Wasiirka Khaarajiga Iran: 80 Madaxa nukliyeer ayaa Bariga Dhexe Yaal ayna haystaan Kuwa Dagaalka U Oomani !!!!


Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in 80 Madaxa Hubka Nuclearka ahi ay yaalaan Bariga Dhexe, laakiin maaha qaar ay leedahay Tehran, laakiin waxa haysata kuwa dagaalka doonaya.

“Hubka nukliyeerka ah ee Bariga Dhexe waxa haysta kuwa ka soo horjeeda ra’yiga Iran ee lagu eedeeynayo nukliyeerka,” ayuu yidhi.

“Waa wakhti laga wada hadli karo khatarta dhabta ah gobol iyo caalamiba,” ayuu yidhi Maxamed Jawad Zarif.

Zarif ayaa ku daabacay liiska tirakoobka nukliyeerka ee dalalka kala duwan ee caalamaka taas oo la soo dhajiyey January 2018, sida laga soo xigtay Machadka Daraasadda Dhibaatooyinka Nabadgelyada ee Stockholm.

Sida laga soo xigtay liiska, waxaa jira 80 madax Nukliyeer Israel ay haysato, Taas oo aanay weli si rasmi u qiran haysashada iyo jiritaanka hubka nukliyeerka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso