Dennis Rodman oo u duulaya Singapore si uu u bixiyo caawimaad kulanka Trump iyo Kim!

Xiddigii hore ee kubbadda kolayga Mareykanka Dennis Rodman ayaa qorsheynaya inuu booqdo Singapore intii lagu jiro shirka ama kulanka Maraykanka-North Korea ee dhexmaray madaxweynaha Trump iyo hogaamiyaha Kim Jong-un.

Wargeyska New York Post ayaa sheegay in Rodman uu aaminsan yahay in uu ku caawin karo wada xaajoodka,wada hadalada saaxiibkiisa Kim Jong Un iyo Madaxweynaha Donald Trump.

Xiddiga kubadda kolayga Mareykanka ee Dennis Rodman, oo booqday Pyongyang dhowr jeer, ayaa tagi doona Singapore June 11.

“Inta badan marka ay timaaddo dibloomaasiyad adag, wadamadu waxay door bidaan in ay isticmaalaan danjirayaasha kalsoonida, haddii aad jeceshahay iyo haddii kaleba, Dennis Rodman waxa uu u qalmaa shaqadan,” ayaa ay ka yidhaahdeen daneeyayaasha Kulankani.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso