Tacsi: Anaga oo Ku Hadlayna Magaca Maamulka iyo Ka Dhamaan Shaqalaha Shabakada Togaherer Waxaan Tacsi U diraynaa Eheladii Marxuun Cabdiqaadir Kaarshe Faarax Oo Maanta ku Geeriyooday Hargaysa

Anaga oo Ah Hormoodka Golaha Tafatirka Warbaahinta Togaherer Anaga oo Ku Hadlaayna Magacayaga iyo Hawlwadeenada Warbaahinta Togaherer Waxanu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Dadka Afka Somaliga ku hadla Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Marxuun Cabdiqaadir Kaarshe Faarax Oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa Laguna Aasi Doono Haleeya oo ah Duleedka Magaalada Hargaysa.


Dhamaan Waxaanu ka tacsiyeynayaa Eheladiisii, Aqaariibtii Iyo Caruurtuu ka tagay Marxuum Cabdiqaadir Kaarshe Faarax. Waxaan Si Gaara uga tacsiyeynayaa Guud ahaan Reer Kaarshe Faarax Gaar ahaa Dhamaan ilma Cadiqaadir iyo hooyadood Cibaado. Waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan Alleh ha idinaga Wada Siiyo Marxuumka Sidoo kale Waxaan Allaheena wayn Uga Baryeynaa in uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo Marxuunka Dambigisana alleh uu dhaafo.

Marxuun Cabdiqaadir Kaarshe Faarax  Waxaa uu Ka mid ahaa Odayaasha Gobolka Maroodijeex Gaar ahaa Magaalada Caasimada Ah Ee Hargaysa Oo Uu oday ka ahaa. Marxmuunka Waxa uu ahaa Ehlu Cibaad Waxaanu ahaa Ruux  la saaxiib Ah Da´a kasta  taas oo ku tusaysaa Shaqsiyadiisa oo ay adag tahay in laga helo odayaasha hadeer ama ay ku yartahay. Waxaan ku xusuustaa Cabdiqaadir AHN Waxa uu ahaa ruux waji furan oo Kaftan badan Dhiiri Galin badan marka loo eego Dhalyarada oo uu si tuus ah ula saaxiib ahaa taas oo u sahlaysay in uu Wiilka ama gabadha da´ada yar oo si fudud u ogaan karo waxa uu ku kacaayo si uu u toosiyo hadii uu toosan yahayna si uu u dhiiri galiyo.

AHN Marxuun Cabdiqaadir Kaarshe Faarax Waxa uu ahaa Dhaliyaradii bilawday Bilawday Ololihii Dib u dhiska Dalka gaar ahaa magaalada Hargaysa. Sida uu noo sheegay Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xaaji oo ka mid ahaa Dhalinayardii uu ku tabcay Marxuumku.

Sidoo kale waxa uu aha Maxuumku  Maamule sare ka gaadhay Ururkii Dhaliyada Ee gobolka Gaar ahaa Qaybta Dhalinyarada, Qaybta Maamulka Dugsiga ee Doodaha lagu diyaariyo.

Dhaliyaradii uu soo saaray waxaa ka mid ah aa Wariyayaasha ugu waaweyn hadeer Wariye Daahir ismaaciil Xaaji Aadan  iyo Axmed Kilaas Jaamac isagoo sababna u ahaa in Shaqada radio Hargaysa la qoro si ay tababar ugu galaan kuna soo baxaan mihnadodii.

Marxuumku Waxa sidoo kale uu ahaa Nin baayac mushtar ah . Caaqil Cabdiraxmaan Xasan ayaa naga caawiyey helitaanka Taariikhda marxuumka oo aad u kooban.

Ilaahay waxaan uga baryeynaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo Dambigiisana alleh uu dhaafo, qabrigana alleh uu u waasiciyo. Sido kale waxaa eheladii, Qaraabadii , Somaliland oo dhan aan ilaahay uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo. Qoyskii uu ka geeriyoodayna cawil Khayr Qaba alleh ugu badalo.

Amiin Amiin Amiin Amiin
“INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN”

“KULLU NAFSUL DAAIQATUL MAWT

Warqabadka Togaherer
Oslo/Norway.

Advertisement

Ku Xayeysiiso