TUKARAQ: Maaraynta is-maan-dhaafka oo la saadaalinayo
Humaagayn xiiso leh oo lagu sameeyay is-maan-dhaafka Tukaraq ee gacan-ka-hadalka keenay ayaa tu dhignaa sidan. Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay, Michael Keating ayaa Jabuuti Madaxweyneyaasha Soomaalida ee hoos ku taxan ugu qabtayuu shir fogaan-maqal ah (Teleconference)
- Maxamed C/Laahi (Farmaajo),
- Cabdiweli Gaas,
- Muuse Biixi Cabdi,
- Ismaaciil Cumar Geelle
- Cabdi Maxamed Cumar (Ina Ilay).
Dood kulul oo ay isku mari waayeen, ka dib waxaa la isla gartay xal muddooyinka dhaw iyo dheer loo kala qaybiyay (hoos ka akhri doodooda iyo qabyo-qoraalka xalka),.
DOODDII MADAXEYNEYAASHA SOOMAALIDA, IYO MICHEAL KEATING
Keating: dhamaantiin ka jawaaba su’aashan, “Maxaa keenay dagaalka Tukaraq, maxayse tahay muhiimadda adiga daabiyaddan kaaga jirtaa?
- Madaxweyne Farmaajo: Muhiimadda igaga jirtaa waxay tahay “dhiiga ummadda Soomaaliyeed ee ku daadanaya Tukaraq ayaa i dhibaya”, dhinaca ay doonaan ha ka soo jeedaane, waayo anigaa Madaxweyne u ah dhamaan ummadda Soomaaliyeed.
Keating ayaa ugu jawaabay: Waar Farmaajo, miyaanad Ilaahay ka yaabayn! Intuu uu is-maan-dhaafku ka taagnaa Tukaraq, dagaallo faraha lagaga gubtay ayaa ka dhacay Moqokori, Teed, Kulbiyow, Badhaadhe, iyo Galgala. Haddana, mar keliya maan maqal adigoo ka hadlay dagaaladdaas. Markaa inta aanad ka hadlin Somaliland iyo Puntland oo nabad ah (Marka laga reebo aaga Tukaraq iyo Galgalla), hadday Soomaalinimaddu run kaa tahay, Koonfurta ayaad hawsheeda ka shaqayn laahyd.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa oo aan hadalkii la siinin ayaa is-hayn waayay oo yidhi: WAARYAA FARMAAYO, WAADIGA LEH UMMADDA SOOMAALIYEED OO DHAN BAAN MADAXWEYNE U AHAY, Jabuuti miyay ku jirtaa Soomaalida aad Madaxweynaha u tahay!, Xamar baanad qaybo xukumine!.
- Madaxweyne Cabdiweli Gaas: Anigu waxaan difaacayaa MIDNIMADDA SOOMAALIYEED, tan labaadna dadka Sool barri, Sanaag barri, iyo Togdheer bari degen isku isir baanu nahay; oo reer Puntland. Keating oo yaaban ayaa ugu jawaabay: Waar Cabdiweli, waxaabad kala goynaysaa gobolka Sool, markaa midnimaddu aad u dagaalamaysaa oo tee?.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Cumar (Ina Ilay): oo aan hadalkii la siinin ayaa is-hayn waayay, oo khadka soo galay oo yidhi: Inaadeer Cabdiweli Gaasoow Ilaahay ka cabso, haddii aad isir u dagaalamayso, anigaad Itoobiya iga xorrayn laahyde, waayo kuwaa aad hadda sheegaysaa dhamaantood waa Soomaali. Tan kale, adiga adeerkaa laxmi ahi wuxuu degen yahay tuuladda Magacley oo Burtinle u jirta 7km, balse Itoobiya ka tirsan, isku isir ma tihidin miyaa?
- Madaxweyne Muuse Biixi: Anigu waxaan u dagaalamayaa inaan gaadho xuduuddii Ingiriisku noo jeexay ayay nimankani nagu haystaan ee nagala hadla. Waana isku hayb Farmaajo iyo Cabdiweli gaas oo hoostuu uga hiilinayaa ee rumaysan ilmaddiisa waa tii Yaxaaska (Crocodile’s tear). Keating ayaa ugu jawaabay: Waar Muusoow, haddii Somaliland ay meel walba la taagan tahay xuduudii Ingiriiska oo aydaan haynin “dan aad adduunka ka iibisaan oo la idinku aqoonsado“, anigaa Ingiriis ah oo hadda xuduud cusub idiin jeexaya, oo Tukaraq iyo Laas Caanood, iyo Buuhoodle waxaan raacinayaa Itoobiya. Waayo, 1954 waydinkuu ogolaaday markii ay dawladdii Ingiriisku Itoobiya raacaisay reserved area iyo Hawd plateau, oo maanta ay ka mid yihiin degmooyinka Jigjiga, Aw Barre, Lafo Ciise, Qabri Bayax, Xarshin, Awaare, Darroor, Gaasghaamo, iwm.
Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar oo aan hadalka la siinin ayaa khadka soo galay isagoo leh: horta Somaliland maadxdeedu miyaanay ogayn in Mijaahidiintii Daraawiisheed ee uu hogaaminayay halgamaagii waynee ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (Ilaahay ha u naaxriisto dhamaantood) inay 90% ka soo jeedeen goboladda Sool iyo Buuhoodle, oo ay gudabi weyni taalo iyaga iyo Ingiriiskan aad sanka ka marmarinaysaan. Waar caqli kale oo ay idinku raacaan keena. Tan kale, waadiga leh Farmaajo iyo Cabdiweli waa isku hayb oo way isu hiilinayaane, dee reer Sool iyo aniguba la hayb baanu nahay ee colaadda ha isku balaadhinin.
Dhinaca kale, markay Somaliland leedahay ma jiraan dad maato ah oo ka qaxay dagaalka Tukaraq, miyaanay la mid ahayd 1988kii, markii oo Cabdi Qaasin Salaad Xasan (Madaxweynihii hore ee Soomaaliya), oo wagaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, uu waraysigiisii BBC-da yidhi: Ma jiraan maato qaxday ee waa budhcaddii”. Hadaan gu’gga kordhaa, gabow mooyee ku tarin garaad, ileen wax ma dhaantid”..
- Cabdi Maxaamed Cumar (Ina Ilay): Aniga muhiimadda igaga jirtaa waxay tahay; waxaan ka baqayaa haddii muranka In Tukaraq la xallin waayo, waxaa suurogal ah inay Nabad-diidka iyo Argagixassu saldhigyo ka dhigtaan,
- Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle: Aniga muhiimadda igaga jirtaa waxay tahay, ummadda Soomaalidu ma kala maaranto, markaa iyagu dhexdooda ha dhamaystaan arrinta Tukaraq.
Keating: Waar Ismaaciiloow; haddii ay Soomaalidu dhexdooda heshiis gaadhayaan ilaa 9kii Abriil 1979, oo 40 gu’ laga joogo way ku guul daraysteene, ma caqli Tukaraq ka dhashay baa isu keenaya. Tan kale, waadiga yidhi ummadda Soomaalidu ma kala maarmi karto ee adigu miyaanad Soomaali ahayn, oo aanay ahayn inaad ku biirto Soomaalida aan kala maarmayn.
Madaxweyne Geelle oo cadhaysan ayaa igu jawaabay: Waryaa Keating, Jabuuti waa Franco Phone oo kuma jirto Soomaalidan Duulada ah, ee afka ka jeedi baan ku leeyahay, walaahi anigu waan aqaan inan yar oo cadaan ah oo arrimahayga ka bixi waayay sida loo galo.
- Keating: Somali presidents, thank you for your participation in this very interesting teleconference. Waxay u ila tahay inaynu saxeexno xalka hoos ku qoran, oo murankan lagu maarayn karo, mudadda dhaw iyo tan dheer
- XALKA MUDDADDA DHAW
In Tukaraq ama dhamaan gobolka Sool si ku-meel-gaadh ah loogu wareejiyo dawladda Itoobiya, iyadoo loo cuskanayo qodobadda soo socda,
Kow, waayo-aragnimada la dhaxlay labaatankii gu’ ee ina dhaafay, ayaa muujinaysa in markii loo maaro waayay Jubbaland, Koonfur Galbeed, Muqdisho, iyo waliba maamulka dekedda Berberaa in xal loo helay markii lagu wareejiyay Itoobiya, Ugaandha, Imaaraadka, iyo Kiiniya
Labba, Farmaajo, Muuse Biixi, Cabdiweli Gaas, Ismaaciil Cumar Geelle, Cabdi Maxaed Cumar, iyo Cal Khaliif Galaydh, waxay ka soo kala jeedaan deegaamadda Shilaabo, Xarshin, Galladi, Dirir Dhaba, Goday, iyo Saax Dheer; oo dhamaantood maanta ka tirsan Itoobiya; haddana way ku wada qanacsan yihiin, oo waaggii beryaba waxay leeyihiin Itoobiya ha noolaato; iyaguna waxa isku leeyihiin ha dhaco. Siddoo kalena,
Saddex: 1954 dawladdii Ingiriisku waxay Itoobiya ku wareejisay Hawd iyo reserved area, oo maanta ay ka mid yihiin degmooyinka Jigjiga, Aw Barre, Lafo Ciise, Qabri Bayax, Xarshin, Awaare, Darroor, Gaasghaamo, Baaladhaye, iyo Buuhoodle qayb ka mid ah oo dhamaantood Itoobiya ka tirsan, isla markaanu aanu jirin is-maan-dhaaf iyo dagaal ka jira oo maatada qaxiya.
Afar: ma jirto dhibaato ka taagan dhulka Soomaalida ee Kiiniya lagu wareejiyay 1964
- XALKA MUDDADA FOG
Waxay beesha caalamku ka fekeri doontaa, saddex arrimood kii suurogal
Kow, in shantii gobol ee Soomaalida loo qaybiyay 1884, mid walba loo aqoonsado dal gaar ah, ka dib marka lagala tashado Itoobiya iyo Kiiniya.
Labba, in shantaa gobol la mideeyo oo laga dhig dal baaxaddiisu tahay 2,000,000 km laba jibaaran; dadkiisu aanu ka yarayn 30,000,000 (Soddon milyan oo qof); ka dib marka lagala tashado Itoobiya iyo Kiiniya
Saddex: in la midooyo dalalka Itoobiya, Kiiniya,Djibuuti, iyo dhamaan dhulka Soomaalida oo loo bixiyo Horm of African Democratic Republic; si loolanka siyaasaddu uu uu uga dhaxeeyo, Soomaali, Oromo, Amxaaro, Togee, Kikuuyo, Luhya, Luwo, iwm; mar haddii aan laag geyoonayn muranka reeraha Soomaalida dhexdooda oo soconaya ilaa caruur walaalo ah oo kala hooyo ah.