Kutlada La yidhaa “Dhamaanteen” ee ku jira Knesset-ka Israel hoggaamisana Wasiirka Maaliyadda Moshe Kahlon, ayaa xaqiijiyay in ay ka shaqeynayaan qorshe ballaadhan si kor loogu qaado tirada dadka deegamaynta degaannada Golan Heights si ay u gaadhaan 100,000 10 sano ee soo socda.
Wasiir kuxigeenka Israel Michael Oren oo ka tirsan Kooxda “Dhamaanteen”, ayaa isna geestiisa ka sheegay in baahi loo qabo in kor loo qaado tirada dadka Israel ee deegaanadaas sababtoo ah sii socoshada dhibaatada Suuriya iyo xoojinta joogitaanka Iiraan ee u dhow xuduudda Israel ee koonfurta Suuriya.
Oren, oo loo arko inuu yahay kuwa ugu weyn ee qorshahan wata, ayaa sheegay in Israel ay xakamaysay haysashada dhulkan in ka badan 50 sano ayna qayb muhiim ah ka tahay Dawlada Israa’iil, isagoo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la horumariyo gobolka.
Waxa uu tilmaamay in dadweynaha Israa’iil ee xiligan degan dhulkaasi yihiin “22,000 oo qof”, isaga oo intaa ku daray in baahi loo qabo in kor loo qaado ammaanka marka la eego Iran oo dooneysa in ay dejiso awoodeeda militari Suuriya iyo inay Golan u rogto wajiga cusub ee iska hor imaadka Israel.
Warqabadka ToggaHerer