayuu ka tirsanaan jiray iyo maamulkii xukuumadii hore ee Kulmiye oo uu agaasime ka gaadhey”.
Intaasoo dhani waxay muujinayaan inuu Bashe Axmed Yuusuf u heelanaa himilada iyo horumarka dalka Jamhuuriyada Soomaaliland. Waa ayaandaro hor leh iyo aafo ku dhacdey dhalinyarada dalal badan oo aduunka ka mid ah. Saameynta ugu weyna ay ku leedahay dhalinyaradan oo ka indho iyo dhago la’ sooyaalka halgameed ee dalalka ay u dhasheen,ku barbaareen, wax ku barteen,iwm.
Waxaa Ayaandaro weyn ah in uu Bashe Axmed Yuusuf ku dhaarinayo Shariif Sheekhuna Maye. Aqoon la,aan baa col hoday, gu’gii 1982kii bishii Febraayo 20dii ayaa waxaa maxkamadii dulmiga ku dhisnayd ee Dawladii ina Siyaad Bare la hor keenay dhalinyaradii UFFO. Dhalinyaradani waxay ka dhiidhiyeen tayo la’aanta ku dhacdey waxbarashadii, nabadgalyadii, caafimaadkii,iwm ee dalka iminka ah Jamhuuriyada Soomaaliland.
Waxaa markaa loo xilsaarey inuu baadhitaan ku sameeyo kiisaska la soo malmaluuqay ee loo haystay dhalinyaradan.Waxaase ka sii daran inuu isagoo danbi baadhe ka ahaa kiisaskan haddana loo adeegsadey inuu noqdo Hogaanka Maxkamad ku sheega. Garyaqaaadii u doodayey dhalinyaradaa ayaa arintaa ka biyo-diiday kuna dooday side buu u dacwada u qaadi karaa kii kiisaska baadhayey.Haddana iyagoo aad ula socday inaan dalka sharci jirin, iyo isaga oo ka soo jeeday qabiilka Digile iyo Mirifle ayey ku dhaafeen in ku kaloo buur ku tiirsan la keeni karo. Sidoo kale waxay aaminsanaayeen in aanu Shariif Sheekhunaa Maye waxba xukumeyn ee akhriyayo go’aan Muuqdiso laga soo diray.
In Shariif Sheekhunaa Maye loo doorto ninka dhaarinaya Bashe Axmed Yuusuf waa fariin aan gabasho laheyn oo cadawtinimo banaanyaal ahi ku ladhan tahay. Dhamaan kuwa u dhashay wadanka Jamhuuriyada Soomaaliland ee calooshu ka fekera caqliguna awdan yahay ayey fariintaasi leedahay:“Kuwii gumaadkaaga ka qayb qaatey ayaa wali u heelan inay labeentaada hantaaqaan”.
Shariif Sheekhuna Maye wuxuu dhawaan u tartamey inuu noqdo gudoomiyaha golaha shacbiga ee Dawlada Federaalka Soomaaliya. Hase yeeshee waxaa ka dahsoon inuu yahay camiil loo dhiibo uun xilka la doonayo aanuse helin xilka uu u qalmo. Qabiilka uu ka soo jeedo Shariif Sheekhuna ee Digile iyo Mirifle waxay diidmo cad ka muujiyeen xisbigii SYL horaantii 1948 markay arkeen in la adeegsanayo . Sidaa darteed ayey gu’gii 1950 si toos ah uga baxeen ugana soo horjeesteen lana baxeen Xisbiga Digile iyo Mirifle oo uu hogaamiyena ka noqday Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Soobe). Shariif Sheekhuna wuxuu ka mid yahay koox uu qaranka Soomaaliland ku raadjoogo si maxkamad loo soo taago,waxaan kuwaa ka mid ah: Dad qalki Hargeysa (Moorgan), iwm.
Haddaba maxaa la kala gudboon dhacdooyinka sidan oo kale ah ummada iyo xukuumada reer Soomaaliland? Waydiintan in la falqeeyo oo aad looga baaraandego ayaa haboon. Waxaase malaha mudnaan laheyd :
- In Xukuumadu la timaado qorshe ay hirgalintiisa aad uga fiirsato una heelan tahay oo aan aheyn xadhig.Waxaa qurux badnaan laheyd in madaarada iyo xuduudaha la dhigo magacda qaran dumiyayaasha oo aan loo ogolaan inay soo galaan.Qorshe kasta oo ay dawladu la timaado waa inuu ahaado hawlgal loo siman yahay oo qof kasta oo danigan oo kale ka gala qaranku lagu fulinayo,waanwaan la’aan.
- In dadeynaha reer Soomalialnd si buuxda u taageeraan go’aanka iyo qorshaha dawlada, aaneyna la iman wax waanwaan ah.
Waxaan ku soo gunaadnadi lahaa Soomaaliland socotee.
Calankaan dhadhaabaha u koray,dhib iyo haydaarta
Calankaan la dhaygagay wixii,dhiilla igu gaadhay
Calankaan dhaqaalaha naftiyo,dhuuni uga giigay
Dhalanteed ninkii moodayow,waan ka dhiidhiyaye
Dhagarteenna kala daa adoo, nabadda dhawrayoo
Abwaan Xasan Cilmi Diiriye (IHUN),,
Bahda Mareegaha Farshaxan