Washington oo ugu baaqday Tehran in ay si deg deg ah u joojiso dhamaan dhaqdhaqaaqyada nukliyeerka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku celisay in Iran ay joojiso howlaheeda nukliyeer-ka ka dib markii ay Tehran ku dhawaaqday qorshaheedii lagu kordhin lahaa awoodda kobcinta uranium-ka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Heather Naort, ayaa shaaca ka qaaday shir jaraa’id oo uu ku sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo inuu ahaa mid waadax ah khudbadiisa ku saabsan Iran bishii May, ka dib markii madaxweynaha Donald Trump uu go’aansaday inuu ka laabto Maraykanku heshiiskii nukliyarka Iran. Si loo joojiyo kobcinta uranium-ka .

Waxayna intaa ku dartay “Iran waa inaysan awoodin inay soo saarto hub-ka nukliyeer-ka.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso