Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in doorashooyinka baarlamaanka Ciraaq oo ay ku guuleysteen Kutlada wadaadka shiiciga ah ee Moqtada al-Sadr ay dhirbaaxo ku tahay Iran taas oo muujinaysa saamayntii ay ku lahayd Iraan Dalka Ciraaq uu dib u dac ku yimid.
Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada Imaaraatka Anwar Qarqaash ayaa sheegay in natiijada doorashada ay muujinayso in caalamka carabtu ay ka fogaanayaan dhibaatooyinka ay ku hayaan kooxha Daa`ifooyinku , Qarqaash ayaa sidoo kale ku baaqay taageeridda aasaasidda Xarunta Carabta.
“Inta badan hadalada ka imanaya Ciraaq waxay si xoog leh uga soo horjeedaan saamaynta Iran ee dalka, waxayna muujineysaa in ciraaqiyiinta ay awood u leeyihiin in ay ka gudbaan kala qaybsanaanta qaybaha,” ayuu yidhi Qarqaash.
Warqabadka ToggaHerer