Goolaaftankii Gaas oo ku Dambeeyey inuu Gool-baadh u Adeegsado Shacabka Laascaanood
Faallo Cumar M. Faarax
Durbaanaddii colaadeed ee uu Cabdiweli Gaaska Puntland garacaayey wuxuu ka dhaxley cidhib la’aan aanu waxba ka taransan dagaalkii uu sannadkan oo kaliya labada jeer ku soo qaaday degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Taasina waxay sababtay in badan oo ka mid shacabka Puntland ay u arkaan inuu wiilashooda dabka u saarayo si uu balaayo xijaab uga dhigo kursiga madaxtinimo ee uu kalkii labaad u ordayo Bisha December 2018.
Ardaayo ka tirsan beelaha Garoowe, Boosaaso iyo qaybo ka mid ah Qardho, ayaa si feejigan ula socda ujeeddooyinka ka hooseeya inuu saacadihii u dambeeyey xil hayntiisa uu Mr. Gaas u hoggaamiyey Puntland dagaal aanay tahli karin cuud iyo ciidan ahaan oo aanu sii odorosin cawaaqibkiisa. Waxaana meesha ka baxay abaabulkii beeleed iyo hamigii loo hayey ciidan urursigii muusanowga ku salaysnaa ee Puntland ku dagaal gashay labadii dagaal ee u dambeeyey ee ka dhacay jiida Tukaraq.
Warar laga helay ilo millatari oo ku sugan Garoowe iyo Hargeysa ayaa si isku dhow iskugu waafaqay in ciidammada Puntland si weyn looga gacan sareeyey isla markaana loo muquuniyey taliskii ciidammada Puntland oo haatan aanay suurtogal ahayn inay duullaanno waaweyn ku soo beegsadaan ciidammada Somaliland.
Waxaa shaki la’aan jabkaas sii iftiimiyey tallaabadii 14kii bishan xilalkii lagaga xayuubiyey madaxii hay’adda sirdoonka PIA C/risaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) iyo Madaxii hay’adda amniga PSS C/laahi Aadan Maxamed (C/laalhi Ulle) oo wax laga saaray guul-darrada Garowe ka raacday weeraradii u dambeeyey ee dhex maray Somaliland oo lagu sifeyn karo “Nasiibkii hungoobay.”
Sidoo kale waxaa la soo weriyey in dadka siyaasadda axadha ee Puntland aaminsan yihiin in afartii sannadood ama 1,460kii maalmood uu isteerinka u hayey Cabdiweli Gaas ammaanka Puntland u muuqday mid sii dhaadhacaya, taasina ay fajiciso ka dhigayso siyaasada dalabta leh ee uu masraxa la soo galay C/Weli Gaas oo khibrad ciidan iyo mid amni labadaba lagaga habboon yahay.
Haddaba, iyadoo Gaas uu quus ka istaagay inaanu mar saddexaad miidaan toos ah kula diriri karin ciidammada soohdintooda ku sii jeeda ee Somaliland, waxay dantu ka maaran siin weyday inuu dagaalka u beddelo jiho kale oo uu u qoondeeyey inuu dul-dhigo dhaqaale badan.
Ashkhaasta saamaynta ku leh hoggaaminta Madaxweynaha Puntland waxay doorteen in maamulka Garoowe uu kiciyo isla markaana abaabulo haweenka iyo dhallinyarada Laascaanood, si uu u kasbado taageerada dadweynaha, waxaanay Puntland qorshaysay inay abaabusho mudaharaadyo rebashado wata oo da’yar la soo abaabulay ay hub kala hortagaan ciidammada G/Sool.
Qoddobka labaad ee Puntland isku raacday inay ku dagaal gashaa waxa weeye inay warbaahinta maamulkaas sida TV-yada, shabakadaha Internetka iyo saxaafada bulshada si maalinle ah uga faafiyaan dacaayado ka dhan ah Somaliland oo ay ku marin habaabinayaan dhegaha beesha caalamka, iyagoo dawladda Somaliland ku eedeynaya inay tacadi iyo barokicin ku hayso shacabka reer Laascaanood, inkastoo uu Puntland ka fashilmay wejigiisii hore ee iskudaygaas oo ay bilowday khamiistii la soo dhaafay.
Waxa kaloo qorshaysan inay dacaayado samays ah u alifaan masuuliyiinta goleyaasha Somaliland kaga jira gobolka Sool iyo Buuhoodle.
Qoddob kale oo guul-darro suuraynaya ayaa ahaa sidii labada madaxweyne ee Muuse Biixi iyo Cabdiweli Gaas uga hadleen munaasibadii ciida soonfureed oo uu midna nabad ku baaqay, ka kalena dhiilo colaadeed ummadda la soo hor istaagay.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu mandaqada ugu bushaareeyey in aanay diidaynin haddii nabad iyo in wadahadal lagu dayo khilaafka soohdimaha ee u dhexeeya Soomaaliya, halka Cabdiweli Gaas uu minbarkii salaadda ciidda la soo istaagay tawaawac qiiq isku qarin ah.
Ugu dambayn waxa talaabooyinkaasi muujinayaan tudhaale la’aanta maamulka Gaas oo u soo qaanshiirtay inuu dabka iskaga gooli-baadho haween iyo dhallinyaro iskuulleey ah, taasi oo Somaliland-na ay ciyaarayso xeeladii ay kaga gaashaaman lahayn wejiga cusub ee duullaanka Puntland oo ka qarmi weyday inay ku dhuumaalaysato shacabka.
Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com