Hargeysa(ToggaHerer)- Beesha caalamka ayaa si adag uga jawaabtay qoraal ay dhowaan u gudbisay dawladda taagta daran ee Soomaaliya, taas oo ay ku doonaysay in la hoos keeno deeqihii ay Somaliland ka heli jirtay bulshada caalamka.
Waxa kaloo ay daadifeeyeen in aan dib loo cusboonaysiin heshiiskii laba geesoodka ahaa ee New Deal oo ay Somaliland, Soomaaliya iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku ku kala saxeexdeen shirkii London sannadkii 2013-kii.
Warsaxaafadeedkan ay soo saartay Beesha caalamka oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhey wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in aanay suurto-gal ahayn in isku si loola dhaqmo Somaliland iyo Soomaliya, waxaanay Bulshada caalamku intaas ku daray in aanay isku duruuf ahayn labada dal.
Waxa kaloo qaadhaan-bixiyeyaashu sheegeen in ay Somaliland awood u leedahay in ay dib u cusboonaysiiso nidaamkii ay Somaliland sida tooska ah uga heli jirtay mucaawimooyinka ay bixiyaan Beesha caalamku, waxa kale oo war-murtiyeedkaas lagu caddeeyey in aan isku si looma macaamilaynin Somaliland iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya.
Geesta kale Beesha caalamku waxay u iftiimiyeen dawladda Muqdisho in loo baahan yahay in Somaliland si cadaalad iyo sinaan ah u hesho mucaawimooyinka caalamiga ah, si ay ugu fulinayso horumarinta baahiyaheeda gaarka ah.
Waxa kale oo ay sheegeen Qaadhaan bixiyeyaasha caalamiga ahi in ay Somaliland tahay meel ay ka heli karaan isla xisaabtan, taasina ay tahay sababta aanay mucaawimooyinka ay siiyaan Somaliland u hoos geynaynin Soomaaliya. War-saxaafadeedka beesha caalamka waxa lagu xusay in aanay doonaynin in la siyaasadeeyo arrimaha mucaawimooyinka Soomaalida dhexdooda.
Qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa ku saxeexnaa Phil Evans oo ah u qaybsamaha hay’adda DFID ee Somaliland iyo Somaliland iyo Per Karlsson oo ah u qaybsamaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah u qaabilsan safaaradda dalka Sweden, waxa kale oo isna ku saxeexnaa Guglielmo Giordano oo ah u qaybsamaha ee wakaaladda mucaawimooyinka Talyaaniga ee Soaliland iyo Soomaaliya.