Guud ahaan dugsiyada Somaliland ee madaniga ah ama dowliga ah ayaa gaadhaya 1284 dugsi oo isugu jira Hoose/ Dhexe iyo Sare. Tirada guud ee ardayda wax ka barata dugsiyadaasi waa 400,000 kun oo arday. Tirada macalimiinta wax ka dhigta dugsiyadaa dawliga ah ayaa gaadhaya 10,000, taas oo 6640 macalin oo ka mid ahi ay pay role ka mushaharka ku jiraan inta kalena ay dabeysha afka u dhigtaan ama ay ka sugaan mushaharkooda Hayado, qurbe joog ama ardayda wax ay baraan lacag yar looga ururiyo si ay mushahar uga dhigtaan, kuwaas oo aan helin macalimiintaasi bil walba mushahar sugan oo ay ku xisaabtami karaan bil kasta. Arintani waxay keentay in macalimiintu niyad jabaan oo ay hoos udhacdo tayadii waxbrasho, kalsoonidii, qiimihii iyo karaamadii uu macalinku dalka ku lahaan jiray.
In kasta oo Miisaaniyada Wasaaradda Waxbarashada ay Xukuumadihii kala danbeeyey gaadhsiiyeeen ilaa $14 .5 Million sanadkiiba,hadana waxaa jira dhibaatooyin fara badan oo ku gedaaman bahda waxbarashada Somaliland gaar ahaan macalimiinta dhamaan dugsiyada Hoose /Dhexe iyo Sare ee dawliga ah. Dhibaatooyinkaa waxaa ka mid ah:
1-Tayadii waxbarashada oo aad u liidata gaar ahaan dugsiyada Tuulooyinka iyo Degmooyinka qaarkood sida kuwa xeebaha dalka.
2- Dugsiyada Hoose /Dhexe oo aqoontii macalinka iyo tii ardaygu isa soo gaadheen taas oo tayadii tacliinta fashilisay
3- Badanka macalimiintu tayo ma laha,mana helaan mushahar ku filan,mushaharkii macalimiinta wuxuu aad uga yaraaday mushaharka Jaariyadaha xaafadaha taa soo macalimiintii aad u niyad jebisay.
4- Hayadihii dugsiyada qaarkood xaga mushaharka ka caawin jiray oo wada shaqeyntii iyo gunooyinkiiba joojiyey sida Hayada “Global Partnership for education, Well Fisher iyo Grand/Sea “.
5- Nasiib daro tacliinta JSL qawaaniinteedii lagu hagi lahaa laguna maamuli lahaa ma shaqeeyaan (there is no active education policy )
6- Waxaa iyana tiro ahaan isa soo gaadhaya tirada Jaamacadaha faraha badan ee caasimada ku yaala iyo tirada dugsiyada sare ee Caasimada ,taasina waa rikood cusub oo JSL jebisay. Tusaale ahaan Hargeisa waxaa ku yaala 38 jaamacadood oo aan qorshe qaran ku iman iyo 45 Dugsi sare oo dawli iyo madani isugu jira.
7-Wasaaradu ma laha hab dhameystiran oo lagu qiimeeyo waxbarashada dugsiyada dalka oo dhan ( there is no comprehensive quality insurance)
8- Bay’ada waxbarashada ee dugsiyada badankooda oo aad u liita taas oo aanay dugsiyadu wada laheyn biyo nadiif ah oo joogto ah iyo leydh joogto ah , waxaa iyana laga dayrinayaa nadaafadxumo xaga sanitation ka oo dugsiyadoo dhan ah.
9-Waxaa dugsiyada badankooda ka jira dhameyn la’aan manhaj ( Curriculum gap ) taasoo ardeydu aaney duruusta ku dhameyn waqtigii loogu talo galay macalin xumo iyo maamulxumo awgeed.
10- Dhamaan agabka waxbarashada sida buugaagta, cumbuyuutarada, laybareeriyada, sheybaarada, sabuuradaha iyo tamaashiirta oo aad u kooban taas oo baahi weyn loo qabo markasta.
11- Degmooyinka iyo Tuulooyinka qaarkood ardeyda silsilada waxbarashadu ayaa ka kala go’da duruufo dhaqaale iyo maareyn la’aan iyo talo xumaan awgeed.
12- Nasiibdaro Waxaa dhamaan la raamsaday oo lunsaday dhulkii danta guud ahaa ee dugiyada lagu fidin lahaa ama laga dhisi lahaa dugsiyo casri ah taas oo ay Hayaduhu lacagtoodii hayaan laakiin dhulkii laga dhisi lahaa oo magaalooyinka dhexdooda ah la waayey.
13- Waxa laga shaqeysiin waayey Shuruucdii Waxbarasha JSL ee hore loo curiyey sida Somaliland Education Act 2007, Somaliland Education Policy 2005 iyo Somaliland Teachers Policy 2006.
Dhamaan qodobadaa faraha badan ee sare ku taxani waxay sababeen in uu musuq-maasuq baahsani dhuuxa ka qalo nidaamkii guud ee tacliinta JSL gaar ahaan Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee dalka oo dhan , Waxaa dugsiyada iyo Jaamacadaha Somaliland badankooda ka dhaca Musuq maasuqan hoose ee tirada badan:
1- in ardaydu ay grade iibsadaan oo lacag laaluush ah ku bixiyaan.
2- in ardayda lacag laga qaato oo sanad ama laba sanadood la boodsiiyo
3- in ardeygu uu laaluush bixiyo si shahaadada dusiga sare loogu fududeeyo isaga oo aan waxabarashada dhameysan.
4- In ardeyga lacag laga qaato oo imtixaankii uu geli lahaa la sii siiyo ama loo sii sheego
5- In ardeyga lacag laga qaato oo magaca laga bedelo oo fasal aanu gaadhin la fadhiisiyo
6- In ardeyga laga iibiyo saanadaha waxbarasho ee Hayaduhu billaashka ku bixiyaan
7- In ardeyga markuu dugsiga ama jaamacada is qoraayo lacag laaluush ah oo fadhiisin ah laga qaato
8- In macalinka lagu howlgeliyo laaluush ama sife isireysan isaga oo aan buuxin shuruudihii macalinnimo
9- In la aas-aasay dugsiyo private ah oo badan iyo Jaamacado aan ku iman qorshe qaran ku waas oo ay wax ku leeyihiin qaarkood kuwii
Masuuliyada waxbarashada qaranka hore loogu dhaariyey ee loo igmaday inay bud-dhigaan.
10 – In ardaygu uu laaluush bixiyo si uu Jaamacada isaga galo isaga oo aan soo dhameysan jaranjaradii waxbarasho.
11- in ardeyda qaar bixiyaan laaluush si loogu ogolaado in ay 3 sanadood ku dhameystaan waxbarashada dugsiga sare
12- In ardeydu bixiyaan laaluush si ay uga boodaan fasalka 8-aad ee dugisga dhexe oo ay toos ugu galaan Dugsiga sare.
.
Aqoontu waa ruuxiyaadka hogaamiya binu-adamka taas oo shaqsiga hayaanka horumarkiisa ku hagta kuna hanuunisa. Waxabarashadu waa xuquuq aas aasiya waxaanay kobcisaa oo balaadhisaa caqliga iyo karaamada shaqsiga, waxay qaabeysaa nolosha qofka, waxaana ay u horseedaa in qofku uu gaadho horumar iyo badhaadhe uu noloshiisa horumar ku gaadhsiiyo. Maanta Somaliland waxaa baaba’ay noloshii macalinka maadaama uu musharkii macalinku uu ka yaraaday mushaharka shaqaalaha guryaha nadiifiya taas oo macalinkii iyo maamulihiisiiba ku kaliftay in ay laaluush ardeyda ka qaataan si ay u noolaadaan.
Bulsho kastaa Baaba’eedu wuxuu ka bilaabmaa marka aqoonta la musuq maasaqo ee cilmiga laaluush la kala siisto ama la ciideeyo taas oo sababta in ummaddu ay caqliga iyo cilmiga ka maqaar siibato, Waana xaalada ay maanta Somaliland ku sugan tahay hadii aan laga gurman oo aan la dabo qaban sida ugu dhakhsaha badan.
Gunaanad: Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay ka shaqeysiiyo Qorshaha Shanta sanood ee waxbarashada JSL ( 2017 – 2021 ESSP ). Waxaana laga sugayaa in ay soo nooleyso xidhiidhkii wada shaqeyneed ee hayadihii la shaqeyn jiray Wasaarada Waxbarashada oo hada ka aamin ka baxay Wasaaradda waxbarashada una wareegay in ay la shaqeeyaan ururada bulshada kuwaas oo ka kabi jiray Macalimiinta dhinaca tababarada iyo gunada.Waxaana looga fadhiyaa Wasaaradda in ay dar dar geliso barnaamijkii dib utayeynta Waxbarashada iyo tababarada macalimiinta.
La soco qaybaha danbe ………….. !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Education Advisor ED PA
United Kingdom
London