Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Shacabka Hargeysa Qaar ka mid ah kala qayb-galay Salaadda Ciidul-fidriga

Hargeysa:15-06-2018(ToggaHerer)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa shacabka ku dhaqan garoonka kubadda cagta GANNAD ee degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa kala qayb-galay salaadda Ciidul-fidriga.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu salaadda kaddib kumannaan kamid ah shacabkii garoonka Gannad ku tukanayey u jeediyey khudbad ballaadhan oo uu ku hogo-tusaaleeyey wada-jirka iyo isku-tashiga ummadda, isaga oo shacabkanna Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii ay soo wadeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo shacabka ugu hambalyeynaya munaasibadda Ciidul-fidriga, ayaa waxa uu yidhi, “Dhammaanteen waxa farxad inoo ah inuu Ilaahay ina soo gaadhsiiyey maalintii barakaysnayd ee Ciidul-fidriga, innaga oo soo dhammaysannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan soo dhammmaysanay, soona gudanay waajibaadkii Ilaahay, ugu horrayna waxa aan hambalyo u dirayaa dhammaan shucuubta Islaamku meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacbiga reer Somaliland, waxana aan leeyahay Ilaahay ciiddan ciiddeedda Bash-bash iyo barwaaqo ha inagu gaadhsiiyo, camalladii wanaagsanaa ee aynu soo samaynnayna Ilaahay ha inaga aqbalo.”

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku ka hadlay daandaansiga ay Soomaaliya ka waddo xuduudaha Bari ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu sheegay inay Soomaaliya ku hawllan tahay sidii ay dabka gudaheeda ka baxaya ugu soo rari lahayd gudaha Somaliland, isaga oo shacabka reer Somaliland-na kula dardaarmay inay nabadda adkaystaan, “Dagaalka ay Soomaaliya maanta inagu waddaa waa dagaal xasad ah, warkooda way dhaqaaqeen oo meel bay gaadheene aynu lugta kaga xidhnaano, iyagu(Soomaaliya), lugta inaynu kaga xidhnaano oo aynu dhibaatada la qabno ayey jecel yihiin, innaguse taas ma jecline nabadgelyo ayeynu jecel nahay, ummadda reer Somaliland-na waxa aan leeyahay qiimaha nabaddu leedahay iyo wixii ina soo marayba waynu garanaynaaye aynu nabadda ku faro-adagyno oo waxa ina qaybinayo aynu ka tagno, waxa ina midaynayana aynu ka wada-shaqayno, qabyaaladda dagaal adag inaynu la galno ayeynu u baahannahay, xaqana inaynu isku taageerno ayeynu u baahannahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), waxa uu sidoo kale ka hadlay dhibaatada ka jirta deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxana uu shaaciyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay shaqaaqadaas dhawaan soo af-jaraan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Annagu habeenna kuma seexanno inaanu dadkayaga kala jeclaysanno ama soo kala dhaweysannee, waxanu jeelnahay inaanu sida ugu dhakhasaba badan u dhammayno hawsha Ceel-afweyn, shacabka reer Somaliland-na waxa loo baahan yahay inay hawshaas nagala qayb-galaan.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso